La Yaab Lionel Messi oo Dhalashada Hooyadiis u dabaal degay & Xiriika Kubada cagta ee dalka Spain o arintaas darteed Lacag ganaax ah dul dhigay, Saxaafada Sportiga oo arinkaan si weeyn ugu mashquushay (Aqri War bixintaan oo Tarjuman kana Daawo halkaan sida eey wax u dhaceen) * Juventus,Chelsea & Liverpool ha loo duceeyo (Sky-Sport) Roma oo Juventus ku Ruux baxday Rajo Beelna dhigtay. (Halkaan ka Daawo)
Barnaamishka La ! Yaab ee ka baxa www.xiriiriye.com waan maqaalka ugu aqriska badan marka loo fiiriyo Barnaamishyada kale ee Xiriiriye.com uu soo saaro. La ! Yaab waxa uu raadiyaa oo Bulshada Sportiga ku xiran Banaanka u soo dhigaa Qodobka ugu hadal heeynta & Mucjisada badan dhanka Sportiga ee xiligaas taagan. La ! Yaab sooma baxo Cadeen la´aan sida Sawiro ama muuqaal Video-ga ah.
Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Barcelona Lionel Messi ayaa waxaa qabsatay labo daran mid dooro.
Messi ayaa waalidka dhalay ee Celia und Jorge wuxuu hawada u mariyey salaan qoraal ah oo uu ku soo buufsaday funaanadiisa hoose. Leo Messi ayaa si qaas ah waxa uu hambalyo ugu diray hooyadiis oo dhalasho leheed. Sida aad sawirka Funaanada Messi uga jeedaan waxaana ku qoran sidan > ( Feliz Cumple, Mami) oo macnaheedu yahay (Hooyo waxaan kuu rajeenayaa Nasiib wanaagsan iyo Dhalasho farxad leh) . Goolka uu Messi Dhalashada Hooyadiis Hambalyada hawada ugu mariyey ayaa waxaa uu ahaa Rigoore laga dhigay daqiiqadii 33-aad ciyaartii dhex martay kooxaha Barcelona Vs Santander . Halkaan ka Daawo sida eey wax u dhaceen >>> http://www.youtube.com/watch?v=5g_jujOues0. Dabaal dega Messi ayaa waxaa uu keenay in Jaalle la siiyo oo weliba Xiriirka kubada cagta ee Spain eey ganaaxaan 3000 Euro.
Waxaa is weey diin mudan Akhristoow Leo Messi oo Milyiner ka hadlaayo mexeey ka dhibeeysay 3000 Euro oo la ganaaxay ama Hooyadiis Tv-yada caalamka ka salaamay iyada oo dhalasho leh? (War bixintaan oo Tarjuman halka ugu hooseeyso ka aqri).
*** Dhanka kale Faallo aad u dheereed oo uu soo daayey Tv-ga Sky Sport ayaa waxa uu Ciwaan & Gabo gabo uga dhigay Fc Chelsea, Fc Liverpool & Juventus ha loo duceeyo kooxahaan. Skysport ayaa sheegay in Sadexdaan kooxood eey Ciyaartooy Qashin camal u hayaan balse waxaa uu yiri meel laga heeysto ayaa jirto.
Skysport ayaa yiri Sadexdaan kooxood wexeey Dunida ku leeyihiin Taageerayaal xoogan balse meelaha eey ka jiran yihiin kooxaan ayaan la aqoon ee Ha looduceeyo.
*** Koobka Talyaaniga oo kooxihii waa weeynaa iskugu soo hareen ayaan waxaan horay uga faaloonay kulamadii hore ee dhacay. Kulankii adkaa ee dhex maray Juventus Vs Roma ayaa Juve oo ayaantaan laga yaabanhay qaabka eey mar u kacsanthay marna Korantada uga damsantahay ayaa tookadaan waxaa Gurigeeda jilbaha isku laabtay oo 0-2 ruuxa uga siibtay kana reebtay Coppa Italy kooxda As Roma.
Juventus oo ciyaartooy badan ka dhaawacan yihiin ayaa waxaa goolasha ka kala dhaliyey Mirko Vucinic und Rodrigo Taddei . Halkaan ka Daawo Goolka uu dhaliyey Rodrigo Taddei oo aad u Qurux badnaa sida Sawirka kore idinkaga muuqato wuxuuna ahaa Goolasha eey Soomaalida u taqaan (Labo Lugaatooleyda oo inta badan kubada si wanaagsan oo qiyaas ah loogu jiifto ama la iskugu gaabiyo in kastoo qofkii aan aqoon ee isku dayo Qaabkaas uu dhabarka ka dhaawacmo ama ka Jabo) Halkaan ka Daawo Goolka Rodrigo Taddei iyo Juventus oo weerar ku maqneed si eey ciyaarta 1-1 uga dhigto balse markii dambe iyada lagu Quraacday. Goolka oo Bilisiyoon uu soo dhigay Daniele De Rossi ahaa inta ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=wxOU5-OB4zs.
Koobka Talyaaniga ayaa Wajigiisa 1-aad iyo 2-aad waxaa lakala ciyaari doonaa 20-ka Abril & 11-ka Meey 2011 wexeeyna kooxaha iskugu soo haray koobka iskugu soo adeen sidan : Palermo Vs Milan & Inter Vs Roma..
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Für Argentiniens Superstar Lionel Messi sind seine Eltern Celia und Jorge die wichtigsten Ansprechspartner in seinem Leben. Der Torjäger von Barca wartete mit einer schönen Geste auf.
Beim 3:0-Sieg gegen Santander hatte Messi seinen Treffer zum 2:0 für einen privaten Jubel genutzt. Nach seinem Elfmeter-Tor in der 33. Minute hob er sein Trikot und enthüllte darunter ein rotes T-Shirt mit der Aufschrift «Feliz Cumple, Mami», was so viel wie «Herzlichen Glückwunsch, Mami» heisst. Diese sympathische Geste des Fussballers des Jahres zum Geburtstag seiner Mutter wurde allerdings nicht von allen goutiert.
Der Schiedsrichter zeigte Messi die gelbe Karte. Und Spaniens Königliche Fussball-Föderation hat den Argentinier mit einer Geldbusse belegt. Nationale Medien spekulieren mit einem Betrag von 2000 bis 3000 Euro. Messi ist mehrfacher Millionär und könnte die Busse aus der Portokasse bezahlen. Trotzdem muss die Busse gegen Messi zu denken geben. Die Strafe wurde ziemlich humorlos ausgesprochen. Immerhin ist Messi auch als Argentinier ein grosses Aushängeschild des spanischen Fussballs.