Jiirooniga Sadex Geesoodka ah ee dalka Talyaaniga : Juventus oo Milan Garaacday,Inter Vs Juventus yaa badiyey? ,* Atletico Madrid oo Lacag aad u fara badan kula soo wareegtay Radamel Falcao & Warar kii ugu dambeeyey ee World News+Kawaanka Ciyaartooyda .(Halkaan ka Daawo Sport News
*** Tartankii 23-aad ee Jiirooniga eey Soomaalidu u taqaan Sadex Geesoodka balse dalka Talyaaniga looga yaqaan del Trofeo Tim halka luuqada English-ka loogu yeero staging of the TIM Trophy ayaa la ciyaaray. Tartankaan waxaa la qabtaa sanad walba ka hor inta uusan bilaaban Horyaalka Talyaaniga waxaana lagu qabtaa Magaalada Bari ee isla dalka Talyaaniga.
Tartankaan koox walba wexeey ku soo bandhigta Del Trofeo Tim awoodeeda iyo Ciyaartooyda cusub ee ku soo biiray Xili ciyaareedkaan waxaana la ciyaaraa kulan kasta mudo 45 daqiiqo ah . Kooxda Juventus wexeey 2-1 ku suul daartay kooxda heeysata Horyaalka Talyaaniga ee Ac Milan. Goolasha Juventus waxaa u kala saxiixay Xiddiga cusub ee dhawaan ka yimid kooxda Bayer Liverkusen Artur Vidal Daqiiqadii 20-aad waxaana goolka kale raacsaday Alessandro Matri daqiiqadii 48-aad.
kooxda Ac Milan oo Goolka ku hormartay waxaa Daqiiqadii 12-aad u saxiixay Weeraryahan Antonio Cassano.
Kooxda Juventus Laacibiinta eey la soo shir tagtay wexeey kala ahaayeen Xiddigahaan : Storari; Motta, Barzagli, Bonucci (Sorensen 30), Ziegler; Pazienza, Pirlo (Marrone 23), Vidal; Krasic (Ruggiero 11, Vucinic 33), Matri, Pasquato (Spinazzola 27)
Buffon, Manninger, Lichtsteiner, Marchisio, De Ceglie, Del Piero, Vucinic, Libertazzi.
Ac Milan Laacibiita eey soo saftay ama Binjiga u fadhiyey waxaa ka mid ahaa Xiddigahaan : Goolhaye Roma; Antonini, Nesta, Ely, Taiwo; Gattuso, Van Bommel, De Sciglio; Boateng; Cassano, Comi (Ganz 33). Amelia, Piscitelli, Abate, Bonera, Oddo, Zambrotta, Ambrosini, Emanuelson, Flamini, Sampirisi, Fossati, Kingsley. Halkaan ka Daawo Juve Vs Milan >>> http://www.youtube.com/watch?v=IE6nPHjDPYY .
Kulankii kooxaha Inter Vs Juventus oo Bareejo 1-1 ah la isku mari ayaa aqiritaankii waxaa loo dhigay kooxahaan Rigoore.
Goolasha Inter iyo Juventus ayaa waxaa u kala saxiixay Laacibiinta labadaaan kooxood ku cusub ee lagu kala magacaabo Vucinic oo Juventus Daqiiqadii 9-aad goolka u saxiixay halka Inter uu Bareejada u keenay Daqiqadii 16-aad Ciyaaryahan Ranocchia .
Bareejo 1-1 ah markii la isku mari waayey waxaa Rigooreyaal la dhigay 7-6 ku badisay kooxda Inter. Laacibiinta ayaa sidan u gamay Rigoorada : Pazzini wuu dhaliyey, Del Piero dhaliyey, Thiago Motta wuu dhaliyey, Pasquato wuu cunay, Pandev wuu cunay, Bonucci wuu dhaliyey, Sneijder wuu dhaliyey, Vucinic dhaliyey, Stankovic wuu dhaliyey, Pirlo wuu dhaliyey, Ranocchia wuu dhaliyey, Lichtsteiner wuu dhaliyey, Samuel wuu dhaliyey waxaana ugu dambeentii see tahay Juventus u qasaariyey Barzagli .
*** Xiddigii hore ee Ac Milan Andrea Pirlo ayaa aad u amaanay qaabka uu wax u wado Macalinka juventus Antonio Conte.
" Qaar badan oo laacibiintii cusbeed ah iyo kuwii hore wuxuu Conte ka wada dhigay isku tak tak iyo qibrad, aad ayaana ugu farax sanahay sida uu macalin Conte juventus koox laga baqo uga dhigay ayuu yiri Pirlo oo ku wanaagsan Bilisiyoonka una waramayey Skysport qeeybtiisa dalka Talyaaniga
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=QqVcjeICpLo .
*** Kooxda kubada Cagta ee Atletico Madrid wexeey si la yaab ah gacanta ugu soo dhigtay Xiddig eey ugaarsi weeyn ku hayeen kooxaha ugu tunka weeyn Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta gaar ahaan kooxaha Fc Chelsea & Fc Bayern Munchen.
Xiddigaan oo u safto Qaranka Colombia lagana soo iibiyey kooxda heeysata Europa League waa Fc Porto waxaa lagu magacaaba Radamel Falcao . Weeraryahankaan waxaa lagu buuxiyey booskii uu baneeyey Laacib Sergio Aguero oo u wareegay dhanka Man City. Radamel Falcao waxaa laga soo baxshay Adduun lagu sheegay 40 Milyan oo Euro.
Ciyaaryahan Radamel Falcao Garcia Zarate waxa uu heeystaa Iskoor cusub oo dhanka Gool dhalinta ah ka dib markii eey qaadeen xili ciyaareedkii la soo dhaafay koobka Europa League halkaas oo uu 17-Gool ka soo dhaliyey wuxuuna Iskoorka Gooldhalinta Ex-UEFA-Cup-ka ka jabiyey Laacibkii hore ee Qaranka Germany Jürgen Klinsmann. Halkaan ka Daawo Goolasha Laacib Falcao >>> http://www.youtube.com/watch?v=voGI04jHHrA .
*** Waxaa Caawa lagu wadaa ineey Ciyaar aad kulul dhex marto Wadamada Brazil Vs Portugal oo iskugu soo haray Ciyaarta Fiinaalaha Koobka Juunyerka Adduunka (World Cup U20 2011 in Colombia). Brazil wexeey 2-0 ku soo reebtay Qaranka Juunyerka Mexico halka Portugal eey iyana sidoo kale 2-0 iskaga soo fujisay Qaranka France oo Sanadkaan aad u adkaa weliba watay Wiilal yar yar oo asal ahaan ka soo jeeda Qaarada Africa.
Brazil Koobka Juunyerka Addunka wexeey heeysataa 3-jeer waxaana ugu dambeeysay mar eey soo gaarto Finaalka Tartankaan sanadkii 2009-kii xiligaas oo Qaranka Ghana uu Laacibiintii Brazil ka socday Rigooreyaal Jooga kaga rideen inkastoo Brazil kulankaas eey ku sheegtay mid Sixir ahaa oo Qaranka Ghana uu soo aqristay wax yaalo Quraafaad ah.
Portugaal iyada Taariikh ahaan waa sida Qarankooda waa weeyn oo kale ma lahan Nasiib eey koob ku qaadaan mana ka haraan Ciyaaraha Caalamiga waxaana Portugal qaadista koobkaan Juunyerka Addunka ugu dambeeysay 20 sano ka hor .
Koobka Juunyerka Addunka ee 20-jirada waa halka eey mar walba ka soo baxaan Laacibiinta Caalamka. Halkaan ka Daawo Brazil Qeeylada ka dhacday iyo Garoonka Bogota ee Caasimada Colombia oo dalka Brazil aad uga fog sida eey u soo buux dhaafiyeen Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=MIG22I5d0-E .
*** Fc Arsenal wexeey u kulushahay ama soo wadataa Difaaca Dhirirka badan ee Qaranka Germany iyo kooxda Werder Breman waa Per Mertesacker. Wada hadalka Xiddigaan ayaa mar kale soo laba kacleeyey ka dib markii Fc Arsenal uu ka dhaawacmay Laacib muhiim ah oo ka ciyaara dhanka Difaaca. Per Mertesacker waa Testo socoto wuxuuna aad u anfici lahaa Fc Arsenal.
*** Xiddiga Qaranka France & Fc Bayern Munchen Frank Bilal Ribery ayaa waxa uu cod dheer ku yiri sidan " Ma aqaan waxa i daba dhigay Dhaawacaan faraha badan ee igu soo kaca markaan ciyaaro oo kaliyah,, Ribery ayaa 2 Isbuuc ka hor dhaawac uu mudo dhoor Isbuuc ah kaga maqnaa Garoomada dib ugu soo laabtay hadane waxaa mar kale ku soo kacay Xanuunkii uu Dhaqtarkiisa lahaa wuu bogsaday oo waxaan siiyey Daawo wanaagsan. Ribery ayaa dhaawaca waxa uu ku soo kacay ka dib ciyaartii eey Zurich garaaceen wuxuuna ka maqnaan doonaa kulanka Isbuuca dambe eey ku tagi doonaan Guriga Zurich ee dalka Swizerland.
Halkaan ka Daawo Wacdaraha & Biriqda uu gamaayo Arjen Robben kulankii Is reeb reebka koobka Champions League >>> http://www.youtube.com/watch?v=9yXy2jND5Vc .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com