Xiddiga kubada cagta ee Qaranka Portugal & Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro ayaa waxa uu Qaatu Billahi ka taagan yahay Xiddiga kale ee heeysta Laacibka Sanadka ee Dunida waa Lionel Andres Messi.
Cristiano Ronaldo oo Leo Messi uga haray Qaadista Horyaalka La Liga oo eey kooxda Fc Barcelona 8-dhibcood ku hogaamineeyso ayaa waxa uu hada Messi u soo dhigtay dhanka Gooldhalinta horyaalka Spain oo in mudo ah uu C. Ronaldo gacanta ku hayey.
Cristiano Ronaldo & Lionel Messi wexeey Gooldhalinta Horyaalka Spain ku wada hogaaminayaan min 27-Goals, waxaa ku soo xigo David Villa oo 17-Gool dhaliyey halka kaalinta 4-aad eey isku heestaan weeraryahanka Qaranka Spain Fernando Llorente oo u ciyaara kooxda Athletic Bilbao & Xiddiga da´da yar ee Qaranka Italy Giuseppe Rossi oo isna u safta kooxda FC Villareal wexeeyna wada leeyihiin min 15-Gool.
Horyaalka dalka Spain ee La Liga waxaa la ciyaaray kulankiisii 31-aad waxaana ka dhiman oo ka hartay 7-kulan oo kaliyah.
Kooxda Fc Barcelona oo gurigeeda (Camp Nou) ku qaabishay naadiga Almeria 3 & 1 ayeey ku suul daartay waxaana goolasha u kala dhaliyey Ciyaartooyda kala ah Lionel Messi Daqiiqadii 53-aad (Gool Rigoore ah) & 90-aad waxaana goolka kale Fc Barca u saxiixay daqiiqadii 64-aad Ciyaaryahan Thiago Alcantara .
Halkaan ka Daawo Barca Vs Almeria : >>> http://www.youtube.com/watch?v=1b2y5atB-ak .
Kooxda Real Madrid oo loogu yeero Boqorada Yurub (The king of europe)
wexeey Guriga kooxda Athletic Bilbao ku soo badiyeen 0-3 waxaana halyeeygii Garoonka ahaa Ciyaaryahan Ricardo Kaka oo dhaawac ka soo laabtay ka dibna dhaliyey 2-gool oo Rigoore-yaal ahaa Daqiiqadihii 14-aad & 54-aad waxaana goolka 3-aad raacsaday C.Ronaldo Daqiiqadii 70-aad.
Halkaan ka Daawo Bilbao Vs Real >>> http://www.youtube.com/watch?v=3eW5EfGbFs4
Horyaalka Spain ee La Liga Fc Barcelona wexeey ku hogaamineeysaa 84 Dhibcood, Real Madrid oo ku soo xigto wexeey leedahay 76-Dhibcood. Hadaba Akhristoow maxaad kala socotaa waxa dhici doona Isbuucyada soo socda??
Real Madrid Vs Barcelona Cristiano Ronaldo Vs Lione Messi wexeey si toos ah ugu kulmi doonaan maalinta Sabtida ah ee soo socota garoonka weeyn ee Santiago Bernabeu oo eey maamusha kooxda Real Madrid waxaana maalintii doraad eheed dhamaaday Tikityadii lagu daawan lahaa ciyaartaas ka dib markii eey goosteen Taageerayaasha labada kooxood oo lagu sheegay 80.000 .
Intaas kuma kala hari doonaan kooxahaan oo eey u ciyaaraan Xiddigaha Dunida ugu Qaalisan uguna Mushaar qaadashada badan oo waxeey ku kulmi doonaan 20-ka Bishaan aanu ku jirno ee Apriil Ciyaarta Fiinaalaha Koobka Boqortooyada Reer Spain oo lagu magacaabo (Copa del Rey) wexeeyna Ciyaartaan ka dhici doontaa Garoonka weeyn ee kooxda Valencia Mestalla Stadium .
Fiinaalaha Koobka ka dib waxaa lagu wadaa ineey Kooxahaan is neceb isku arkaan kulanka koobka Champions League (26./27 Apriil & 3./4-ta bisha Meey ee soo socota waa hadii eey Real Madrid soo dhaafto kooxda Tottenham halka Fc Barcelona dhankeeda rajo weeyn ka qabto ineey kooxda schacktor Donysky oo ka dhisan Horyaalka Ukraine markeedii 2-aad soo reebto.
Jaraaidyada Mondo Times & Marca-Sport oo ka soo baxa dalka Spain ayaa wexeey Sawir ka sameeyeen Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo leh sidan : " ( Sheekada uu Messi wado ma ahan wax macquul ah , Gooldhalinta oo aan xaq u leeyahay ayuu u soo dhigtay wuxuuna Messi Doonayaa inuu Adduunkaan weeyn igu soo yareeyo) !! Hadal kaas Saxaafadu wexeey kala jeeday Messi oo raba inuu Cristiano Ronaldo meel kasta oo Koob Caalami ah uu yaalo ku cariiriyo.
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga oo la ciyaaray kulankiisii 31-aad waxaa kooxdiisa Juventus Bareejo ka fakiyey oo 3-dhibcood farta ka saaray Ciyaaryahan Luca Toni oo mudo dheer Dhaawac uga maqnaa kooxdiisa.
Juventus wexeey 3-2 ku suul daartay kooxda Genoa oo goolka Juve kala hormartay ka dib markii uu difaaca juventus daqiiqadii 7-aad Ciyaaryahan Bonucci kooxdiisa goolka ka dhaliyey wexeeyna Mucjisada ugu yaabka badneed eheed in daqiiqadii 50-aad uu kooxdiisa isna goolka Bareejada ka xareeyey Ciyaaryahan Rossi oo u safta Genoa . Kooxda Genoa oo u labeeysay Juventus ayaa waxaa hadane Goolka Bareejada Juve oo ku dheeleeysay Gurigeeda u saxiixay Xiddiga kacsan Mudooyinkaan dambe ee u ciyaara Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus waa ciyaaryahan Alessandro Matri oo dhawaan ku soo biiray naadigaas.
Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=ZFBEZnFvKKY
Dhamaadkii Ciyaarta daqiiqadii 83 ayuu weeraryahan Luca Toni oo dhaawac ka soo laabtay wuxuu goolka guusha u saxiixay kooxda Juventus. Dhanka kale Naadiga Ac Milan wexeey dhulka la soo simeen kooxda Fiorentina oo ku ciyaareeysay goroonkeeda Artemio Franchi . Milan oo Fiorentina 1-2 ku soo garaacday waxaa goolasha u kala dhaliyey Clarence Seedorf daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore waxaana goolka 2-aad raacsaday weeraryahanka Qaranka Reer Brazil Alex Pato.
Mucjisada ka yaabsatay dhamaan bahda Sportiga ee daawaneeysay Ciyaartii Fiorentina Vs Milan ayaa wexeey tahay Qaasaaraha qabsaday Laacib Zlatan Ibrahimovic oo ganaax 3-kulan qaatay dib uga soo laabtay hadane markale Rooso la laqsiiyey.
Halkaan ka Daawo Fiorentina Vs Milan >>> http://www.youtube.com/watch?v=lLw-U1A9Q2Y .
Laacib Zlatan Ibrahimovic ayaa mudooyinkaan dambe waxa uu isku badalay Xiddig xanaaq badan oo weliba eey ka soo horeeyso Haraantida, Zlatan Ibrahimovic oo daqiiqadii 77-aad Jaale loo dhiibay wuxuu 10-daqiiqo ka dib muteeystay Rooso sababtay in Ciyaarta banaanka looga saaro. Horyaalka Talyaaniga ee Serie A wexeey Isbuucaan kooxaha isku macsalaameeyeen sidan :