 |
|
 |
Newstel |
 |

La Yaab : Sawirkaan waxaa kaaga muuqdo Ciyaaryahan Matthias Hilbrands oo intii eey Ciyaarta socotay uu u soo dhacay Telefoonka gacanta oo aad muhiim u ahaa , Intii uu Telefoonka ku hadlaayeyna Xiddigii booskiisa oradka ku dhaafay dhulka ayuu la simay * Maalqabeen la wareegay Kooxda Fc Arsenal & Ciyaartooy caan ah oo uu sheegay inuu naadiga ku soo biirin doono, * Celia oo ah Hooyada dhashay laacib Leo Messi oo Guri eey ku jirtay 9-xabadood lagu furay (Aqri War bixinta oo tarjuman) iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo Xiddiga telfoon ku hadlista galay ciyaartii oo socoto) Barnaamishka La Yaab Sport ee www.xiriiriye.com oo ku xiran Jaraaidyada & Telefishinada Caalamk kuwooda ka faalooda Ciyaaraha kubada cagta waxa uu mar kasta idiin soo xulaa Mucjisooyinkii ugu hadal heeynta badnaa dhanka Ciyaaraha kubada Cagta. Hadaba Xiriiriye & La Yaab Sport mexeey maanta idiin hayaan oo Daawasho ah? *** Ciyaaryahan lagu magacaabo MattMatthias Hilbrands ayaa waxaa laga soo wacay Telfoonka gacanta oo uga muhiim sanaaday Ciyaartii uu dheelaayey taas oo sababay intii uu ku mashquulsanaa ku hadlista Telfonka Gacanta inuu Xiddig kale orad ku dhaafay booskii uu baneeyey Ciyaaryahan Matthias Hilbrands ka dibna waxa uu Matthias Hilbrands dhulka la simay Ciyaaryahankii rabay inuu oradka ku dhaafo ama ka faaideeysto inta uu Matthias Hilbrands Telfoona Muhiimka ah ku hadlaayey. Matthias Hilbrands ayaa marki uu qalay ama Dhulka dhigay Xiddigii rabay inuu oradka ku dhaafo ka dib waxa uu Telfoonkiisa Gacanta iskaga dhiibay Tababarihiisa oo Alabiitaraha ka qariyey wuxuuna Faol-kaas ka dib qaatay Matthias Hilbrands Jaale oo kaliyah. Halkaan ka Daawo Video-gaan oo noqday midkii ugu daawashada badnaa isaga oo cusub >>> http://www.youtube.com/watch?v=LAsSLx6TGNc&feature=aso . *** Enos Stanley Kroenke oo ah Maalqabeen u dhashay dalka Mareykaka ayaa waxa uu iibsaday inta badan saamiga kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal oo ka dhisan Caasimada dalka Ingiriiska ee London. Ninkaan Taajirka ah waxa uu iska leeyahay sidoo kale Basketball-Club Denver Nuggets (NBA), Eishockey-Club Colorado Avalanche (NHL) iyo Football-Clubs St. Louis Rams (NFL). Stanley Kroenke oo 63-jir ah mar uu u waramayey Skysport waxa uu sheegay in uu jecelyahay inuu kooxda The Gunners ku soo biiriyo Ciyaartooy eey ka mid yihiin xiddiga Real Madrid Ricardo Kaka, Difaacii hore ee Arsenal Ashley Cole oo Fc Chelsea u safto, Bastian Schweinsteiger oo Bayern Munchen ah iyo weeraryahan Karim Benzema oo Real Madrid afka hore ka caawiyo. Kooxda Arsenal ayaad moodaa ineey ka fuqday baahidii eey u qabtay Lacag badan oo sida Fc Chelsea & Man Utd Kawaanka Ciyaartooyda uga qaraabato. Fc Arsenal qarashkii ugu xooganaa waxa uu ka galay oo ilaa iyo hada deeyntiisii weli lagu leeyahay dhisidii garoonka weeyn ee kooxdaas oo lagu magacaabo Emirates Stadium waxaana uga baxday Lacag dhan 220 Milyan oo Euro. *** Xiddiga kooxda Fc Bayern Munchen Arjen Robben ayaa waxaa la ganaaxay 2-kulan oo xiriir ah inuusan u ciyaari karin kooxda Fc Bayern Muchen iyo inuu dhiibo Lacag ganaax ah oo qiimaheeda lagu sheegay 15.000 oo Euro. Arjen Robben ayaa waxaa lagu heeystaa caay uu la daba kacay Garsoorihii dhex dhexaadinaayey ciyaartii Nürnberg Vs Fc bayern Munchen oo ku soo hamaatay 1-1, Dhanka kale kooxda Fc Bayern Munchen oo Macalin Louis van Gaal iska ceeyrisay ayaa waxaa booskiisa galay oo inta ka hartay Horyaalka Jarmalka sii daa dihin doono kooxda Fc Bayern Munchen Andries Jonker. *** Guri eey ku jireen Wiil la dhashay Xiddiga Fc Barcelona Lionel Messi & hooyada dhashay Laacibkaas oo lagu magacaabo Celia ayaa Niman watay Mooto wexeey ku fureen 9-xabadood oo Bistoolada nuuca loo yaqaan 9-mm-Pistole ah. Wiilka la dhashay Leo Messi waxaa lagu magacaabaa Matías wexeeyna isaga iyo hooyadiisba ka bad baaden shilkaas. Leo Messi ayaa Arinkaan wuxuushnimada ah waxa uu ka qaaday Naxdin xoogan isaga oo hada ku sugan ama u amba baxay kulanka Champions league ( Schachtjor Donezk Vs Fc Barcelona) sida eey qoreen Jaraaidka Caalamka. Waxaa wax caadi ah oo mar kasta la maqlaa Ciyaryahanada caanka ah oo Qooysaskooda la weeraro wexeyna dhibaatooyinkaan mar kasta ka dhacaan Wadamada Brazil, Colombia, Ruushka & Argentina . (War Bixinta Messi hoos ka Aqriso hadaad Luuqada Jarmalka isku fiican tihiin )
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com Halkaan ka aqriso War bixinta Leo Messi Familkiisa oo la weeraray.
Böse Nachrichten aus der argentinischen Heimat für Lionel Messi vom FC Barcelona: In Rosario ist das Haus von Bruder Matías von einem fahrenden Motorrad aus beschossen worden.
Köln (SID) - Böse Nachrichten aus der argentinischen Heimat für Weltfussballer Lionel Messi vom spanischen Meister FC Barcelona: In Rosario ist das Haus von Bruder Matías von einem fahrenden Motorrad aus beschossen worden. Insgesamt acht Schüsse aus einer 9-mm-Pistole wurden auf das Gebäude abgegeben, in dem sich zu diesem Zeitpunkt als einzige Person Messis Mutter Celia befand, die aber mit dem Schrecken davon kam. Über die Hintergründe des Angriffs wurde zunächst nichts bekannt. Messi selbst reagierte laut spanischen Medienberichten geschockt, trat aber am Montag mit Barca die Reise in die Ukraine zum Viertelfinal-Rückspiel der Champions League bei Schachtjor Donezk an. Das Hinspiel hatte
| | | | |
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|