Dr. Josep Fuster Obregon oo ku guuleeystay Qaliinkii Beerka ee Ciyaaryahan Eric Abidal , Kooxaha Liverpool, Ajax , Leverkusen Rangers & Man City oo laga wada reebay koobka Europa League iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News .
*** Dr. Josep Fuster Obregon oo ah Dhaqtarkii Beerka Qaliinka deg dega ah uga sameeyey Xiddiga Qaranka France iyo kooxda Fc Barcelona Eric Abidal ayaa waxa uu dhamaan Saxaafada Sportiga ee Caalamka mar quraa ugu bishaareeyey inuu ku guuleeystay Qaliinkii Eric Abidal oo noqday ayaantaan midka ugu hadal heeynta badan Caalamka.
Dhaqtar Josep Fuster Obregon oo soo is taagay irida hore ee isbitaalkii lagu qalay Eric Abidal ayaa waxa uu yiri sidan : " Qaliinkii Eric Abidal waanu ku guuleeysanay laakiin waxaan kaloo idinkaga farxinayaa inuusan Isbitaalka ku jiri doonin wax ka badan hal Isbuuc (Only 1-Week) .
*** Koobka Europa League Ex-Jabhadii hore ee Uefa-Cup-ka oo la ciyaaray is aragii 2-aad ee loogu soo gudbi lahaa 8-da kooxood ayaa waxaa la reebay oo Boorsooyinkooda loo xir xiray kooxo waa weeyn oo eey ka mid yihiin Liverpool, Ajax , Liverkusen Rangers , Manchester City, Zska Moscow, Zenit St. Petersburg iyo Paris St. Germain .
Kooxaha ayaa sidan ku kala baxay :
|
| Paris SG - Benfica |
1:1 |
| Man City - Kiev |
1:0 |
| Zenit - FC Twente |
2:0 |
| Spartak - Ajax |
3:0 |
| FC Porto - ZSKA |
2:1 |
| Rangers - Eindhoven |
0:1 |
| Villarreal - Leverkusen |
2:1 |
| Liverpool - SC Braga |
0:0 |
|
Waxaa wareega 8-da kooxood u soo gudbay kooxaha kala ah Dinamo kiev, Fc Braga, Psv Eindhofen, Villarreal, Fc Porto, Benfica, Spartak Moscow, iyo Fc Twente.
*** kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa soo ceshatay Goolhaye Jens Lehmann oo 41-jir ah una dhashay dalka Jarmalka wuxuuna u saxiixay inuu u ciyaaro ilaa inta ka dhiman xili ciyaareedkaan. Jens Lehmann ayaa Sanadihii 2003 ilaa 2008 waxa uu ka mid ahaa kooxda The Gunners ee Fc Arsenal. Dhanka kale Xiriirka UEFA ayaa wexeey ganaaxeen Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger iyo Xiddiga Qaranka France Samir Nasri oo labadoodaba lagu eedeeyey ineey si aan ashax aheeyn ula dhaqmeen Garsoorihii hayey Ciyaartii Fc Barcelona Vs Fc Arsenal Massimo Busacca.
*** Koobka Champions League 2010/11 oo soo gaaray halkii ugu xiisaha badnaa ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah eey isku dhacaan ama qoorta isla galaan kooxo waa weeyn oo isku dal ka wada socda sida Fc Barcelona Vs Real Madrid, Man Utd Vs Chelsea . Xiriirka Uefa ayaa sheegay ineeysan kala leexin doonin xitaa kooxaha ka wada socda hal Horyaal oo isku mid ah. Waxaa ilaa iyo hada isku soo haray Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League Kooxaha kala ah Fc Barcelona & Real Madrid oo Qoomiyada Spain ka socda, Fc Chelsea, Man Utd iyo Tottenham oo Cariga England ka yimid, Fc Schalke oo Germany ma taleeysa, Inter oo ah kooxda Bad baadisay Magaca kubada cagta ee Talyaaniga iyo kooxda Schachtjor Donezk oo ka socota dalka Ukrain.
Isku Aadka ama Qori tuurka oo ka dhici doona maanta oo Jimce ah Magaalada Nyon saacadu markeey tahay 12:00 xilga waqtiga qaarada Yurub. Marka 8-da kooxood la isku aadiyo ayaa Wajiga 1-aad iyo kan 2-aad waxaa la kala ciyaari doonaa 5 & 6 Abril iyo 12/13 Abril. 4-ta ugu dambeeyso ayaa wexeey isku balan sanyihiin 26/.27.Abril iyo 3./4 Meey 2011.
Intaas ka dib The Uefa Champions League 2010/2011 Final ayaa lagu wadaa in lagu qabto Garoonka weeyn ee Wembley Stadium oo ku yaala Magaalada Londan .
Tababaraha heeysta koobkaan loo tartamaayo Mr Jose Morinho oo hada Macalin u ah kooxda Real Madrid ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa ineey ku soo aado kooxda Inter Milan oo ah tan heeysta Chamions League-hii ugu dambeeyey.
*** Kooxda FC Schalke ee Horyaalka Germany ayaa wexeey ceeyrisay Macalinkoodii Felix Magath balse ceeyristaas ugama darin Tababare Felix Magath oo wuxuu si deg deg ah ugu biiray kooxda Wolfsbrug oo sanadkii 2009-kii kula soo guuleeystay Horyaalka dalka Germany. Fc Schalke oo ku jirta kooxaha soo gaaray sideeda ugu dambeeysa ee koobka Horyaalada Yurub ayaa waxaa Macalin cusub looga dhigay Tababare Ralf Rangnick oo Sebtember 2004-tii ilaa Dezembar 2005-tii Macalin u soo noqday isla kooxda Fc Schalke.
Filo goor Dhaw warar Top Sport News ah iyo Barnaamishka La Yaab-Sport oo maanta Xiiso gooni ah xambaarsan .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com