Dhanka kale Mucaaradka dalka Liibiya oo ka Daalay sidii eey Magaalada Sirte uga saari lahaayeen Xoogaga Qaddafi ayaa markaan wexeey gaareen guul la taaban karo ka dib markii eey gacanta ku dhigeen goobo badan oo muhiim ah qaasatan Xaruntii Qaddafi, Isbitaalkii Sirte iyo Xaafad weeyn oo mudo dhoor Isbuuc ah laga saari waayey Xoogaga Qaddafi.
Goobihii eey Xalay qabsadeen Maleeshiyaadka Mucaaradka wexeey ku bilaabeen ineey Rassas la dhacaan ciilka eey Qaddafi u qabaan dartiis. Magaalada Sirte oo uu Qaddafi meel yar ka joogo hadii guud ahaan laga qabsado waxaa u hari doonto magaalada bani Walid oo kaliyah waxaana halkaas ku soo afjarmi doona sidaas Dagaalkii Ahliga ahaa ee ka taagnaa dalka Liibiya.