Isku Aadka ama Qori tuurka koobka Qaramada Yurub oo maanta la sameeyn doono,* 70-Tv oo lagu marti qaaday Xaflada Furitaanka iyo Carles Puyol oo Faan hordhac ah bilaabay (Uefa Euro 2012) !!
Caasimada dalka Ukraine ee Kiev ayaa lagu wadaa Caawa maqribkii saacadu markeey tahay 18 :00 in lagu sameeyo Isku aadka Koobka Qaramada Yurub ee Uefa Euro 2012-ka.
Tartankaan ayaa waxaa qoorta la isku galin doonaa 16-Dal oo ka socda Wadamada Yurub kuwooda dhanka Ciyaaraha kubada Cagta ku hormaray. Koobka Qaramada Yurub wuxuu ka furmi doonaa Sanadka fooda inagu soo haya dalalka Poland iyo Ukraine oo si wada jir ah u marti galiyey xili Ciyaareedkaan.
Carles Puyol oo u safta Kooxda Difaacaneeysa Koobkaan ee Qaranka Spain ayaa war baahinta horteeda waxa uu ka yiri isaga oo Qoslaya sidan " Anaga ayaa Difaacan doona koobkaan mana jirto cid xulka Spain celin karta waxaana mar kale Fiinaalaha Koobkaan kaga guuleysan doonaa Qaranka Germany,,
Xaflada Furitaanka isku-aadka Koobkaan ayaa waxaa Caawa soo xaadiri doona Laacibiinta horay u soo qaaday Koobkaan oo goobtaas lagu Casumay iyo Madaxada ugu caansan Xiriirka Kubada Cagta ee Uefa Euro. Sidoo kale Xafladaan waxaa lagu marti qaaday 70-Tv oo ah kuwa dhanka Sportiga ugu caasan Caalamka oo idil.
Koobka Qaramada Yurub waxa uu ka furmi doonaa hadii uu rabi idmo 8 Bisha Juun sanadka 2012-ka dalka Poland iyo Ukraine wuxuuna socon doonaa ilaa 1-7.2012.. Dalal awood badan ayaa looga baqayaa ineey isku dhacaan wexeeyna durbadiiba Saxaafa Caalamka ku sheegeen ineey dhici karta waxa loo yaqaan Horror-Groupe !!