LA YAAB : Simone Lambe" Michael Ballack Madax adeeg & Qalad uu ka galay Jaceeylkeena ayaanu ku kala tagnay waxaana ku filnaan weeysay Xayeeysiimaha tirada badan ee uu sameeyo hadane wuxuu doonayaa inuu Lacag darteed Buuro dhaa dheer oo Qatar ah Nafsadiisa ugu Haligo,, Sidaas waxaa Tiri Xaaskii Mr. Michael Ballack oo Kashiftay Sirtii ugu Cusleed ee dhex marta Ciyaaryahan Caan ah iyo Xaaskiisa Inta Taariikhda la ogyahay (Daawo Sawirka Gudaha Ballack oo Buuro Qatar ah looga digay inuu Fuulo & World Sport News + Euro 2012 Italy & Spain oo soo baxay (Halkaan Daawo)
Barnaamishka Maalinlaha ah ee La Yaab Sport kana baxa www.xiriiriye.com waxa uu soo tabiyaa soona Xiriiriyaa Qisooyinka Xasaasiga ah ee ugu hadal heeynta badan Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta ee Caalamka !! .
Isbuucii la soo dhaafay ayeey eheed markii mar qur ah lagu soo baraarugay Qilaaf ba´an oo soo kala dhex galay Kaptankii Qaranka Germany hadana ah Kaptanka kooxda Bayer Liverkusen Michael Ballack iyo Xaaskiisa Simone Lambe .
Saxaafada Sportiga ee Caalamka oo horay u shaacisay ineey kala tageen Mr.Michael Ballack iyo Xaaskiisa Simone Lambe ayaa hada waxaa markii ugu horeesay Sir qarsooneed banaanka soo dhigtay Xaaskii Mr.Ballack waa Haweeneeyda lagu magacaabo Simone Lambe.
Tv-ga SAT1 iyo Jaraaidka ugu magaca dheer dalka Jarmalka dhanka Sportiga waa Bild Sport wexeey Wareeysi dhinacyo badan taabtay la yeesheen Ex-Xaaskii Laacib Michael Ballack Simone Lambe oo la weey diiyey sababta keentay ineey kala haadaan Ciyaaryahan Michael Ballack oo mudo dhoor sano ah eey isqabeen.
" Ballack Lacag Malaayiin ah ayuu heeystaa, Qandaraas fara badan oo Xayeeysiin ahna wuu ku jiraa sida Xayeeysiinta Telefoonada gacanta iyo Kumpiyiitarada goobaha Shaqada lagu isticmaalo hadana waxa uu doonayaa inuu markii 2-aad Lacag darteed Nafsadiisa ugu haligo Buuro Dhaadheer dushooda ayeey Tiri Xaaskiisa Simone Lambe oo ku eedeesay Mr.Michael Ballack ineey mudooyinkii ugu dambeeyey kala kulantay Madax adeeg aad u fara badan.
Jaraaidka Bild Sport oo Qisadaan sii kala dhigay waxa uu leeyahay Mr.Michael Ballack mudo 4-sano ah waxa uu Qandaraas Xayeeysiin ah kula jiraa Shirkada Telefoonada gacanta ee lagu magacaabo Letsgomobille iyo Shirkada Kumpiyiitarada Laptop-ka xayeeysiisa ee lagu magacaabo Unister oo fadhigeedu uu yahay Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka.
Bishii Apriil Sanadkii 2010-ka Michael Ballack waxa uu ka qeeyb qaatay Xayeeysiin lagu sheegay ineey Qatar ama halis tahay taas oo lagu xayeeysiiyo Dharka Cowboy-ga loo yaqaan waxaana lagu dul dhigaa Buuro dhaa dheer dushooda halkaas oo Xargo la iska soo laad laadiyo iyada oo la soo qabanayo Libaax Rabaayad ah oo lagu matalaayo Xayeeysiintaas ama Filimka Shirkadaas.
Bild Sport ayaa waxa uu leeyahay Ciyaaryahan Michael Ballack xiligaas wixii ka dambeeyey waxa uu Xaaskiisa Simone Lambe ka balan qaaday inuu mar dambe ka qeeyb qaadan doonin Xayeeysiinta Nuucaas ah balse hada ayuu mar kale waxa uu doonayaa inuu Xayeeysiintaas ama Filimkaas la jilo Macalinka Qaranka Germany Mr.Jochum Low iyo Laacibiin kale oo ka tirsan Qaranka Germany kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay ,Bastian Schweinsteiger, Mario Gomez iyo Philip Lahm.
Xayeeysiintaan oo sabab u noqotay kala guurka iyo kala haadka Nolashii Qooyska Laacib Michael Ballack iyo Xaaskiisii Simone Lambe ayaa waxaa lagu wadaa ineey ka dhacdo Duuleedka Magaalada Hanover ee dalka Jarmalka Taariikhdu markeey tahay 29-ka bishaan aanu ku jirno ee Septembar. (Sawirada Fadeexada oo eey soo bandhigtay Xaaska Ballack kala soco Boga hore ee Xiriiriye.com).
Inta badan Laacibiinta Caalamka ayaan fiirin Lacagta Malaayiinta ah ee Bangiyada uga buuxdo wexeeyna mararka qaar si fudud ku waayaan Xaasas kooda iyo Caruurtooda maadaama Sharciyada Yurub ka jira eey Caruurta Laacibiintaas farta ka saaraan Hooyooyinka dhalay weliba waxaa loogu daraa Lacago xoogan oo lagu xaal mariyo taas oo ka timaada dhanka Ciyaartooyda .
Michael Ballack waa Xiddigii 2-aad inta Taariikhda la ogyahay oo lagu soo eedeeyo inuu Nafsadiisa Halis u galiyey Lacag darteed waxaana ka horeeyey oo aanu horay u soo bandhignay Weeraryahan David Villa oo xayeeysiin iyo Lacag darteed Dabaq 8-Biyaano ah u korey isaga oo dhinacyada eey kaga Xirnaayeen Xargo dhaa dheer waxaana Filicilkiisa cambaareeyey Jaraaidka dalka Spain oo Ciwaan kaga dhigay war bixintiisa sidan :(Waa maxay Baahida u geeysay David Villa inuu 8-Biyaano dusheeda iska soo laad laadiyo) La Yaab.
Halkaan ka Daawo Goolashii ugu wanaagsanaa ee Ciyaaryahan Michael Ballack : http://www.youtube.com/watch?v=hy_yBNIbTp0
***WORLD SPORT NEWS WARAR KII UGU WAA WEEYNAA CIYAARAHA KUBADA CAGTA :
*** Xulka Qaranka Talyaaniga ayaa xaqiijiyey ineey u soo gudbeen ka qeeyb galka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.
Italy wexeey 1-0 ku suul daartay Qaranka Slovenia waxaa goolkaas agoonka ah u saxiixay Daqiiqadii 85-aad Xiddiga Inter Milan Giampaolo Pazzini . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=i2OptECpjtY .
*** Qaranka Spain oo ah dalka heeysta koobkaan loo tartamaayo wexeey 6-0 faraqa u galiyeen Xulka Taagta daran ee Liechtenstein waxaana goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Alvaro Negredo oo labo gool kala dhaliyey daqiiqadihii (33 & 37.), Xavi (44.), Sergio Ramos (52.) iyo David Villa oo isna labo gool ku tuurtay (60./79.). Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=yjlduSaEY50.
*** Guruubka yaabka badan waa Guruub (H) oo min 13 Dhibcood eey wada leeyihiin Qaramada Portugal,Norway iyo Denmark.
Denmark wexeey 2-0 kaga soo badisay Norway oo marti uheed waxaana labadaas gool u wada saxiixay Laacib Nicklas Bendtner .
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=4cDX9gUO0W0 .
*** England wexeey 1-0 ku qaarajisay Dariskeeda Wales,Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=q1XIm2W2Qy8 . Romania Vs France 0-0 ayeey ku kala bexeen. Sweden San Marino ayeey 0-5 u soo dhiibtay.
*** Goolhayaha Mucjisada ah ee kooxda Sao Paulo ee Horyaalka Brazil Rogerio Ceni ayaa Iskoor kale oo cusub jabiyey.
Goolhayahaan oo horay u heeystay Xiddiga isaga oo goolhaye ah hadane in ka badan 100 Gool u saxiixay kooxdiisa hada waxa uu saftay shalay Kulankiisii 1.000-aad. Rogerio Ceni waa xiddiga Goolhaye ah mar kastana kooxdiisa u dhaliyaa Rigoorada iyo Bilisiyoonka.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com