La Yaab : Weeraryahan Raul Gonzales Blanko oo si weeyn ula Saaxiibay Taageerayaasha kooxda Fc Schalke ,* Luuqada Afka Jarmalka oo Fara Ba´an ku heeyso, & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo wixii dhacay & Raul oo Rugcadaa Beckenbauer la soo dhinac istaajiyey + > iyo Wargelin Muhiim ah oo ku socoto Akhristayaasha ku Xiran Bogaan Xiriiriye) !
Inta aanu u gudo gelin Barnaamishka La Yaab Sport oo aalaabaa idiin soo aruuriyo warar kii & Muuqaaladii ugu Mucjisada badnaa dhanka Ciyaaraha kubada Cagta bal aanu idinla socod siino 2-Qadob oo Muhiim ah si eeysan Akhristayaasha ku xiran www.Xiriiriye.com ugu wareerin. 1-Hadaad aragto war eey ku qoran tahay sidan : COMING SOON waa war soo socda oo Shaqo & Qoraal uu ku socdo. Qaar ka tirsan Akhristayaasha ayaa E-mailo eey noo soo direen ku sheegay inuu warka ugu koreeya u furmi waayey wexeeyna u fahmeen Qalad maadaama uu u Furmi waayey.
2- Boga hore ee Xiriiriye Video-yaasha Muuqaalka ah ee saaran hadii uu kuu furmi waayo waxaad 2-jeer dhahdaa (klick-Riix labo jeer ama ku dhufo farta-2-jeer si uu Muuqaalka kuugu furmo. > Waad Mahad santihiin, Cidii mar alle Su´aal qabto ha noogu soo dirto Ciwaankeena Keeydka www.xiriiriye.com oo ah sidan >> xiriiriyesports@hotmail.com .
Ex Real Madrid Player Raul Gonzales Blanko wuxuu ku dhashay 27-kii bishii Juun sanadkii 1977 Magaalada Madrid ee Caasimada dalka Spain wuxuuna kooxda uu ku soo barbaaray ee Real Madrid u soo ciyaaray Sanadkii 1994-kii ilaa sanadkii 2010-ka.
Raul Gonzales Blanko intii uu mudadaas dheer u soo ciyaaraayey kooxda Real Madrid wuxuu 550-kulan oo uu Saftay u Saxiixay kooxdiisii hore 228-Gool. Raul wuxuu bishii Juulay sanadkii 2010-ka heshiis Sanadkii uu qaadan doono 3-Milyan oo Euro la saxiixday Kooxda Fc Schalke ee Horyaalka Germany.
Naadiga Fc Schalke wuxuu ka dhisan yahay Gobolka Gelsenkirchen ee dalka Germany waxaana Dalka Jarmalka looga yaqaan (Königs-Blau) oo macnaheedu tahay Boqoradii-Buluuga) waxaana loo la jeeda midabka Maaliyada eey ku dheelaan oo Buluug ah.
Garoonka kooxdaan eey ku dheesho waxaa lagu magacaabaa Veltins-Arena wuxuuna qaadaa oo Isbuuc walba soo xaadirta Taageereyaal tiradooda eey kor u dhaaftay 54 142 Qof. Horyaalka dalka Germany Fc Schalke wexeey uga jirtaa xili Ciyaareedkaan kaalinta 9-aad. Kooxda eey ifka iskugu neceb yihiin waa kooxda hada Horyaalka Budesligaha Germany hogaanka u heeysa ee Borussia Dortmund . Inta Taariikhda la ogyahay kooxda Fc Schalke ma soo gaarin weli 4-ta kooxood ee ugu dambeeysa koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League oo eey hada Semifinaalkiisa taagan yihiin lana Ciyaari doonaan 26-ka bishaan kooxda Manchester United ee Horyaalka England.
Ciyaaryahan Raul Gonzales Blanko wexeey si aad ah isku kaftan barteen Taageerayaasha kooxda Fc Schalke oo soo buux dhaafiya xiliyada Tababarka meesha uu ku aalamiiteeyo Weeraryahan Raul wexeeyna labada dhinac isla gaareen in markasta Banaanka la iskula baxo. Raul Gonzales wuxuu Qaatubillahi & Quus ka taagan yahay Luuqada Af Jarmalka oo uu ka bartay 3-eray oo kaliyah.
Raul Gonzales Blanko Telefishinada Jarmalka marka eey wareeysanayaan kama cabsado oo wuxuu ku tuuraa 3-da eray ee uu bartay kuwaas oo kala ah (Super, Ich Habe, & Ich habe geschickt gemacht) oo macnaheeda uu kala Jeedo, Fiican & Taariikh aayaan sameeyey ama i xusi doonta !! . Inta badan markii uu Raul Sadexdiisa eray Tuurto waxaa Dhegta loo galiyaa oo u Tarjumo Nin Luuqadiisa Spanishka la fahma. Halkaan ka Daawo Raul Gonzales Blanko oo Tv-ga SAT wareeysigiisa la dhinac Istaajiyey Halyeeygii hore ee kubada Cagta Franz Anton Beckenbauer iyo sidoo kale Qaabka uu dhex galo Taageerayaasha kooxdiisa cusub.
http://www.youtube.com/watch?v=GP9cAUZv3HA
Raul Gonzales waxa uu Taariikhda Gooldhalinta koobka Champions League ku hogaaminayaa 71-Gool oo nadiif ah wuxuuna kooxdiisa Cusub ee Fc Schalke xili ciyaareedkaan Horyaalka Germany u saxiixay 12-Gool. Halkaan ka Daawo goolkiisii ugu dambeeyey ee uu ka xareeyey kooxda Inter >>>
http://www.youtube.com/watch?v=sVGWKT0uF58
*** DHANKA WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WEXEEY NAGU SOO GARAYAAN SIDAN:
*** Koobka Europa League Ex-Jabhadii Uefa Cup-ka oo la ciyaaray ayaa kooxaha wexeey ku kala bexeen Natiijadaan:
|
| Spartak - FC Porto |
2:5 |
| Eindhoven - Benfica |
2:2 |
| FC Twente - Villarreal |
1:3 |
| SC Braga - Kiev |
0:0 |

Waxaa ilaa iyo hada u soo gudbay Semifiinalka 4-ta ugu dambeeyso ee Koobka Europa Liegue-Ex Uefa Cup kooxaha kala ah FC Porto, Sporting Braga, Benfica Lisbon iyo FC Villarreal oo ka kala socda dalalka Portugal oo 3-kooxood ah & Spain oo hal koox ah.
*** Xiddiga Qaranka Argentina & Fc Barcelona Lionel Andres Messi ayaa iskoor cusub waxa uu ka jabiyey Ciyaartooy hore oo caan ah. Messi oo xili Ciyaareedkaan marka la isku daro, Goolasha Horyaalka La Liga, Cup-ka Spain iyo Koobka The Uefa Champions League waxa uu 46-kulan oo uu saftay dhaliyey isku dar 46-gool. Iskoorkaan cusub waxaa horay u heeystay Ronaldo De Lima 1996/97 wuxuuna dhanka La Liga Iskoor kulamo yar iyo Goolal badan ku dhaafay Xiddigii hore ee kooxda Ath.Bilbao Telmo Zarra-1950/51.
*** Xiddiga Manchester United Ryan Gigs ayaa Taageeraayasha kooxda Man Utd waxa uu hawada u soo marshay war eeysan ku farxin. Ryan Gigs oo u waramayey Skysport ayaa mar la weey diiyey sida uu arko Damaashaad eey ku jiraan Taageerayaasha kooxda Man Utd maadaama Champions League eey Taagan yihiin 4-ta ugu dambeeyso oo waliba eey ku soo aaday kooxda Fc Schalke oo Jilcan ayaa waxa uu ku jawaabay sidan : " 37-jir ayaan ahay Kubada inaan ciyaaro waxaan bilaabay anoo 7-sano jir ah ma ahan wax lagu farxo ama laga hor dabaal dego Fc Schalke oo Inter 7-gool ku soo reebtay weliba heeysata Ciyaartooy adag. !
*** Macalinka kooxda Real Madrid Jose Morinho oo dhankiisa laga wareeystay kulamada adag ee uu kala hortagi doono kooxda ayaantaan fak fakteeda la celin waayey ee Fc Barcelona ayaa waxa uu ku jawaabay Sidan " Finaalaha Koobka Spain & Horyaalka wax kaste waa filo & Macquul, laakiin koobka Champions League waxaan isku raacnay inaan Barcelona la ciyaarno Mission Impossible ! ayuu yiri Jose Morinho oo ka qosol siiyey Wariyihii wareesanaayey wuxuuna hadalkaas kala jeeday in kooxda Fc barcelona nafta u keentay balse markaan eey ku Jilbo murxi doonaan.
Halkaan ka Daawo goolkii C.Ronaldo ka dhaliyey Tottenham oo loo baxshay >>> Goolkii Shactirada http://www.youtube.com/watch?v=YF0dPKCbtjQ .
Filo Maanta Barnaamishka La Yaab & Warar kale oo Top News ah. !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com | | | | |