WORLD SPORT NEWS : kooxda Real Madrid oo Shukaansi Raaxada uga qaaday Ciyaaryahan Javier Hernandez waxaa korantadii ka damisay Manchester United ka dib markii uu 5-sano oo Heshiis cusub ah u Saxiixay,*Samuel Eto'o oo sheegay inuu la socdo meelaha eey ka Jilicday kooxdiisii hore ee Inter Milan uuna si deg deg ah ku caawin doono !! (Halkaan ka Aqriso Warar Tarjuman)
Shukaansi cir iyo dhul ah ayeey kooxda Real Madrid la daba kacday Xiddiga Qaranka Mexico iyo kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd Javier Hernandez (Chicharito). Kooxda Manchester United markii eey ka war heshay Sharta iyo Sheekada cusub ee Real Madrid mexeey sameeysay? .. 5-sano oo heshiis cusub ah ayuu Qalinka ku duugay Weeraryahan Javier Hernandez (Chicharito).
Hernandez Chicharito waa 23 jir wuxuuna Horyaalkii la soo dhaafay kooxda United u saxiixay 20-Gool (Beejkaan barta ugu hooseeyso ka aqriso war bixintaan oo Tarjuman) !
*** Weeraryahanka Qaranka Reer Cameroon iyo kooxda Anschi Machatschkala ee horyaalka Russia Samuel Eto'o wuxuu sheegay inuu si deg deg ah ku caawin doono Ex-kooxdiisii hore Inter Milan .Samuel Eto'o wuxuu taladaan u soo jeediyey Boss-ka ugu sareeyo kooxda Inter waa ninka lagu magacaabo Massimo Moratti wuuna ka aqbalay masuulkaan Talada weeraryahan Samuel Eto'o.
jaraaidka La Gazzetta dello Sport oo warkaan shaac bixiyey waxa uu leeyahay waxaa la geli rabaa xili qaboobihii fasaxa horyaalka dalka Russia waxaana lagu wadaa Maalmaha soo socda inuu weeraryahan Samuel Eto'o soo cago dhigto Xarunta maamulka Inter Milan.
Samuel Eto'o wuxuu kooxda Anschi Machatschkala ee horyaalka Russia Sanadkasta ka qaataa Adduun gaaraya 20 Milyan oo euro. Kooxda Inter Milan oo horyaalkaan dhibaato weeyn qabsatay wexeey 5-kulan oo ilaa iyo hada eey ciyaartay leedahay 4-dhibcood oo kaliyah wexeeyna horyaalka Talyaaniga kaga jirtaa kaalimaha ugu hooseeya ama afarta ugu dambeeysa.(Hoostaan ka aqriso warka oo Tarjuman).
# Der mexikanische Stürmerstar Javier Hernandez hat einen neuen Fünfjahresvertrag beim englischen Rekordmeister Manchester United unterschrieben. Das berichteten mehrere englische Zeitungen am Donnerstag unter Berufung auf seinen Agenten. ?Chicharito" hatte in der vergangenen Saison 20 Pflichtspieltore für United erzielt. Zuletzt war der 23-Jährige auch mit Real Madrid in Verbindung gebracht worden.#
# Der gerade erst nach Russland gewechselte Fußball-Star Samuel Eto'o hat sich bei seinem Ex-Club Inter Mailand als Nothelfer angeboten. Der Afrikaner wolle in der Winterpause der russischen Liga im Jänner und Februar beim Serie A-Club aushelfen, berichteten mehrere italienische Sporttageszeitungen am Donnerstag übereinstimmend. Der italienische Pokalsieger rangiert nach fünf Spielen mit nur vier Zählern auf dem viertletzten Tabellenplatz. Der Kameruner habe bereits mit Inter-Präsident Massimo Moratti über seine Idee gesprochen, schrieb die ?La Gazzetta dello Sport". Sein neuer Club Anschi Machatschkala sei zwar gegen die Ausleihe, das letzte Wort sei aber noch nicht gesprochen. Das Reglement ließe einen Kurzeinsatz des 30-Jährigen während der russischen Winterpause in Italien zu. Anschi hatte Medienberichten zufolge für Eto'o eine Ablösesumme von 27 Millionen Euro überwiesen und zahlt dem Top-Angreifer ein Nettojahresgehalt von 20 Millionen Euro. Der Stürmer könnte so die Mailänder in neun Serie-A-Spielen verstärken und auch im Derby gegen Meister Milan dabei sein. Eto'os Nachfolger Diego Forlan ist in der Champions League nicht einsetzbar, weil er bereits in der Europa-League-Qualifikation für seinen alten Verein Atletico Madrid gespielt hatte. In der Serie A war der Uruguayer zudem häufig verletzt.