Nin rabay inuu Qarxiyo Garoonka weeyn ee kooxda Borussia Dortmund oo gacanta lagu dhigay, Wadooyinka soo gala Garoonka oo la xiray , * Ciyaarta Ac Milan Vs Inter Milan Derby Della Madonnina oo laga Waayey Kaarar beec ah, Waa maxay Sababta?, * Kooxaha Real Madrid Vs Tottenham oo Dhaawacyo is kugu faanay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News . !!
Ciidamada Sirdoonka dalka Jarmalka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (BKA) ayaa wexeey gacanta ku soo dhigeen Nin 25-jir ah oo rabay inuu Qarxiyo Garoonka weeyn ee kooxda Borussia Dortmund oo ka dhisan horyaalka Jarmalka.
Ninkaan oo Waxyaalaha qarxa ku diyaarsaday Xaafad u dhaw aga gaarka Garoonka kooxda Borussia Dortmund ayaa ugu dambeentii waxaa la soo qabtay isaga oo Magaalada Koln Hotel ku yaala degay taas oo ah meel aad uga fog halkii uu rabay inuu Qarxiyo.
Halka lagu magacaabo Iduna-Park oo ah meeshii uu ku qarsaday Qaraxyada ayaa gebi ahaanba la xiray waana Wadooyinka ugu muhiimsan ee soo gala Garoonka kooxda Borussia Dortmund oo ku yaal Gobolka Gelsenkirchen dalka Germany.
Ninkaan oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa asal ahaan waxaa uu ka soo jeedaa dalka Pakistan waxaana Ficilka xun ee uu sameeyn rabay Argagax iyo wax xun ku tilmaamay ninka madaxda ka ah kooxda Borussia Dortmund oo lagu magacaabo Hans-Joachim Watzke iyo Masuulka ugu sareeya dhanka Amniga xiriirka kubada cagta ee Jarmalka Helmut Spahn.
Ninka rabay inuu wax Qarxiyo ayaa qorshihiisa wuxuu ahaa maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu eey ku beegan tahay 2-da Bisha Abril 2011 Saacadu markeey tahay 15:30 xiligaas oo Garoonka eey ku wada ciyaari lahaayeen kooxaha Borussia Dortmund Vs Hannover.
Garoonka kooxda Borussia Dortmund oo la dhisay 40-sano ka hor ayaa Ciyaar kasta waxaa soo xaadirta Daawadayaal kor u dhaafaayo 92-kun oo qof waana kooxda kaliyah ee ka Taageero badan kooxda Bayern Munchen oo Garoonkeeda Allianz Arena eey soo xaadiraan Ciyaar kasta 66-kun oo Taageere.
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS***
*** Kaptanka kooxda Tottenham ee Horyaalka Ingiriiska Ledley King ayaa waxaa Jilibka ka soo gaaray Dhaawac xun.
Ledley King oo ah Maamulaha Difaaca dhexda ee kooxda Totenham ayaa waxaa uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulamada adag ee koobka Champions League oo lagu wado inuu dhex maro Kooxaha Real Madrid Vs Tottenham 5 & 9-ka Bisha Apriil 2011.
Macalinka kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa dhaawaca Ledley King waxa uu ku sheegay Nasiibdaro ku habsatay kooxdiisa.
Dhanka kale Kooxda Real Madrid ayaa waxaa 5-ta bisha oo ah Isbuuca dambe ka maqnaan doona Weeraryahankooda Karim Benzema oo ku dhaawacmay kulankii Saaxiibtinimo ee dhexmaray Qaramada France Vs Croatia. Waxaa sidoo kale kooxda Real Madrid dhaawacyo yar yar ka qaba Criastiano Ronaldo iyo Marcelo sida ku qoran Real Madrid Home-Pige.
*** Kooxda Fc Bayern Munchen ayaa heshiis cusub la saxiixatay Xiddiga da´da yar ee Qadka dhexe Toni Kroos .
Toni Kroos ayaa waxaa aad u doonayey kooxaha Fc Chelsea iyo Aston Villa oo ka wada dhisan Horyaalka Ingiriiska.
Dhanka kale waxaa kooxda Fc Bayern Bunchen mudo Bilooyin ah ka maqnaan doona Difaacooda Daniel Van Buyten oo ciyaartii Qarankiisa Belguim la yeesheen xulka Austria Muruqa uu booday.
*** Jaraaidka ugu codka dheer dhanka Sportiga ee ka soo baxa dalka Talyaaniga Gazzetta dello Sport ayaa waxa uu qoray 16-kii Taageere ee dhibaatada ka geeysatay kulankii Catania Vs Palermo 2008-dii oo min 5-sano oo xarig ah lagu xukumay.
Taageerayaashaan la qab qabtay oo Tiradooda eey eheed 41-qof ayaa qaar ka mid ah waxaa lagu waayey wax dambi ah halka qaar kale eey noqdeen 15-jir uusan qaban Sharciga Maxkamada Xariga ee Talyaaniga waxaana la xukumay oo dambi lagu helay 16-kaan Taageere.
*** Kulanka loo yaqaan Derby Della Madonnina oo dhex mari doona Habeenka Sabtida ah kooxaha waa weeyn ee Ac Milan Vs Inter Milan oo isku heeysta Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga ayaa waxaa laga waayey Kaarar iib ah oo Ciyaarta lagu daawado.
Xiriirka kubada cagta ee dalka Talyaaniga ayaa sababta keentay arintaan Mucjisada ah wexeey soo bandhigeen cadeenteeda.
Baaris dheer oo la sameeyey ka dib waxaa la ogaaday in Taageerayaasha labada kooxood ee is Neceb mid kasta uu Sanad ka hor horay u sii gooystay waxa loo yaqaan (Abo-Card) oo ah Ticket-Sanadeed aad ku daawan karto ciyaar kasta oo ka Dhaceeysa Garoomada labada kooxood oo ka wada dhisan Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga wuxuuna Tikitkaan ka raqiisan yahay midka caadiga ah ee Maalinlaha ah. Ciyaarta Ac Milan Vs Inter Milan ayaa lagu wadaa ineey ka dhacdo Garoonka weeyn ee Giuseppe Meazza Stadium waxaana lagu wadaa ineey soo xaadiraan Taageerayaal kor u dhaafaayo 76.000 oo Qof.
*** Ciyaaryahanada caanka ah ee ka soo jeeda dalka Ivory Coast ayaa wexeey sameeyeen Qorshe cusub oo bahda kubada cagta ee Caalamka si weeyn u soo jiitay. Laacibiinta walaalaha ah ee kooxda Man City Yaya Toure iyo Kolo Toure, Xiddigaha Fc Chelsea Didier Drogba & Saloman Kalou , Xiddiga Fc Arsenal Emmanuel Eboue ayaa dhamaantood wexeey ka qeeyb qaateen Barnaamish la magac baxay Nabad-doon oo uu soo diyaariyey Tv-ga Canal-Plus. Ciyaartooydaan wexeey Muuqaalo xasaasi ah oo looga digaayo Madaxda dalkooda ineeysay daadin Dhiiga Shacabkooda hawada u mariyeeen markii 3-aad.
Dalka Ivory Coast oo eey ka soo jeedaan Ciyaartooydaan ayaa waxa uu galay Dagaalo Sokeeyo oo ahli ah.
Filo goor Dhaw Barnaamishka La Yaab-Sport oo Maanta Top ah wuxuuna wataa Sawiro iyo Muuqaalo Video-ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |