MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Faankii Qadaafi oo run noqday,Dagaal & Rassas ka socota Caasimada Liibiya ee Tripoli ka dib markii eey soo bexeen kooxo Muqaawamo ah oo Qaddafi Taageersan (Halkaan ka Daawo & Magaalada Sirte oo dagaalkii ugu dambeeyey dhulka la dhigay)þ
War Deg Deg ah : Dagaal & Rassas ka socota Caasimada Liibiya ee Tripoli ka dib markii eey soo bexeen kooxo Muqaawamo ah oo Qaddafi Taageersan (Halkaan ka Daawo & Magaalada Sirte oo dagaalkii ugu dambeeyey dhulka la dhigay)
Bishii Agoosto ayeey eheed markii eey Mucaaradka Liibiya ku dhawaqeen ineey Dagaalkii Caasimada Tripoli ka socday kaga guuleeysteen Xoogagii Milatariga dalka Liibiya oo si weeyn u Taageerayey hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mr.Muamar Al-Qadaafi.
Intaas wixii ka dambeeyey wexeey Caasimada Liibiya ee Tripoli eheed meel degan oo gacanta eey ku hayaan Ciidamada Mucaaradka oo ugu dambeeyntii Dagaalkii Tripoli ka dib u kala jiheeystay Magaalooyinka Bani Walid iyo Sirte oo ah halkii eey Difaacyada adag ka sameeyteen xoogagii Qaddafi oo intooda badan looga soo adkaaday Caasimada Tripoli iyo Magaaladii Shidaalka ee Brega.
Intii eey Caasimada Liibiya gacanta ku hayeen Mucaaradka dalkaas waxaa Tripoli ka soo degtay oo soo booqotay Madaxda dhanka Siyaasada ugu caansan Caalamka iyo Hay´adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gar gaarida dadkii ku wax yeeloobay Dagaaladii ahliga ahaa ee halkaas ka dhacay.
Ex-Madaxweeyne Muamar Al-Qaddafi sidaas kuma aamusin ee waxa uu soo diri jiray Bil kasta Cajal hanjabaad ah kaas oo uu ku sheegi jiray inaan weli Dagaalka looga guuleeysan. Faankii Qaddaafi hada ayuu markii ugu horeeysay Xaqiiqo noqday ka dib markii maalmihii ugu dambeeyey Caasimada Tripoli lagu arkay kooxaha loo yaqaan Muqaawamada oo Rasaas huwinaya ama Dagaal ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah ku qaaday Maleeshiyaadka mucaaradka oo Tripoli jidadkeeda gaaf wareegaya.
Waxaa la xaqiijiyey Taageerayaasha Qaddaafi ineey weli hubeeysan yihiin balse eey Hubka ku qarsadeen meelaha eey ku badan yihiin Dadka isaga taageera ee dhanka Waqooyiga Tripoli. Is rasaaseeytaan cusub ee ka dhacday Tripoli wexeey saan saan Colaadeed u tahay dalka Liibiya oo Dagaalo ahli ah faraha la galay weliba socon doono mudo aad u fog sida muuqata.