Faaqidaada kulabnkii adkaa ee dhex maray kooxaha Fc Barcelona Vs Arsenal London, Shakhtar Donetsk oo Macalin Vincenzo Montella Guuldaro ku iftaxday iyo Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News.
Is araga Wajigii 2-aad ee kulankii Koobka Horyaalada Yurub (The Uefa Champions League) oo dhex maray kooxaha waa weyn ee Fc Barcelona Vs Fc Arsenal ayaa waxaa si fudud looga aarsaday 3-1 kooxda Arsenal oo is aragii hore ku soo badisay 2-1 ciyaar ka dhacday garoonkooda weeyn Emirates Stadium ee magaalada London.
Kooxda Fc Barcelona oo Sanadihii ugu dambeeyey laf dhuungashay ku noqotay kooxda Arsenal ayaa 3-da gool waxaa u kala saxiixay Xiddiga heeysta Laacibka Dunida Lionel Andres Messi oo daqiiqadii 45-aad gool aad u qurux badan dhaliyey wuxuuna sii raacsaday gool Rigoore ahaa daqiiqadii 71-aad halka goolka kale uu u saxiixay kooxda Fc Barcelona Xiddiga Matoorka qadka dhexe Xavi Hernandez daqiiqadii 69-aad . Goolka kooxda Arsenal keenstay ayaa ahaa mid uu kooxdii si qalad ah uga dhaliyey Laacibkooda Sergio Busquets .
Kooxda Catalonia Fc Barcelona oo u soo baxday 8-da ugu dambeeysa ee koobka Champions League 2010/11 ayaa waxaa adag sanadkaan sidii lagu celin lahaa maadaama eey dhinac walba ka dhisan tahay. Mucjisooyinka qaaska ah ee Ciyaarta caawa (Fc Barcelona Vs Fc Arsenal ) lagu soo xasuusan doono ayaa waxaa ka mid ah sidan.
Daqiiqadii 19-aad waxaa garoonka dhaawac ka soo gaaray farta looga saaray goolhayaha kooxda ? The Gunners Fc Arsenal " Tomasz Szczesny oo u adkeeysan waayey Shuut ama Darbo kulul oo uga timid Xiddiga Qaranka Brazil ee loogu yeero Roberto Carlos-ka cusub waa Daniel Alves da Silva. Mucjisada 2-aad ayaa eheed markii uu qaadanayey Roosada Laacibka Qaranka Holland & Fc Arsenal Robin Van Persie daqiiqadii 56-aad waxa uu sheegay kubad uu darbeeyey isaga oo Firimbiga am seeriga uu ku dhacay inuusan maqalba wuxuuna Caalamka tusay intii daawaneeysay ciyaartaan in Garoonka Fc Barcelona oo eey soo xaadireen 95.000 oo Taageere ineey u suurtoobi weeysan sidii uu ku maqli lahaa Firimbiga Garsoore Massimo Busacca oo u dhashay dalka Swezerland. Robin Van Persie oo u waramayey dhamaan inta badan Saxaafada Sportiga ee Caalamka ayaa waxa uu sheegay in absolut eey qalad eheed Roosada loo taagay maadaama uusan maqal Firimbiga/seeriga Alabiitaraha oo uu ku tilmaamay nin gacan fududaaday oo aan ka fiirsan qaladkiisa.
Inta badan Taageerayaasha kooxda Fc Arsenal ayaa qaba ineey kooxda Barcelona iska dhicin kareen oo eey 1-1 ku celin kareen hadii uusan Rooso ka qaadan leheen Van Persie.
Ciyaartooydii Maamulka garoonka Nou Camp awooda ku leheed ama kooxda Arsenal eey celin weeysay ayaa waxeey kala yihiin Andres Iniesta Man of the Match, Xavi & Daniel Alves da Silva.
Macalimiinta labada kooxood ee Fc Barcelona iyo Fc Arsenal Pep Guardiola & Arsene Wenger ayaa wexeey sameeyeen kaarto la la yaabay ka dib markii maalmo ka hor eey labadoodaba Saxaafada Sportiga u sheegeen ineey dhaawacyo uga kala maqnaan doonaan Laacibiinta kala ah Xavi Hernandez & Robin Van Persie halka si lama filaan ah eey dib uga soo safeen (waa kaarto ka mid ah kaartooyinka la isku isticmaalo Ciyaarta kubada cagta si boosaska eey ka dheelaan ciyaartooydaas loogu wareero) .
Fc Arsenal oo Champions League laga reebay , Carling Cup-na laga qaaday ayaa waxaan shaki ku jirin ineey koolo ama xanjo ku noqon doonto Rivals Manchester United oo eey isku heeystaan Horyaalka Barclays Premier League title & FA Cup-ka. Xiddiga Asalkiisu uu yahay dalka Marooka ee u ciyaara Qaranka Holland Ibrahim Afellay & weeraryahanka Denmark Nicklas Bendtner ayaa wexeey ahaayeen Shaxdii ama kaartadii ugu dambeeysay ee labada macalin eey iskugu jawaabeen waxaa sidoo kale isna badal ku soo galay Andrey Arshavin .
Dhanka Gooldhalinta Uefa Champions League waxaa kali ku noqday Leo Messi oo leh ilaa hada 8-Gool waxaana soo bursanaayo oo aan weli ka quusan Laacibiinta kala ah Mario Gomez (Fc Bayern Munchen) iyo Nicolas Bilal Anelka (Fc Chelsea) . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=HG33271Exu4.
Ciyaartooyda Kooxaha Fc Barcelona Vs Fc Arsenal ayaa wexeey isku qaabileen ama la iskugu badalay sidatan:
Barcelona: Valdes - Dani Alves, Busquets, Abidal, Adriano (90./Maxwell) - Mascherano (88./Keita), Iniesta - Pedro Rodriguez, Xavi, Villa (82./Afellay) - Messi.
Arsenal: Szczesny (19./Almunia) - Sagna, Djourou, Koscielny, Clichy - Wilshere, Diaby - Rosicky (73./Arschawin), Fàbregas (78./Bendtner), Nasri - Van Persie.
Kulankii 2-aad ee isla koobka Uefa Champions League ayaa waxa uu dhex maray kooxaha Shakhtar Donetsk Vs As Roma 3-0. is araga Wajigii hore ee labadaan kooxood oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa 2-3 ku soo badisay kooxda Shakhtar Donetsk oo heeysata Horyaalka dalka Ukrain.
Ciyaarta Caawa oo ka dhacday garoonka kooxda Shakhtar Donetsk Donbass Arena ayaa waxaa soo xaadiray Taageerayaal lagu sheegay tiradooda 50.000 oo qof halka Alabiitaraha ciyaarata daadihinayey uu ka ahaa Howard Melton Webb oo kala kulmay labada kooxood ciyaartooydooda Fadeexooyin la la yaabay. Mark Borriello oo Rigoore been ah loo dhigay ka dib markii uu ciyaaryahan uu markiisa hore jiiday ka dhigay in isaga dhulka lagu jiiday ayaa waxa uu iska qasaariyey Rigooradaas qiyaanada eheed halka Laacib De Rossi uu Dharbaaxyo la la yaabay qalka kaga dhuftay xiddiga qaranka Croatia Dario Srna wexeeyna taas sababtay in Dhibane Dario Srana qudhiisa Jaale qalad ah loo taago. (Horay ayaa loo yiri Qiyaano Aabaheed Ciyaartooyda Talyaaniga ayaa keenay) !!
Goolasha kooxda Shakhtar Donetsk waxaa u kala saxiixay Xiddigaha kala ah Hübschmann oo u dhashay una ciyaara qaranka Czech Repuplic daqiiqadii 18-aad, waxaa As Roma u labeeyey daqiiqadii 58-aad ciyaaryahan Willian oo u dhashay dalka Brazil waxaana u sadeexey dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 87-aad xiddigii hore ee kooxda Arsenal Eduardo Alves da Silva oo u dhashay dalka Brazil balse u ciyaara Qaranka dalka Croatia.
Kooxda As Roma waxaa hada Macalin ama Tababare u ah Weeraryahankii hore ee kooxdaas Vincenzo Montella oo loogu yeeri jiray Diyaaradii As Roma maadaama xiliyada uu goolasha u dhalin jiray u dabaal degi jiray sida Diyaarad dhulka ku soo dageeyso camal wuxuuna kooxda As Roma u soo ciyaaray mudo 10-sano ah.
Vincenzo Montella oo 36-sano jir ah ayaa waxa uu hada noqday Macalinka ugu da´da yar Macalimiinta ka qeeyb galaya koobka Champions League 2010/11.
Taageerayaasha kooxda As Roma ayaa ka xumaaday in ciyaarta la soo gelin waayo Laacib Rugcadaa Francesco Totti oo Kamerada ciyaarta eey mar kaste qabaneeysay wuxuuna u muuqday nin aanan ku faraxsaneeyn sida iyo qaabka uu wax u wado Saaxiibkiisa eey mudada dheer ka wada tirsanaayeen Qaranka Italy & kooxda As Roma Vincenzo Montella .
Roma waxaa Rooso ka qaatay Xiddiga u dhashay dalka Faransiiska ee loogu yeero Gattuusaha labaad ee Serie A-da waa Philippe Mexes oo ka mid ah ciyaartooyda jecel inta badan ineey ciyaarahooda ku dhameeystaan qalalaase iyo buuq si iyaga Rooso loogu qaato balse wexeey arinkaas ka dhaxlaan mararka qaar in iyaga qudhooda la laqsiiyo Roosada.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=vmyCFaIpT2A
Ciyaartooyda Kooxaha Shakhtar Donetsk Vs As Roma ayaa wexeey isku arkeen sidan:
Donezk: Pjatow - Srna, Tschygrynski, Rakizki, Rat - Hübschman, Mchitarjan (75./Teixeira) - Douglas Costa (60./Eduardo), Jadson, Willian - Luiz Adriano (75./Marcelo Moreno)
Roma: Doni - Guillermo Burdisso, Juan, Mexès, Riise - Taddei (46./Rosi), Pizarro, De Rossi, Perrotta (86./Caprari) - Borriello, Vucinic (65./Brighi) .
Wararka ugu waa weeeyn World Sport News wexeey sheegayaan Qaabkaan hoos ku qoran :
*** Macalinkii kooxda Hambrug ee Horyaalka dalka Germany Armin Veh ayaa isaga tagay kooxdaas. Hambrug wexeey baadi goob ugu jirtaa cidii lagu badali ahaa Mr Armin Veh.
*** Kooxda Al Ahli oo hor boode ka ah Horyaalka dalka Masar ayaa wexeey soo bandhingtay ineey halmar isku dooneeyso Laacibiinta kala ah Del Piero, Trezeguet iyo Totti .
*** Xiddiga Qaranka Brazil & Real Madrid Ricardo Kaka ayaa waxa uu dib ugu noqday Dhaawicii uu dhawaan ka soo kacay. Kaka ayaa ku dhaawac may kulankii dhawaan dhex maray kooxaha La Coruna Vs Real Madrid wuxuuna Garoomada caalamiga ah ka maqnaan doonaa mudo 15-maalmood ah sida uu sheegay Dhaqtarka Real Madrid.
*** Ninkii Ciyaal suuqa ahaa (Hooligans) ee Qanaday ciyaartii dhex martay Qaramada Italy Vs Serbia Ivan Bogdanov ayaa maxkamad ku taal dalka Talyaaniga wexeey ku xukuntay 3-sano iyo 3-bilood oo xarig ah. Ciyaal suuq Ivan Bogdanov 12-kii Oktoober 2010 ayuu dab iyo baruud holceeysa ku qanaday ciyaar ka dhacday Magaalada Genoa ee Italy.
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com