Fc Barcelona oo Kaarto Cusub la soo baxday una Duushay Magaalada London, * Warkii uu Xiriiriye.com dhoor maalin ka hor qoray oo Xaqiiqo noqday ,* Macalimiinta kala ah Sir Alex Ferguson Vs Pep Guardiola oo si la la yaabay iskugu Mashquulsan & Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
Kooxda heeysata Horyaalka dalka Spain taagana Fiinaalka koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League Fc Barcelona ayaa si deg deg ah ugu duushay Magaalada London ka hor waqtigii caadiga ahaa ee loogu tala galay ineey u duulaan dalka Ingiriiska.
Safarka Fc Barcelona waxaa soo dadajiyey Qaraxa Buurta Foolkaanada ee ka qaraxday dalka Iceland balse Qiiqa Foolkaanadaas ayaa xayiraad weeyn u geeysatay isku socodka dhanka Diyaaradaha iskaga kala goosha Qaarada Yurub oo qaarkood durbadiiba Shaqo joojin balaaran sameeyey.
Qiiqa Buurta Foolkaanada qaraxday oo maalinba maalinta ka dambeeysa sii badanaya ayaa hadane dhinaca kale waxaa iska cad in kooxda Fc Barcelona ka gaashaamatay dhibaatadii hal sano ka hor qabstay xiligaas oo uu Qadka Diyaaradaha ka xirmay ka dibna Basas lagu xaabiyey Ciyaartooyda kooxdaas ilaa Safar dhulka ah oo eey ku tagaan dalka Talyaaniga magaaladiisa Milaano.
Fc Barcelona xiligii eey Dalka Talyaaniga ku yimaadeen Safarkii dhulka ahaa waxaa Daal fara badan oo ka muuqday ka dib Jaanis kaas ka faaideeysatay kooxda Inter Milan oo Hawada kaga qarisay 3-1 Semifiinaalkii koobkii Champions League 2010/2011.
Maalinta Sabtida ah ee 28.5.2011 ayaa lagu wadaa in kulan adag uu ku dhex maro Garoonka Wembley Stadium oo ku yaal magaalada London kooxaha Man Utd vs FC Barcelona. Xiriiriye.com waxa uu maalintii ugu horeeysay ee Buurta Volkaanada qaraxday uu soo bandhigay in Laacibiinta kooxda Fc Barcelona eey Xasaasiyad & Baqdin ka qaadaan marka eey maqlaan Volkaano iwm wexeyna hada sababtay Volkaanadaan cusub ka hor intii ciyaartooyda Fc Barcelona Basas lagu xaabin lahaa maalmo ka hor Ciyaarta Finaalka ah ineey iska xaadiriyaan magaalada London.
Dhanka kale Tv-ga Skysport ayaa waxa uu soo bandhigay Macalimiinta labada kooxood oo si weeyn iskugu mashquulsan. Tababaraha Fc Barcelona xiligii muuqaalkiisa laga daawanayey Skysport waxa uu ku mashquulsanaa ama Gacanta ku heeystay Ul dheer iyo Jeesto wuxuuna hor taagnaa Sabuurad uu Ciyaartooyda kooxdiisa ugu sharaxaayey Laacib kaste ninkii uu raacan lahaa Halka Macalinka Man Utd Mr. Sir Alex Ferguson uu dhankiisa ku mashquulsanaa Daawashada kulamadii ugu dambeeyey ee kooxda Fc Barcelona la yeelay kooxo kala duwan.
Mr. Sir Alex Ferguson oo Saxaafada Su´aalo fara badan weey diisay ayaa Jawaabtii ugu yaabka badneed wexeey eheed sidan: " Cidii Messi Korantada ka damin leheed waanu diyaarinay dhib badana naguma qaadan !!
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN:
*** 10-sano ka dib Xiddigii Naadiga Ac Milan Andrea Pirlo oo si toos ah ugu biiray kooxda Juventus ee Horyaalka Talyaaaniga. Andrea Pirlo waxaa uu Sanad kasta kooxda Juventus ka qaadan 4-Miyan oo Euro.
*** Kooxda Napoli ee Horyaalka Talyaaniga ayaa Macalinkooda Walter Mazzarri kaga farxisay Heshiis cusub oo sano ah. Kooxaha Caalamka ayaa Tababarayaasha inta badan Qandaraaska ugu daro 2 ila 3 sano balse Napoli oo ayaa Macalin Walter Mazzarri 5-sano oo heshiis cusub ah farta ka saartay maadaamo uu sanadkaan kooxda keenay boos wanaagsan oo eey kaga qeeyb galayaan koobka Uefa Champions League.
*** Xiddiga Qaranka Croatia & kooxda Trabzon ee Horyaalka Turkiga Drago Gabric ayaa galay Shil gaari wuxuuna hada ku jiraa waxa loo yaqaan Koomada oo ah Ruuxa u dhexeeya Nolasha ama geerida.Drago Gabric oo 24 jir ah kana ciyaara Qadka ayaa Shilka waxa uu ku galay Magaalada Split oo ka tirsan dalka Croatia hal kaasoo maalmihii ugu dambeeyey uu ku joogay fasax gaaban.
Ogeeysiin :Waxaanu dhawaan soo gudbin doonaa Taariikhda kooxaha Fc Barcelona & Man Utd oo fiinaalaha Koobka Champions League taagan iyo Hal xiraalaha Saadaasha Natiijada Ciyaarta Finaalka inta eey ku dhamaan karto & Cida koobka Jeebka gashan doonto.