Xiddig eey isku heeystaan kooxo fara badan oo sheegay inuusan kooxdiisa ka tagi doonin hadii uu ka tagana uu ku biiri doono Kooxda Real Madrid oo kaliyah,*Gerard Pique oo ku faanay in uu yaqaano meelaha laga maro Ex-Kooxdiisii hore ee Man Utd,*Ciyaaryahan Ruud van Nistelrooy oo Wadnaha farta ku haya & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Xiddiga Oradka badan ee inta badan Weeraryahanada Caalamka eey ka cabsadaan kana dafa Kubada Fabio Coentrao ayaa shaaca ka qaaday inuu kooxdiisa hadii uu ka tago uu ku biiri doono kooxda Real Madrid ee horyaalka dalka Spain.
Ciyaaryahan Fabio Coentrao oo u ciyaara kooxda Benfica & Qaranka Portugal waxaa la sheegay ineey dhegta wax ugu sheegeen ama ku qalqaaliyeen Xiddigaan sidii uu kooxda Real Madrid uga mid noqon lahaa Macalin Jose Morinho & Cristiano Ronaldo.
Laacib Fabio Coentrao waxaa ka hari waayey oo Qarash badan la dul taagan kooxaha kala ah Fc Bayern Munchen, Inter Milan, Fc Chelsea, B.Dortmund, Man City iyo As Roma. Xiddigaan oo dhoor jeer sheegay inuusan Benfica meelna uga socon ayaa hada waxaa iska cadaatay ineey Suuqa si hoose ugu jireen Macalin Jose Morinho & Cristiano Ronaldo oo aad u doonaya inuu Fabio Coentrao soo caga dhigto Naadiga Real Madrid. Halkaan ka Daawo Goolasha Xiddigaan oo loo qiray inuu yahay Mucjisada cusub ee Paassas-ka dhaadheer >>> http://www.youtube.com/watch?v=eCcxX4IqwQc&feature=related .
*** Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona Gerard Pique oo u waramayey Skysport ayaa waxa uu sheegay inuu si weeyn u yaqaano Dul duleelada kubada iyo Paasska looga dhiibi karo Ex-kooxdiisii hore ee Man Utd.
Skaysport oo Gerard Pique weey diiyey sida hadalkiisa looga rumeeysan karo maadaama kooxda Man Utd eey ugu dambeeysay xili uu u ciyaaro Sanadkii 2008-kii ayaa Gerard Pique waxa uu ku jawaabay isaga oo Qoslaayo sidan : " Manchester United waa Football Club-keeyga 2-aad waxaana mar walba oo eey kulamo adag ciyaarayaan daawadaa Qaab Ciyaareedkooda in kastoo mararka qaar uu Waqtiga igu yaraado " Halkaan ka Daawo Xiligii uu Pique Man Utd u ciyaari jiray isaga oo As Roma Gool ka xareenaayo >>> http://www.youtube.com/watch?v=h3JG7_8tIvQ .
*** Kooxda Fc Bayern Munchen ee Horyaalka Germany ayaa wexeey qarka u saaran tahay ineey soo xero geliso Weeraryahanka cusub ee qatarta ah una ciyaara kooxda Fc Porto & Qaranka Colombia Radamel Falcao. Xiddigaan oo dalkiisa hooyo ee Colombia looga yaqaan Messiga Kolombia waxa uu isku qaaday Koobabkii ugu muhiimsanaa ee koox ineey qaado laga doonay.
Radamel Falcao ayaa waxa uu heeystaa oo farta ka saaray kooxdiisa Fc Porto Horyaalka dalka Portugal, Koobkii Portuqiiska iyo Koobka Europa League-Ex jabhadii hore ee Uefa Cup oo uu Goolashii ebid ugu badnaa u saxiixay kooxdiisa Fc Porto.
Xiddigaan ayaa hada waxa uu sugayaa sidii uu ugu darsan lahaa Koobkiisii 4-aad oo caalami ah kaas oo noqon doona Super-cup waxeeyna kooxdiisa Fc Porto ku dhici doontaa ama fooda is dari doonaan Kooxaha ManU iyo Fc Barcelona kii qaada Koobka Champions League. Halkaan ka Daawo Goolasha Falcao >>> http://www.youtube.com/watch?v=qGuhiWTJfAk .
*** Kooxda heeysata koobka dalka Holland ee FC Twente ayaa soo ceeyrisay Xiddiga kooxda Ac Milan & Qaranka Mareykanka Oguchi Onyewu. Kooxda Ac Milan ee Rossoneri ayaa FC Twente wexeey ku tilmaamtay koox aan abaal laheeyn oo Ciyaartooydii kooxdeeda ku ciil baxday markii kulankii ugu dambeeyey ee Horyaalka Holland kooxda Ajax 3-1 kaga bililiqeeystay Horyaalkii dalka Holland.
Oguchi Onyewu oo Qandaraaskiisa kooxda Ac Milan uu ku eg yahay Sanadka 2012 waxaa intii uu la joogay kooxda FC Twente uu u soo saftay 14-Kulan.
*** Xiddigii Xulka Qaranka Turkiga iyo Kooxaha Blackburn Rovers, VfL Bochum, Bayer Leverkusen, Hertha BSC Berlin iyo VfB Stuttgart Mr.Yildiray Basturk ayaa gebi ahaanba waxa uu iskaga fadhiistay Ciyaaraha caalamiga ah.
Yildiray Basturk oo saftay Horyaalka Germany kulankiisii 249 ayaa waxa uu shaqo ke helay koox Junyer ah oo ka dhisan dalka Jarmalka wuxuuna hada gaaray Da´diisii 33-aad.
*** Xiddiga Qaranka Holland & Kooxda Hambrug ee Horyaalka Germany Ruud van Nistelrooy ayaa Maanta waxa uu farta ku hayaa Wadnaha. Ruud van Nistelrooy ayaa qarka u saaran in maanta laga Jabiyo Iskoor uu mudo dheer ku faani jiray.
Ruud van Nistelrooy oo Iskoor Hal xili ciyaareed ah ku heeysto dhanka Gooldhalinta Taariikhda koobka Champions League (12-Gool ) oo uu sanadkii 2002/03 u saxiixay kooxdii xiligaas uu u ciyaari jiray ee Manchester United ayaa waxaa maanta laga yaabaa in Iskoorkaas uu Jabiyo Xiddiga Qaranka Argentina & Kooxda Fc Barcelona Lionel Messi oo leh (11-Gool).
***Ciyaartooyda kooxda Fc Barcelona iyo Tababarahooda ayaa ku heshiiyey hadii eey koobka Champions League qaadaan in ugu horeeyntii eey Koobka farta ka saari doonaan Xiddiggooda Murugada dariska la noqday waa Mr.Eric Abidal oo Qaliin adag Dunida-na ka yaabsaday looga sameeyey Beerka.
Filo Goor dhaw Barnaamishka La Yaab Sport oo Maanta Qiso La Yaab ah xambaarsan iyo Warar kale oo Top News ah.
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com