Diyaaradii waday Ciyaartooyda kooxda Lokomotiv Jaroslawl oo Labo cad noqotay iyo Dhamaan Ciyaartooydii saarneed oo ku halaagsantay,* Wiilkii Zinedine Zidane Enzo Zidane oo markii ugu horeeysay lagu soo daray Tababarka Xiddigaha waa weeyn ee kooxda Real Madrid,* Xiddig ku cusub kooxda Fc Arsenal oo aad loo amaanay,* Kooxda Juventus oo Furatay ama daaha ka qaaday Garoon Cusub oo Casri ah & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
*** Waxaa dhamaan si deg deg ah loo kala fasaxay Horyaalka Ruushka gaar ahaan Ciyaarta ICE HOCKEY ee dalkaas taas oo loo yaqaan marka magaceeda la soo gaabiyo RussianKontinental Hockey League (KHL) .
kooxda Lokomotiv Jaroslawl oo ka dhisan Horyaalka (KHL) ayaa Taageerayaasheeda maanta wexeey u tahay Maalin Taariikh madoow ah maadaama Xiddigihii kooxdaas oo kulan adag ugu amba baxay magaalada Minsk ee caasimada dalka Belarussia eey ku Halaagsameen Diyaaradii waday oo ku dul bur burtay labada dal dhexdooda.
Isku dar Ciyaartooydii kooxdaas iyo Maamulkii kooxdaas oo ka koobnaa 45-Qof ayaa waxaa la sheegay ineey dhamaan ku Halaagsameen Masiibadaas. Telefishinada Caalamka oo laga daawanayey bur burka Diyaaradaan ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Jakowlew 42 (Jak-42).
Diyaaradaan oo markii eey dhulka ku soo dhacday 2-Cad noqotay ayaa Ciyaartooyda ku baaba´day waxaa la sheegay ineey ku jireen Difaacii Qaranka Russia ee Ciyaarta (KHL) Mr.Ruslan Salei, Xiddigihii Jamuuriyada Czeck Rep. Mr.Karel Rachunek, Josef Vasicek iyo Jan Marek. Goolhayihii kooxdaan oo u dhashay dalka Sweden laguna magacaabo Stefan Liv, Xiddig German ah oo isna lagu magacaabo Robert Dietrich iyo Tababarihii kooxdaan Mr. Brad McCrimmon oo u dhashay dalka Canada ayaa dhamaan wexeey noqdeen dadkii ku baaba´ay Shilka Diyaaradaan dhacday.
kooxda Lokomotiv Jaroslawl oo ka mid eheed kooxaha ugu waa weeyn dhanka Horyaalka Ruushka ee RussianKontinental Hockey League (KHL) ayaa wexeey koobka Champion-ka KHL heeysataa Sanadihii (1997, 2002 iyo 2003) .
Shilkaan Musiibada ah ayaa waxaa uu dad badan soo xasuusiyey kii qabsaday Kooxda Manchester United 6. Febraayo sanadkii 1958-kii xiligaas oo Ciyaartooydii kooxda Man Utd Diyaarad kula dhacday Magaalada Munchen ee dalka jarmalka waxaana isla goobtaas ku geeriyootay 8-Laacib oo xiligaas kooxda Man Utd Laf dhabar u eheed.
*** Wiil uu dhalay Laacibkii weeynaa ee Qaranka France iyo kooxaha Marseille ,Juventus iyo Real Madrid Mr Zinedine Zidane ayaa waxa uu markii ugu horeesay ka soo dhex muuqaday Tababarka Xiddigaha waa weeyn ee kooxda Real Madrid.
Wiilkaan oo 16-jir ah waxaa lagu magacaabo Enzo Zidane wuxuuna mudo dhoor sano ah ka tirsanaa Juunyarka kooxda Real Madrid. Aabaha dhalay wiilkaan Mr.Zinedine Zidane wuxuu Laacibnimada Xiddiga ugu wanaagsan Dunida heeystaa Sanadihii 1998, 2000 iyo 2003 wuxuuna kooxda Real Madrid u ciyaarayey Sanadkii 2001 ilaa 2006. Mr.Zidane waxa uu hada ka yahay kooxda Real Madrid Sportdirektor-ka ugu sareeya.
*** Xiddiga Qaranka Brazil iyo kooxda Fc Arsenal Andre Santos oo dhawaan ka yimid dhanka kooxda Fanerbahce Istanbul ee horyaalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay inuu si weeyn ula qabsaday kooxdiisa cusub ee Fc Arsenal.
Xiddigaan oo ka Ciyaara Difaaca bidix waxaa aad u amaantay Ciyaartooyda kooxdiisa iyo Macalin Arsene Wenger oo sheegay inuu ku faraxsanyahay sida deg deg ah ee uu Andre Santos ula qabsaday Xiddigaha The Gunners (Fc Arsenal).
*** Kooxda Juventus ee Horyaalka Talyaaniga wexeey maanta Albaabada u furtay garoon Cusub oo kaga baxday Lacag kor u dhaaftay 105 Milyan oo Euro. Garoonkaan oo qaado Taageerayaal lagu sheegay 40.00 oo qof waxa lagu wadaa ineey Juventus iska iloowdo Garoonkeedii hore oo lagu magacaabi jiray Stadium delle Alpi .
*** Isbitaalka Waqooyiga magaalada London waxaa maanta ku geeriyooday nin 45 jir ah oo ka mid ahaa Taageerayaashii Qaranka Wales oo London u yimid inuu daawado Ciyaartii dhex martay Qaramada England Vs Wales (1-0).
Ninkaan oo dhaawacyo culus qeeybta madaxa laga gaarsiiyey waxaa Kiiskiisa loo qab qabtay 6-Nin oo isaga la socotay markii uu imaanayey Garoonka weeyn ee Wembley-Stadium oo ku yaala Caasimada Ingiriiska ee London.
***Macalinka Qaranka Spain Mr Vicente del Bosque ayaa waxaa loo kordhiyey heshiiska ama Qandaraaska uu kula sii joogi lahaa Qaranka Spain. Tababare Vicente del Bosque oo 60 sano jir ah waxaa uu Xulka Spain Horboode ka sii ahaan doonaa ilaa Sanadka 2012-ka oo lagu wado inuu dhaco koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 in Poland & Ukrain.