News: Raymond Domenech oo Bishii qaadan doona 5600 oo Euro inta uu Shaqo ka helaayo, Clarence Seedorf oo Maamuka Milan ugu baaqay ineeysan Ibrahimovic isku haleen, Man City Vs Juventus oo is mari waayey & Warar kii Kulamadii Europa Liga oo la ciyaaray.
Tababarhii Qaranka France ee World Cup 2010 Ceebta kala soo laabtay dalka South Africa Raymond Domenech ayaa Xiriirka kubada cagta ee dalka Fance (FFF) wexeey u ogolaadeen in bil kasta uu qaadn doono 5600 oo Euro inta uu shaqo ama koox uu Leeyliyo ka helaayo.
Lacagtaan ayaa waxaa la siiyaa dadka shaqada ka istaagay wuxuuna Raymond Domenech ka mid yahay dadka xaqa u leh ineey lacagtaan qaataan madaama kooxo badan eey diideen inuu Macalin u noqdo.
Raymond Domenech ayaa waxaa lagu soo xasuusan doonaa fadeexadii World Cup ka soo raacday ka dib markii xulkii uu watay ee France lagu soo reebay wareegii ugu horeeyey iyaga oo watay Laacibiin Dunida & Horyaalada Yurub magac weeyn ku leh sida Barcelona, Arsnal, Man utd, Chelsea & Seville.
DII DIINKA DHEXDA EE AC MILAN OO LA TALIYEY MAAMULKA KOOXDIISA MILAN IYO TAAGEERAYAASHABA.
Clarence Seedorf Xamaaliga weeyn ee dhexda uga ciyaara kooxda AC Milan balse dalka Talyaaniga oo dhan looga yaqaan Diidiinka dhexda ayaa waxa uu kooxdiisa kula taliyey ineeysan isku haleen Xiddigooda Cusub Zlatan Ibrahimovic.
Clarence Seedorf ayaa Taageerayasha Milan iyo Maamulka u sheegay in Ibrahimovic uu dhaawacmi karo mana ahan inaan dhamaanteen Maskaxda wada gashano Ibra maadama uu Ciyaar kasta Milan gool u saxiixo.
Kulamadii 2-aad ee Koobka Europa League ayaa la dheelay waxaana ugu adkaa Kulankii Man City Vs Juventus oo 1-1 ku soo gabagaboobay.
Kooxda Juventus oo Gool-ka ku hormartay ayaa waxaa gool aad u qurux badan oo ahaa nuuca loo Yaqaan Biriqda u saxiixay Weeraryahan Iaquinta Daqiiqadi 11-aad balse wax yar ka dib waxaa daqiiqadii 37-aad Man City u aaray Laacib Johnson. halkaan ka Daawo Goolashaas : http://sn106w.snt106.mail.live.com/default.aspx?rru=inbox.