|
Juventus oo soo iibsatay Ciyaaryahan Dhinac walba Kaka uga eg* Japan oo Jeebka gashatay Asian Cup 2011 markeedii 4-aad. * Maxaad kala Socotaa sida la iskugu dhegan yahay Gooldhalinta Horyaalada Qaarada Yurub iyo Weliba Warar kii ugu dambeeyey ee Suuqa Kawaanka Ciyaartooyda !! |
Waxaan horay idinkaga balan qaadnay inaan idiin soo gudbin doono bishiiba halmar Gooldhalinta Horyaalada ugu adag Qaarada Yurub sida , England, Italy, Spain Germany & France.
Hadaanu ku hormarno Horyaalka The England Premier League ayaa Ciyaartooyda wexeey isku bursanayaan sidan:
1-Dimitar Berbatov, Man Utd 19-Gool.
2-Carlos Tevez, Man City 14-Gool.
3-Andrew Carroll, Newcastle United 11-Gool.
4-Didier Drogba, Fc Cheslsea 10-Gool.
5-Kevin Nolan, Newcastle United, Darren Bent Astonvilla ,Tim Cahill Everton, Johan Elmander Bolton Wanderers,
Samir Nasri Fc Arsenal, Fernando Torres Liverpool, iyo Rafael van der Vaart Tottenham dhamaantood ciyaartooydaan wexeey wada leeyihiin min 9-Gool..
Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga ayaa waxaa loo kala horeeyaa dhanka gool dhalinta sidan :
1-Antonio di Natale, Udinese Calcio 15-Gool.
2-Edinson Cavani, Napoli 14-Gool.
3-Marco di Vaio, Bologna 13-Gool.
4-Samuel Eto'o iyo Zlatan Ibrahimovic wexeey leeyihiin min 12-Gool.
Horyaalka La Liga ee Spain ayaa waxaa loo kala horeeyaa sidan:
1-Christiano Ronaldo, Real Madrid 22-Gool.
2-Lionel Messi, Fc Barcelona 19-Gool.
3-David Villa, Fc Barcelona 14-Gool.
4-Fernando Llorente, Athletic Bilbao, Pedro Fc Barcelona, Giuseppe Rossi Villarell dhamaantood wexeey wada leeyihiin min 11-Gool.
5-Nilmar, Villarell 10-Gool.
6-David Trezeguet, Hercules Alicante 9-Gool.
Horyaalka Bundesliga ee Germany ayaa waxaa loo kala horeeyaa sidan:
1-Papiss Demba Cisse, SC Freiburg 15-Gool.
2-Mario Gomez, Fc Bayern Muncen 15-Gool.
3-Theofanis Gekas, Frankfurt 14-Gool.
4-Srdjan Lakic, Kaiserslautern 11-Gool.
5-Raul Gonzalez, Fc Schalke 10-Gool.
Gool dhalinta horyaalka Faransiiska ee France Ligue 1 ayaa waxaa la iskugu dhegan yahay sidan:
1-Moussa Sow, Lille 15-Gool.
2-Nene, PSG 13-Gool.
3-Youssef El Arabi, Caen 11-Gool.
4-Gervinho, Lille 10-Gool.
Warar kii ugu dambeeyey ee Kawaanka Ciyaartooyda iyo World Sport News wexeey sheegayaan sidan: !
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Chelsea oo maamusho Garoonka Baluuga ah ee Stamford Bridge ayaa wexeey uga dhegantahay sidii eey ula soo wareegi leheed Weeraryahan Fernando Torres oo kooxda The Reds Fc Liverpool & Qaranka Spain afka hore uga ciyaara.
Jaraidka Daily Mail oo warkaan maanta qoray ayaa waxaa war bixintaan ku cad in Fc chelsea ku dooneeyso Fernando Torres Adduun gaaraya 47-milyan oo Euro.
Kooxda Liverpool ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ineey ka faaideysato Jaaniska Lacagtaan tirada badan ee kooxda Chelsea uga timid.
*** Weeraryaanka Qaranka Senegal Demba Ba ayaa si toos ah ugu biiray kooxda West Ham Utd ee Horyaalka Ingiriiska ee Premier-League.
Demba Ba oo laga soo iibsaday kooxda Hoffenheim ee horyaalka Jarmalka ayaa waxa uu West Ham Utd Qalinka ugu duugay Heshiis gaaraya ilaa 30-ka Juun sanadka 2014-ta.
Weeraryahan Demba Ba oo kooxda Hoffenheim u yimid sanadkii 2007-kii ayaa 106-kulan waxa uu u dhaliyey 40-Gool.
*** Kooxda Juventus oo baadi goob baaxad weeyn ugu jirtay Ciyaaryahanada kala ah Diego Forlan iyo Luis Fabiano ayaa hada waxeey la soo wareegtay ama gacata ku dhigtay Xiddig cusub oo si weeyn muuqaal ahaan u shabaho Ciyaaryahan Ricardo Kaka.
Laacibkaan cusub oo 17-sano jir ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Lucas Piazon waxaana laga soo iibsaday oo 5-Milyan faraqa loo galiyey kooxda FC Sao Paulo e Horyaalka Brazil.
Lucas Piazon oo dhinac ama dhan walba ka Shabaho Xiddiga kooxda Real Madrid Ricardo Kaka ayaa maanta waxa uu wareeysi dheer siiyey Sky-sport oo durbadiiba ugu magac daray Kakaaga yar. Lucas Piazon ayaa sheegay in ilaa yaraantiisii uu jeclaa Naadiga Juventus wuxuuna xusay in dhawaan uu wacdaro ka dhigi doono Taariikhd kooxda Juventus & Horyaalka Talyaaniga.
*** Kooxda Fc Liverpool ayaa Ciidamada u daacada ah wexeey ku soo biirisay Weeraryahan Luis Suarez oo u ciyaara kooxda Ajax ee Horyaalka Holland & Qaranka Uruguay.
Luis Suarez oo Saxaafada Sportiga ee Caalamka ugu yeerto Xiddiga Qiyaanada ayaa waxaa laga soo baxshay Adduun dhan 26,5 Milyan oo Euro.
Ciyaaryahan Luis Suarez oo kooxda Ajax Amsterdam u yimid sanadkii 2007-kii ayaa 159-kulan oo uu saftay wuxuu u dhaliyey 111-gool.
*** Xulka Qaranka Japan ayaa waxeey ku guuleeysteen Asian Cup 2011 in Qatar markoodii 4-aad waana 1992, 2000 ,2004 iyo 2011.
Japan ayaa 1-0 uga badisay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Qaranka Australia ee Socceroos. Goolka Japan ayaa daqiiqadii 109-aad waxaa u saxiixay Laacib Tadanari Lee. Qaranka Japan ayaa waxaa sanadkaan Macalin u ah Rugcadaaga weeyn ee Talyaaniga ah waa Tababare Alberto Zaccheroni. Qaranka Australia ayaa wexeey iska cuneen fursado badan oo aad qaalii u ahaa. Tartankii iyo Saadaashii shaxda eheed ee bahda xiriiriye.com ku qaleen cida qaadi doonta sanadkaan koobka Qaramada Asia ayaa waxaa si Nasiib badan ugu guuleeystay Agaasimaha Xiriiriye.com Mr. Hassan Ali Omar (Hassan Express)
Goolka uu ciyaaryahan Lee xulka Australia Jooga uga riday kana damiyey Korantada ayaa waxaa uu ahaa nuuca eey Soomaalida u taqaan (Sii Qabadsii) in kastoo qaladka eey lahaayeen Difaaca Australia oo dhamaantood wada iloobay Ciyaaryahan lee oo Xerada ganaaxa ku dhex jira. Halkaan ka Daawo Goolka Japan iyo sida uu u Qurux badnaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=rg_ul1xEqwg
Filo Goor dhaw Warar kii horyaalada & Barnaamishka La yaab oo maanta ku saabsan ciyaaryahan caan ah oo weliba ka tirsan Taajiriinta ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska oo ka dhamaan waayey Xayeeysiinta Saacadaha waxaana dhacday in ugu dambeentii Shirkadii saacadaha uu xayeeysiin jiray nuucii uu jeclaa ineey magaciisa barta saacada dhexdeeda ah ku soo qorto( La ! Yaab) Filo wax yar ka dib sida uu ugu Farxay qorshahaan cusub waxaana Qisadaan ku socoto hada Tarjumis deg deg ah !)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com