Arsenal oo Fc Chelsea Meeyd garaacday kana Tilaabsatay iyada oo dhulka taal iyo Tartanka Horyaalka England oo eey iskugu soo hareen Kooxaha Man Utd, Man City iyoThe Gunners & Mario Balotelli oo 3-Gool u dhaliyey Kooxda Man City.
Kulankii dhexmaray kooxda Gunners (Arsenal) iyo Fc Chelsea ayaa waxa uu ahaa mid horay eey u sii saadaaliyeen inta badan Qabiirada Sportiga ee horay uga soo ciyaaray Horyaalka Ingiriiska. Kooxda Fc Chelsea ayaa kulamadii ugu dambeeyey ee kooxda Arsenal isku arkaan wexeey la hoyan jirtay Sadexda dhibcood oo nadiif ah balse Markaan iyada ayaa la meed garaacay oo weliba laga tilaabsday iyaga oo dhulka yaala. Kooxda Fc Chelsea oo bilowgii Horyaalkaan garoomada la soo gashay Fak fak badan oo ugu dambeentii sababtay in dhoor kulan oo isku xigto eeysan wax guul ah arag ayaa hadane waxaa culuub soo fuushay Macalinka Fc Chelsea Carlo Ancelotti oo kulamo badan laga xishooday ama aanan arag wax culeeys ah oo uga yimid dhanka maamulka kooxda Fc Chelsea.
Kulankaan oo aad u adkaa ayaa waxaa 3-1 ku badisay Fc Arsenal oo Kaptankooda ama Matoorkooda Qadka dhexe Cesc Fabrigas horay ugu sheegay Skysport in eey Chelsea 3-1 uga badin doonaan uuna gool ka dhalin doono taas oo dadkii Natiijadaan oo si sax ah ku dhamaatay aad iyo aad ula yaabeen sida uu u saadaaliyey Cesc Fabrigas.
Ciyaartaan oo ku dhamaatay 3-1 ayaa waxaa kooxda The Gunners goolasha u kala dhaliyey Xiddigaha yar yar ee kala ah Alex Song, Cesc Fabrigas iyo Teo Walcott halka uu kooxda Tacbaantay ee laga yaaban yahay waxa daaray uu goolkooda madaxa ugu saxiixay Xiddiga difaaca Qaranka Serbia Ivanovic. Kulankaan dhex maray kooxaha Daris wadaaga ah ee Arsenal vs Chelsea ayaa waxa uu booska Rekoorka daawashada kala baxay Kulan horay u dhex maray bil ka hor kooxaha Milan Vs Juventus oo 1-2 ku soo dhamaaday.
Rekorka Daawashada dadweeynaha caalamka ee ciyaaraha daawado ayaa waxaa ugu heeysto ciyaartii dhex martay kooxaha El Clasico Fc Barcelona Vs Real Madrid 5-0, waxaa ku xigay oo qiimeeytii la sameeyey dadkii ugu badnaa eey daawadeen ciyaartii Man Utd Vs Arsenal 1-0, halka uu kulankaan Arsenal Vs Chelsea booska 3-aad ee daawashada ugu badan caalamka uu cariirsaday waxaana 4-aar loo riixay AC Milan vs Juventus iyo Inter Vs Milan 0-1 oo 5-aad cariirsatay waxaana ugu dambeen kaalinta 6-aad ee dawashadii ugu badneed horyaalada galay kulankii kooxaha Brussia Dortmond vs Bayern München 2-0.
Kooxda Arsenal ayaa Rajo weeyn laga muujiyey qaab ciyaareedkeeda cusub maadama Xiliyada eey soo wada saftaan labadii xiddig ee koobka Addunka Finaalaha isla yimid laga dareeymo Arsenal awood muuqata halka marka eey isla wada dhaawacmaan naadigaas laga waayo dhaq dhaqaaq balaaran oo dhanka dhexda ah wexeeyna xiddigahaas kala yihiin Cesc Fabrigas & Vaan Persie.
Kooxda Man City oo cel Celis noqotay ayaa wexeey galabta u qubeeysay kooxda Aston Villa oo marti u eheed waxaana 3-Gool oo mid uu Rigoore ahaa u saxiixay Xiddiga Qaranka Talyaaniga Mario Balotelli halka goolka 4-aad uu raacsaday Lescott. Kooxda Birmingham ayaa ku guuleeysatay ineey Xiddigaha Shayaadiinta cas cas ee Man Utd bareejo 1-1 ah ku qabtaan waxaana daqiiqadii 90-aad goolka bareejada u saxiixay ciyaaryahan Bowyer halka Man Utd uu goolka u dhaliyey weeraryahan Dimitry Berbatov.
Kooxaha kale ee Horyaalka Ingiriiska ayaa galabta iyo Caawa sidan ku kala baxay:
28.12.
16:00
AFC Sunderland
0:2
FC Blackpool
28.12.
16:00
West Bromwich
1:3
Blackburn Rovers
28.12.
16:00
Manchester City
4:0
Aston Villa
28.12.
16:00
Stoke City
0:2
FC Fulham
28.12.
16:00
Tottenham Hotspur
2:0
Newcastle United
28.12.
18:30
West Ham United
1:1
FC Everton
28.12.
21:00
Birmingham City
1:1
Manchester United
29.12.
20:45
FC Chelsea
weli ma kulmin
Bolton Wanderers
29.12.
20:45
Wigan Athletic
weli ma dhicin
FC Arsenal
29.12.
21:00
FC Liverpool
weli ma kulmin
Wolverhampton
Kala horeenta Horyaalka England ayaa sidan loogu kala horeeyaa: