Jose Morinho oo Jeebka gashtay Macalinkii sanadka Real Madrid oo Fc Barcelona lugta ku dhegan, Cristiano Ronaldo oo Leo Messi dhanka Gool dhalinta ka fakaday, Ronaldinho oo Ac Milan isaga cararay, Fc Porto oo Guuldaradii ugu horeeysay la laqsiiyey, Julio Baptista oo As Roma isaga tagay & Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News . (Halkaan ka Daawo)
Kooxaha kubada cagta ee Fc Barcelona iyo Real Madrid oo ka wada tirsan Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa weli aan kala harin iskuna dhiig baxay.
Horyaalka Spain oo la ciyaaray kulankiisii 17-aad ayaa waxaa Guulo muhiim ah iskugu faanay kooxaha Faraqa isku dhegan ee Catalonia Fc Barcelona iyo Calakticos Real Madrid.
Barcelona wexeey faro cidiyo leh uga fakatay kooxda Levante oo eey uga badiyeen 2-1, Goolasha Barca waxaa u wada dhaliyey ciyaaryahan Pedro Rodriguez Ledesma wexeeyna Goolasha Pedro ahaayeen nuuca loo yaqaan ii Salax aan Biriq ka geliyee : Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=GSnfArVsOVk.
Kooxda Real Madrid ayaa guriga Naadiga Getafe wexeey ku soo badiyeen 2-3 waxaana goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda Saxaafada Spain eey ku sheegtay ineey yihiin Laacibiin iyaga oo isku cusub is fahmay waana Cristiano Ronaldo iyo Mesut Ozil Halkaan ka Daawo Goolasha iyo Mesut Ozil oo noqday Horyaalka La Liga ee Spain Ciyaaryahanka ugu dhuumashada badan ee ka dhex baxa diifaacyada iyaga oo soo jeeda: http://www.youtube.com/watch?v=lQRhXzbQUQI.
Kooxda Real Madrid ayaa lagu wadaa ineey Awoodeeda intaan ka sii adkaan doonto maadaama uu Xamaaligooda dhexda uu dhaawac mudo dheer qaatay ka soo laabtay waa Ciyaaryahan Ricardo Kaka. Dhanka Gooldhalinta waxaa laga siibtay oo aad moodaa in laga dhuuntay Lionel Andres Messi maadaama Halgame Cristiano Ronaldo uu isbuucaan ku tuurtay 2-gool oo mid uu Rigoore ahaa wexeeyna farqiga u dhaxeeya labada Laacib uu noqday sidan : C.Ronaldo 19-Gool, L.Messi 17-Gool.
Horyaalka Spain ayaa kooxaha kale wexeey isku macsalaameeyeen sidan:
| 02.01. |
16:00 |
Athletic Bilbao |
1:2 |
Deportivo La Coruna |
| 02.01. |
18:00 |
FC Barcelona |
2:1 |
UD Levante |
| 02.01. |
18:00 |
Sporting Gijon |
1:2 |
FC Malaga |
| 02.01. |
20:00 |
FC Sevilla |
1:0 |
CA Osasuna |
| 02.01. |
22:00 |
FC Valencia |
2:1 |
Espanyol Barcelona |
| 03.01. |
20:00 |
Atletico Madrid |
0:0 |
Racing Santander |
| 03.01. |
20:00 |
FC Villarreal |
2:0 |
UD Almeria |
| 03.01. |
20:00 |
Real Zaragoza |
2:1 |
Real Sociedad |
| 03.01. |
20:00 |
RCD Mallorca |
3:0 |
Hercules Alicante |
| 03.01. |
22:00 |
FC Getafe |
2:3 |
Real Madrid |
KOOXAHA AYAA SIDAN U KALA HOREEYA:
| 1 |
FC Barcelona |
17 |
15 |
1 |
1 |
53:10 |
43 |
46 |
| 2 |
Real Madrid |
17 |
14 |
2 |
1 |
42:14 |
28 |
44 |
| 3 |
FC Villarreal |
17 |
11 |
3 |
3 |
32:14 |
18 |
36 |
| 4 |
FC Valencia |
17 |
9 |
4 |
4 |
26:20 |
6 |
31 |
| 5 |
Espanyol Barcelona |
17 |
9 |
1 |
7 |
19:24 |
-5 |
28 |
| 6 |
Atletico Madrid |
17 |
8 |
3 |
6 |
27:19 |
8 |
27 |
| 7 |
FC Getafe |
17 |
8 |
2 |
7 |
28:25 |
3 |
26 |
| 8 |
Athletic Bilbao |
17 |
8 |
1 |
8 |
26:29 |
-3 |
25 |
| 9 |
RCD Mallorca |
17 |
7 |
3 |
7 |
19:20 |
-1 |
24 |
| 10 |
FC Sevilla |
17 |
7 |
2 |
8 |
22:27 |
-5 |
23 |
| 11 |
Real Sociedad |
17 |
7 |
1 |
9 |
23:28 |
-5 |
22 |
| 12 |
Deportivo La Coruna |
17 |
5 |
6 |
6 |
15:20 |
-5 |
21 |
| 13 |
Hercules Alicante |
17 |
5 |
4 |
8 |
18:25 |
-7 |
19 |
| 14 |
Racing Santander |
17 |
5 |
4 |
8 |
13:23 |
-10 |
19 |
| 15 |
CA Osasuna |
17 |
4 |
5 |
8 |
15:21 |
-6 |
17 |
| 16 |
FC Malaga |
17 |
5 |
1 |
11 |
22:36 |
-14 |
16 |
| 17 |
UD Levante |
17 |
4 |
3 |
10 |
19:28 |
-9 |
15 |
| 18 |
Real Zaragoza |
17 |
2 |
7 |
8 |
16:28 |
-12 |
13 |
| 19 |
UD Almeria |
17 |
2 |
7 |
8 |
15:27 |
-12 |
13 |
| 20 |
Sporting Gijon |
17 |
2 |
6 |
9 |
14:26 |
-12 |
12 |
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WAXAA KA MID AH SIDAN HOOS KU QORAN:
*** Macalinka kooxda Ac Milan Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay ineey iska fasaxeen ciyaaryahan Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho.
Tababare Massimiliano Allegri ayaa hadalkaan ka sheegay isaga iyo kooxdiisa Milan oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka carabta .
Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Ronaldinho qudhiisa uu go´aansaday inuu isaga tago Ac Milan maadaama eey Kontarolka ku badiyeen Binji uusan horay u aragna eey ku cabeen.
ciyaaryahan Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho ayaa 8-dii isbuuc ee ugu dambeeysay waxa uu ka saftay 18-daqiiqo oo kaliyah wuxuuna ka xumaaday Binjiga nuucaas ah oo uusan nolashiisa horay u soo arag. Ronaldinho ayaa lagu wadaa inuu ku biiro mid ka mid ah 3-kooxood oo ka dhisan horyaalka Dalkiisa ee Brazil kuwaas oo kala ah Gremio, Flamengo ama Palmeiras .
*** Kooxda Kubada cagta ee Fc Porto oo Qabqable weeyn ka ah horyaalka dalka Portugal ayaa guuldaradii ugu horeeysay ee xili ciyaareedkaan waxaa gurigeeda 1-2 ku Laqsiisay kooxda CD Nacional . Ciyaartaan oo muhiim aheeyd kana tirsaneed koobka dalka Portugal ayaa wexeey soo afjartay 37-kulan oo kooxda Fc Porto aan dhinaceeda dhulka la dhigin. Kooxda Fc Porto ayaa horyaalka dalka Portugal wexeey ku hogaamineeysaa 14-kulan oo la ciyaaray 38-dhibcood wexeeyna 8-dhibcood ka horeeysaa kooxda horyaalka dalkaas heeysato ee Benfica Lispon oo leh 30-dhibcood.
*** Weerar yahanka Qaranka Brazil iyo kooxda As Roma ee horyaalka Talyaaniga Julio Cesar Pereira Baptista ayaa isaga tagay kooxda Roma.
Julio Cesar Pereira Baptista ayaa waxa uu si toos ah ugu biiray kooxda Malaga ee horyaalka Spain wexeyna kala soo baxeen Adduun gaaraya 2-Milyan oo Euro.
Julio Baptista oo 29 jir ah ayaa waxaa lagu soo xasuustaa wacdarihii uu ka soo dhigay kooxihii uu horay ugu soo ciyaaray sida Fc Seville, Arsenal London iyo Real Madrid.
Kooxda Malaga oo uu la wareegay Nin maalqabeen ah oo u dhashay dalka Qatar ayaa wexeey biloowday ineey is dhisto si eeysan ugu laaban horyaalka qeeybtiisa 2-aad ee Serie B-da waxaana Julio Baptista uga soo horeeyay Malaga oo eey Isbuucaan soo iibsadeen Difaacii Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Bayern Munchen Martin Gaston Demichelis.
*** Shirkad Qadiimi ah ayaa Koob u dhigtay kooxaha ifka iskugu neceb oo ka dhisan dalka Scotland waa Fc Celtic Vs Rangers si eey u xusaan 66 Taageere oo ku dhintay Shaqaaqo dhex martay labada kooxood 2-dii bishii Janaayo ee 1971-dii. Ciyaartaan oo eey ka soo qeeyb galeen 50.222 kun oo Taageere ayaa waxaa 2-0 ku badisay kooxda Faca weeyn ee Fc Celtic. Goolasha Fc Celtic ayaa waxaa u wada saxiixay Weeraryahanka Qaranka Giriiga Georgios Samaras.
*** Tababaraha Sanadka ee Dunida oo la baxsho xili kasta 4-bisha Janaayo ayaa waxaa Jeebka gashtay sanadkaan Macalin Jose Mario dos Santos Felix Mourinho oo kooxda Inter la soo qaaday The Uefa Champions League, Horyaalka Talyaaniga iyo weliba Koobka Talyaaniga. Morinho ayaa waxaa ku soo kala xigsaday Macalimiinta Kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Bayern Munchen Josep Guardiola iyo Aloysius Paulusa Maria Louis van Gaal. Tababarayaasha ayaa 10-ka macalin ee dunida ugu wanaagsan wexeey codka u kala heleen sidan hoos ku qoran:
1. Jose Mourinho (294 Punkte)
2. Josep Guardiola (188)
3. Louis van Gaal (75)
4. Quique Sánchez Flores (46)
5. Carlo Ancelotti (41)
6. Sir Alexander Ferguson (38)
7. Arsene Wenger (33)
8. Celso Juarez Roth (24)
9. Roy Hodgson (20)
10. Lamine N'Diaye (11)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com