Wesley Sneijder oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Manchester United,* Maxaad kala socotaa Lacagta uu Maalin kasta Mushaar ahaan uqadan doono? (Iyo Suuqa Kaawaanka Ciyaartooyda) !!
*** Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Wesley Sneijder ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd. Masuulka kooxda ManU ciyaartooyda u soo iibiya ee lagu magacaabo David Gill waxa uu hada ku sugan yahay Magaalada Milaano iyo dhanka naadiga Inter .
Man Utd oo Mucjisada qadka dhexe Wesley Sneijder ku soo wadato 40-Milyan oo Euro waa hadii lagu heshiiyo wuxuu Maalin kasta (Daily) qaadan doonaa sida uu Tv-ga Skysport soo bandhigay Lacag dhan 230.000 oo Euro oo ka badan Lacagta uu ka qaato Week ahaan Weeraryahanka Qaranka Egnland & kooxda Man Utd Wayne Rooney.
Laacib Wesley Sneijder waxaa isku kooleey oo mudo dheer daba taagnaa qaab ciyaareedkiisa Macalinka ManU Sir Alex Ferguson.
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Liverpool wexeey si toos ah ula soo wareegtay Stewart Downing oo laga soo iibiyey kooxda Aston Villa ee isla horyaalka England. Stewart Downing oo 26-jir ah waxaa laga soo baxshay 18-Milyan oo Euro .
Tababaraha Fc Liverpool Mr Kenny Daglish waxa uu sheegay in Xiddigaan uu aad ugu wanaagsan yahay dhanka qadka dhexe eeyna kooxda Fc Liverpool mudo aad u fog Isha ku heeysay hadana eey ku guuleeysatay soo xero galintiisa.
*** Kooxda Fc Bayern Munchen weli wexeey ka hari la dahay Difaaca Fc Chelsea waa Ciyaaryahan Alex. Bayern Munchen Xiddigaan wexeey ku dooneeysaa 10-Milyan oo Euro balse waxaan la ogeeyn in uu fasaxi doono iyo in kale Macalinka cusub ee kooxda Fc Chelsea Mr Andre Villas-Boas.
*** Kooxda Atletico Madrid ee Horyaalka Spain wexeey Laacibiinteeda ku soo biirisay Ciyaaryahan Joao Miranda oo u dhashay dalka Brazil. Ciyaaryahan Joao Miranda waxaa laga soo iibiyey kooxada FC Sao Paulo ee horyaalka Brazil.
Marka laga soo tago soo xaro galinta Ciyaaryahan Joao Miranda wexeey sidoo kale kooxda Atletico Madrid Xiddigeheeda ku soo biirisay ciyaartooyda kala ah Gabi oo ka yimid kooxda Saragossa iyo Silvio oo isna laga soo iibsaday kooxda Braga oo ka dhisan Horyaalka Portugal.
*** Koobka Ciyaaraha Adduunka ee kubada cagta qeeybta Dumarka oo si xiiso leh oo si leh uga socda dalka Germany waxaa Ciyaartiisii Fiinaalaha iskugu soo haray dalalka USA Vs Japan. Laacibiinta Gabdhadha Mareeykanka wexeey 3-1 ku soo garaaceen Gabdhaha xulka France halka Japan eey iyana sidoo kale gabdhaha Qaran ka Sweden 3-1 ku soo tuntay. Halkaan ka Daawo USA Vs France >>>http://www.youtube.com/watch?v=1fuxq5YW1WI .