Shirkad soo saartay Gaari nuuc cusub oo Dhulka ku dhegen iyo Dawlada Jarmalka oo Shirkada BMW ka Mabnuucday Gaari baalal leh oo la shegay inuu Amniga dalkaas Qatar ku yahay (Xiriiriye iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!
Dadweeynaha Caalamka kuwooda xiiseeya dhanka Gawaarida cusub ayaa Maalmihii ugu dambeeyey waxaa la soo gudboonaatay labo arimood oo midna Murugo u eheeyd midna Farxad eey kala kulmeen. Dadka Shirkdaha leh ama Mehradaha Ganacsi eey u shaqeeyaan wexeey inta badan ku mashquulaan oo eey la socdaan wax alle iyo wixii Gaari cusub ah oo soo baxa ama Maslaxa Gawaarida ku soo biira .
Dadweeynaha Caalamka ee Gawaarida cusub xiiseeya gaar ahaan kuwa Qaarada Yurub intooda badan wexeey leeyihiin waxa loo yaqaan (Ceeymiska) wexeeyna Awoodaan hadii uu Gaari cusub soo baxo ineey iska celiyaan Gaarigii hore ee Duuga noqday waxaana loogu soo badalaa Nuuca Gaariga cusub ee waqigaas soo baxay iyaga oo laga qaado Lacag dhan 3-meelood labo meel.
Hadaba Gaarigaan cusub ee VTG waxa uu qaab ahaan u eg yahay Gawaarida Qaaliga ah ee Oradada Caalamka. Gaarigaan waa Qafiif wuxuuna u sameeysan yahay waxa eey Soomaalidu u taqaano (Abuu Ukunka) oo loo la jeedo Gaari isku dhex jiro ama Dhulka la siman.
Gaarigaan cusub ayaa dadka waxa uu ku soo jiitay wexeey tahay isaga oo si Caalami ah isku balaqa Xiliyada Kuleelaha wuxuuna Otamaatik isku xiraa Waqiyada uu socdo Roobka ama Xiliyada uu Barafka da´aayo ee Qaboowga daran uu jiro.
Iibsiga nuuca Gaarigaan cusub oo xaawli ku socda wexeey Dadka Gawaarida xiiseeya kaga heleen ama u jeclaadeen waa isaga oo aad u dhawaaq yar dhanka Codka iyo Shidaalka uu cuno ama lagu Shubto oo lagu sheegay inuu aad u yar yahay oo uu weliba Jabiyey Iskoor cusub oo dhanka Shidaal yarida ah.
Dhanka kale Dadweeynaha xiiseeya Gawaarida cusub ayaa si weeyn uga Niyad Jabay go´aankii eey Daawlada jarmalka isbuucaan gudihiisa ku Mabnuucday Gaari nuuc cusub ah oo eey soo saari leheed Shirkada caanka ah ee BMW .
Garigaan oo Qaabkiisa bishii Janaayo ee Sanadkaan aanu ku jirno la soo bandhigay ayaa waxa uu lahaa Baalal la sheegay inuu ku duuli karo ilaa 10-km wuxuuna sidoo kale u sahli lahaa dadka Shaqaalaha ah ee Wadooyinku eey ku xirmaan inuu ka dul kaco Gawaarida kale ila uu ka helaayo dhul aan ciriiri aheeyn ama buuq badan uusan ka taagneeyn.
Shirkada BMW Services Technologie oo soo saarista Gaarigaan cusub isku diyaariay (Auto-Flug) ayaa waxaa Qorshahaas Gaashaanka u daruurtay Dawlada dalka Jarmalka oo ku sheegtay Gaarigaas cusub inuu Amniga dalkeeda qatar ku noqon doono Maadaama Tuugada Maafiyada ah ee Bangiyada dhacda ama Dadka geeysta Dilalka Qorsheeysan eey si sahlan ugu fakan doonaan Xiliyada eey Dhibaatada geeystaan ama uu bursanaayo Booliska.
Ugu dambeeyntii Riyadii Shirkada BMW iyo Gaarigii Jet-Motor-Auto-Flug oo Dad badan eey u Hanqal taagayeen ayaa halkaas ku soo xirantay.