INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN :ALLAHA u Naxariistee : Taageerayaal Isboorti Oo Galabta Si Lama Filaan ah Ugu Geeriyooday Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Shil aad u xun oo galabta ka dhacay wadada Maka Al Mukarah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nafwaayey Taageerayaal dhinaca kubada cagta ah oo aad u fara badan, iyadoo dad dhaawacyo liita qaba laga cabsi qabo in ay dhintaan sida ay goobjoogayaal argagax uu ka muuqday xaqiijiyeen.
Gaariga ayaa ku rogmaday wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana ilaa iyo hada la sheegayaa inay suurtagal tahay dhimashada oo iminka sii cagacagaynaysa 22-ruux ineey intaasi ka badnaato.
Shilka Gaari oo ahaa mid qasaare badan dhaliyay ayaa goobta waxa soo gaaray dadweeyne fara badan oo aad u ilmeenayey kuwaa oo eheladooda ka baadi goobayay dadka mashaqadu ku qabsatay galabta wadada Shaqaalaha.
Ciidamada AMISOM kuwa Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Gawaarida Gurmadka ayaa gaaaray goobta uu shilku ka dhacay kuwaa oo halkaasi ka sameeyay gurmad dadkana wiishash uga soo saarayey gaarigii rogmaday hoostiisa.
In ka badan 22 Taageerayaasha Degmada Wada JIr ah ayaa ku dhamaaday Shilkaas waxaana dhaawacyo 30 kor u dhaafay loo la cararay Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Gaariga Shilka galay ayaa ka yimid Garoonka Ciyaarah ee Stadiom Koonis halkaas oo ay galabta Ciyaar kula soo ciyaareen Degmada Yaqshiid, Ciyaarta Tartanka Degmooyinka Muqdisho heerkiisa Semi Finalka ah wexeeyna guushii ku raacday Degmada Yaqshiid oo Wadajir kaga adkaatay Rigooreyaal.