Xiriiriye iyo Soo Aruurinta Mucjisooyinka Caalamka: Arinta Liibiya oo noqotay Habeenkii ii Tali aan Maalintii kuu Taliyee,*Ciidamada Gaashaanbuurta NATO ayaa Dhibaato xoogan wexeey ka heeysataa qaabkii eey ku Duqeen lahaayeen Ciidamada Daacada u ah Madaxweeyne Qadaafi maadaama Furumaha Mucaaradka eey si aad ah iskugu dhaw yihiin (Halkaan ka Daawo)þ
(Mucjisooyinka Caalamka) Inta badan Ciidamada gaashaanbuurto NATO ayaa hoowlgalada eey ka fuliyaan meelo badan oo Caalamka ka mid ah wexeey u badnaayeen kuwo ku soo dhamaada Guul ama sidii la rabay balse arinta Liibiya ayaa noqotay mid soo laab laabata oo iska daba qasan.
Ciidamada Gaashaanbuurta NATO ayaa wexeey Qaatu billahi & Quus ka taagan yihiin labo arimood oo Yaabkooda xambaarsan. Arinta 1-aad ayaa ah markii ciidamada Madaxweeyne Qadaafi laga guuleeysto ama laga sikiyo Magaalo muhiim ah wexeey soo badashaan dharka oo wexeey si deg deg ah iskugu soo ekeeysiyaan Qaabka eey u labistaan Ciidamada Mucaaradka oo inta badan Dhar caadi ah soo xirta Cimaamado iyo Koofiyaalna Madaxa soo saarta.
Arinta 2-aad ee Ciidamada Gaashaanbuurta NATO Quuska ka taagan yihiin ayaa ah Dhufeeysyada labada dhinac ee Mucaaradka & Xoogaga Taageersan Mr.Mucamar Al Qadaafi oo mararka qaar xliyada Habeenka ah Tooshashaka indhaha iskaga qabta taas oo kuu cadeeneeyso ineey si aad ah iskugu dhaw yihiin.
Ciidamada NATO tan iyo markii eey weerarka cirka ah ku qaadeen dalka Liibiya ma jirin wax Ciidan dhanka Lugta ah oo Dagaalka Liibiya k qeeyb qaatay marka laga reebo iyaga oo xili kasta dhanka Cirka ka duqeeya Ciidamada Daacada u ah Madaxweeyne Qadaafi waxaana diiday oo weli aan fasixin ineey ciidamada NATO dhulka ama lug ku Dagaal galaan Qaramada Midoobay & Midawga yurub.
Mucjisada ugu weeyn ee Caalamka ka yaabsaty ayaa ah Calanka Ciidamada Qadaafi oo Meeshii Maalin cadeey laga qabsado si deg deg ah looga dajiyo wexeeyna inta badan Xiliyada Saqda dhexe ku soo laabtaan magaaladii laga qabsaday kuwaas oo durbadiiba dib u saara Calankii laga dajiyey.
Dagaalka Liibiya ayaa noqday mid u eg Ciyaar iyo waxa loo yaqaan Maalintii ii Tali ana Habeenkii ayaan kuu Talinayaa.