Xiddiga Kooxda Man Utd & Qaranka Portugal Luis Carlos Almeida da Cunha Nani ayaa markiisii ugu horeeysay ganaax muteeysan doono. Nani oo lagu tirin jiray ciyaartooyda fara kutiriska ah ee inta badan aan ku socdaalin gawaaridooda ama dhibaato ku geeysan ayaa markaan waxaa laga jiitay gaarigiisii isaga oo meel Xaflad ka socotay ku jiray.
Laacib Nani ayaa waxaa gaariga ka jiitay oo wiish ku qaatay Qolooyinka Ganaaxa la raadsado dadka Gawaarida meelaha qaladka ah ku packing gareeya. Luís Carlos Almeida da Cunha Nani ayaa Skysport u sheegay in qaladka looga jiitay gaarigiisa eey sabab u eheed Jaceylkiisa Daniela Martins maadaama eey ka diiday meesha gaariga eey dhigteen ineey qalad tahay loona baahan yahay ineey boos kale raadsadaan.
Laacib Luis Nani ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah ee 2-2.11 dib u helo gaarigiisa wuxuuna muteeysan doonaa cadad lacag ganaax ah iyo digniintii ugu horeeysay maadaama mudo ka badan 2-saacadood uu xanibay Nin meel Ganacsi iska lahaa oo garan waayey sidii uu gaarigiisa kula soo bixi lahaa maadaama uu booska ka xiray gaariga Nani oo lacag Qaali ah ku fadhiya.
Inta badan Qolooyinka ganaaxa ee Qaarada Yurub ayaa ugaarsada Gawaarida Ciyaartooyda xiliyada eey meelaha qaldan dhigtaan si eey Lacag caqli ka fooq ah uga helaan waxaana dabinkaas ama shabaqaas ku dhacay sanadkii la soo dhaafay ee 2010 Ciyaartooy eey ka mid yihiin Zlatan Ibrahimovic oo lagu ganaaxay magaalada Barcelona oo uu ku cusbaa iyo Karim Benzema oo 2-ganaax loo dhiibay ka dib markii uu Gaarigiisa xoog ku marsiiyey wado eey maraan caruurta iskuuleeyda ah wuxuuna isla markiiba ku packing gareeyey meel qaldan oo loogu tala galay ineey gawaarida dhigtaan dadka cuuryaamiinta ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By : Kaafi Deeq Oslo
Norway 4721961418
http://www.xiriiriye.com