Liiska kooxihii Lacagta badan faaiday kuwii qasaaray iyo Ciyaartooydii ugu Qaalisaneed ee la kala iibsaday oo la soo saaray (+ World Sport News Xiddiga Champion-ka Tenniska Addunka Rafael Nadal oo Saxaafada Caalamka horteeda wax aan horay loo arag oo aan loo maqal ka sameeyey Halkaan ka Daawo dhibkaan dhacay.).
Kooxaha Dhaqaalihii ama Lacagtii ugu badneed eey u soo xarootay ama ka faaiday Ciyaartooyda ayaa waxaa lagu sheegay:
1-Atlentico Madrid 76,85 Milyan oo Euro.
2-Fc Arsenal 71,37 Milyan oo Euro.
3-Us Palermo 69,30 Milyan oo Euro.
4-Udinese Calcio 66,75 Milyan oo Euro.
5-Fc Genoa 50,30 milyan oo Euro.
Kooxihii Lacagta faraha badan eey ka baxday ama Ciyaartooy Qaali ah soo iibsaday ayaa wexeey kala yihiin :
1-Juventus 94,75 Milyan oo Euro.
2-Manchester City 92,25 Milyan oo Euro.
3-Paris Saint Germain 89 Milyan oo Euro.
4-Fc Chelsea 72,2 Milyan oo Euro.
5-Atlantico Madrid 68 Milyan oo Euro.
Shantii Ciyaaryahan ee ugu Qaalisaneed oo la kala iibsaday dhanka Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ayaa waxaa lagu sheegay:
1-Sergio Kun Aguero oo ka yimid Atl.Madrid una yimid Man City waa 45 Milyan oo Euro.
2-Javier Matias Pastore oo ka yimid Fc Palermo una wareegay kooxda Paris Saint-Germain waa 43-Milyan oo Euro.
3-Radamel Falcao Garcia Zarate oo ka yimd Fc Porto una wareegay At.Madrid waa 40-Milyan oo Euro.
4-Fabio Coentrao wuxuu ka yimid Benfica una wareegay Real Madrid waa 30-Milyan oo Euro.
5-Cesc Fabregas wuxuu ka yimid dhanka Fc Arsenal una wareegay kooxda Fc Barcelona waa 29-Milyan oo Euro.
*** Xiddiga heeysta horyaalnimada Teenis-ka Caalamka Rafael Nadal ayaa Saxaafada Sportiga horteeda waxa uu ka sameeyey arin eey la yaabeen dadkii daawanayey ka dib markii uu Xanuun kaga soo booday Dhabarka dambe eey qasab ku noqotay inuu ilaa dhulka si tar tiib tar tiib ah Dhulka ugu dhaco.
Wariyaasha soo xaadiray goobta oo isku diyaariyey sidii eey u duuban lahaayeen Rafal Nadal ayaa bilaabay ineey Afka qabsadaan ceeb iyo yaab darteed maadaama Ninkii eey mesha u yimaadeen ineey Duubtaan uu dhulka ku taraaraxay isaga oo sheeganaya Xanuun Dhabarka dambe ah.
Rafael Nadaal ayaa Saacado ka hor inta uusan Wareeysiga qaban ama iskugu yeerin Saxaafada waxa uu dhagaha ka soo gaaracay ama si la yaab ah kaga soo badiyey Laacib kale oo ciyaarta Tennis-ka ku wanaagsan kaas oo lagu magacaabo David Nalbandian .
Rafael Nadal waxa uu u dhashay dalka Spain waana 25 jir mar kasta qaada ama ku guuleeysta Ciyaarta Tennis-ka oo Caalamka si weeyn looga xiiseeyo. Halkaan ka Daawo Qosolka & Yaabka dhacay & Shirkii Jaraaid ee uu Rafael Nadal qabtay oo lagu kala dareeray >>> http://www.youtube.com/watch?v=Ht_OlOeYQO0
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com