Haweeneey Soomaaliyeed oo isku soo sharaxday Jagada Madaxweeynenimo ee dalka Soomaaliya ka dib markii ay Ragu wax qaban waayeen mudo 21-Sanadood ah (Halkaan ka Daawo Yaabkaan)
Naima Abdirahman Caseeyr oo ah xildhibaanad loo doortay golaha deegaanka ee xaafada Grønland Oslo Norway ayaa waxay go'aansatay inay isku soo sharaxdo Jagada Madaxwaynenimada dalka Soomaliya.
" Intaan ka dib ma ahan wax aanu indhaha ka laaban karno dhibaatada ka taagan dalka Soomaliya maxaa yeelay Ragii weey ku fashilmeen xasilinta iyo Nabad ku soo dabaalida aayaha Shacabka Soomaaliyeed ayeey tiri Naciima C/raxmaan Cayseer Naciima Nadar oo ku nool dalka Norway.
Naciima Nadar ayaa sidoo kale tiri Ragu gartooda ha qaataan hana u naxaan Shacabka masaakiinta ah iyo dadka Camoolaha ah ee aanan ka carari karin Dagaalada aan dhamaadka laheeyn .
Haweeneeydaan isku soo Sharaxday Jagada Madaxweeynenimo ee dalka Saomaliya ayaa carabka ku dhufatay ineey Taageero dhan walba ah ay ka heeysato Dawlada Norway.