Maxaad kala socotaa Kooxaha isku Magaalada ka dhisan ee Ifka iskugu Neceb iyo Qaramada Dalalka aan la is tusin oo Xitaa Ciyaar Saaxiibtinimo aan iskugu imaan? (Halkaan ka Daawo kooxaha Cadawtinimada weeyn eey ka dhaxeeyso iyo Hal Ciyaar oo 9-Rooso la isku Asqeeyey ka dib markii Ciyaartooyda Jilaafo Raaxada is kaga qaadeen) !
Maxaad kala socotaa Kooxaha caanka ah ee ka dhisan Qaarada Yurub ee Ifka iskugu Neceb? Ma ogtahay in Kooxahaan oo isku Magaalo ka dhisan ineey mid walba dooneeyso sidii Mustaqbalka dhaw iyada looga dambeeyn lahaa Awooda Magaalooyinka eey ka wada dhisan Yihiin? Weli ma maqashay Nolashaada Dalal caan ah oo aan wax kulan Saaxiibtinimo iskugu imaan isir Naceeyb iyo Yasmo eey isku hayaan darteed? Hadaba ku Biiri Aqoontaada Sport Warar kaan oo aan idiin soo aruurinay. !!
Kooxaha eey taageerayaashooda mar kasta iska Taqluusaan ama Dhaawacyada halista ah isku geeystaan ayaa wexeey u kala horeeyaan oo kala yihiin sidan hoos ku qoran.
1-Celtic vs Rangers, Scottish Football, wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Glasgow ee dalka Scotland .
2-Ac Milan Vs Inter Milan,wexeey ka wada dhisan yihiin Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.
3-Manchester United Vs Manchester City, wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska
4- FC Schalke Vs Borussia Dortmund , wexeey ka wada dhisan yihiin Gobolka Gelsenkirchen ee dalka Germany.
5-Real Madrid Vs Atletico Madrid ,wexeey ka wada dhisan yihiin Caasimada dalka Spain ee Madrid.
6-As Roma Vs SS Lazio , wexeey ka wada dhisan yihiin Caasimada dalka Talyaaniga ee Roma.
7-Fc Liverpool Vs Everton, wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska.
8-FC Barcelona Vs Espanyol Barcelona, wexeey ka wada dhisan yihiin Magaalo xeebeedka dalka Spain ee Barcelona.
9-Fc Arsenal Vs Fc Chelsea , wexeey ka wada dhisan yihiin Caasimada dalka Ingiriiska ee London.
10-Galatasaray Istanbul Vs Fenerbahce Istanbul, wexeey ka wada dhisan yihiin Magaalada Malaayiinta qof eey ku nool yihiin ee istanbul, waxaa kooxaah soo raacda Besiktas Istanbul.
11- FC Sevilla Vs Betis Sevilla, wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada loo dal xiis tago ee inta badan aan laheeyn baraf iyo Qaboow waa Seville oo ku taal Spain.
12-Juventus Vs Fc Torino, wexeey ka wada dhisan yihiin Magaalada ku hor martay soo saarista Qalabka Gawaarida waa Torino oo ku taal Talyaaniga.
13-Birmingham City Vs Aston Villa, wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Birmingham ee dalka England.
14-Sampdoria Vs Genoa ,wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.
15-Fulham vs Tottenham ,wexeey ka wada dhisan yihiin Caasimada dalka Ingiriiska ee London.
16-FC Bayern München Vs TSV 1860 München,wexeey ka wada dhisan yihiin Magaalada weeyn ee Ciyaartooyda eey ka soo baxaan Munchen/Munich waa Jarmalka.
17-ZSKA Moscow Vs Spartak Moscow iyo Lokomativ Moscow , wexeey ka wada dhisan yihiin magaalada Moscow ee dalka Russia.
FIIRO GAAR AH: Kooxaha aadka u nasiibka badan ee ka dhisan maagaalooyin ama Caasimado waa weeyn ee ilaa iyo hada aan ka cabsan in koox kale oo weeyn eey Daris la noqoto ama ka soo hoos baxdo ayaa wexeey kala yihiin sidan: Ajax Amesterdam wexeey isbaaro u taal Caasimada Amesterdam, Horyaalka Holland ma jirto koox cadaw ku ah oo daris la ah marka laga reebo kooxaha PSV Eindhofen & Feyenoord Rotterdam oo magaalooyin kale iska baashaalaayo. Sidoo kale kooxaha Horyaalka Faransiiska ee kala ah Olympique Lyon ,Olympique Marseille iyo Paris Saint-Germain ayaa kala bad baaday oo kala fog . Kooxda Dinamo Kiev wexeey xaaraan ku heeysataa Caasimada Ukrain ee Kiev maadaama kooxda eey sida weeyn uga cabsato ee Schactor Donesky eey magaalo kale degan tahay. Horyaalka Beljemka RSC Anderlecht ayaa caasimada Brussel maamusho waxaana cadaw ugu dhaw kooxaha Club Brugge iyo Standard oo magaalooyin kale kala maamula.
Dalalka Qaramada aan la is tusin ee Cadaawada Gamuurtay eey ka dhaxeeyso ayaa waxaa ka mid ah kuwaan : Nigeria Vs Cameroon, Iiraan Vs Israel, Brazil Vs Argentina, Turkiga Vs Giriiga, Saudi Arabia Vs Israel. Masar Vs Israel, UsA Vs Iiraan, iyo ugu dambeentii Uruguay Vs Paraguay.
Halkaan ka Daawo mid ka mid ah is Naceeybka iyo Halaaga dhex mara mararka qaar kooxaha is diidan ee Moowqifka isku qilaafsan: >>> http://www.youtube.com/watch?v=O-ttPvtzybA&feature=feedrec_grec_index
Filo Goor Dhaw warar Sport oo Top News ah iyo Barnaamishka La Yaab oo goor dhaw soo caga dhigan doono.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com