 |
Na |
 |

Kala Bixii Jawaabtii Hal Xiraalaha, Khabiiro badan oo Tareenka uu ka tagay, Maharayaal Sport oo isku soo haray, & Nicolas Sebastian Bilal Anelka oo Cristiano Ronaldo Far dheer ku yiri ka Aaamus Suuqa waan kaaga soo horeenay. (Akhri Warka kala horeenta Ciyaartooyda ugu qaalisan Dunida oo Tarjuman) Qaar badan oo ka Tirsan Ahristayaashii sida weeyn u horboodi jiray www.xiriiriye.com Jawaabaha Hal Xiraalaha & Qubanayaasha kale ee Sportiga ayaa markaan Tareenka Tartanka iskaga degay ka dib markii eey ku adkaatay Su´aashii eheed: " Waxaad sheegtaa Ciyaaryahan ka qaalisan Cristiano Ronaldo marka la isku daro Naadiyada uu soo maray weliba ah Laacibka ugu qaalisan maanta Dunida?. Qaar badan oo ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka Ciyaaraha kubada cagta Aqoonta guud u leh ayaa diiday ineey is dhiibaan oo si fudud uga haraan Tartanka Jawaabta in kastoo markii danbe uuTariinka ka tagay markeey soo bandhigeen Ciyaartooy badan oo eey u arkeen ineey yihiin kuwa ugu Qaalisan maanta Dunida. Khabiiradii Sport ee Tariinka ka haray ayaa inta Badan soo bandhigay 5-Ciyaaryahan oo kala ahaa sidan: David Beckham, Samuel Eto'o, David Villa Sánchez, Zlatan Ibrahimovic, iyo Robson de Souza Robinho. Hadaba Ciyaartooydaas eey soo bandhigeen Akhristayaal aad u fara badan ayaa waxaa suuqa ka saaray oo hamigooda laqay Laacib Nicolas Anelka oo soo maray 8-Kooxood. (Hoos ka Akhri Taariikhda & Gooasha ) Nicolas Sebastian Bilal Anelka Waxa uu 1995 ilaa 1997 10-kulan u saftay kooxda Paris Saint-Germain wuxuuna u dhaliyey 1-goal. 1997 ilaa 1999 kooxda Arsenal ayuu 90-kulan u saftay waxaana uu u saxiixay 28-goal. 1999 ilaa 2000 Kooxda Real Madrid ayuu 39-kulan u saftay waxaana uu u dhaliyey 8-gool. goolashaan waxaa ku jiro gool muhiim ah oo uu ku qaaday Champions league xili eey Real Madrid Valencia ka qaaday koobkaas. 2000 ilaa 2001 waxaa hadane soo iibsatay kooxda Paris Saint-Germain oo 56-kulan 18-gool uu u dhaliyey. 2002 waxaa soo iibsatay Kooxda Fc Liverpool isaga oo 22-kulan u saxiixay 5-gool. 2002 ilaa 2004 waxaa la wareegtay oo u bogtay kooxda Manchester City wuxuuna 103-kulan oo uu ciyaaray u dhaliyey 46-gool. 2005 ilaa 2006 waxaa iibsatay Kooxda Fenerbahce ee Horyaalka Turkiga oo 39-kulan uu u dhaliyey 14-gool. 2006 ilaa 2008 kooxda Bolton ee Horyaalka England ayaa soo iibsata iyaga oo u arkay ineey ku Gumaadi karaan kooxaha kale ee Ingiriiska wuxuuna 53-kulan oo uu saftay u dhaliyey 21-gool oo xiriir ah. Intaas ka dib isla 2008-kii waxaa u bogi weeysay wacdaraha Laacib Nicolas Anela kooxda weeyn ee Fc Chelsea oo isla markiiba soo iibsatay. 2008-ilaa hada 2010 Kooxda Fc Chelsea ayuu u ciyaaraa wuxuuna 86-kulan u dhaliyey oo kooxaha kale shabaqooda ku hubsaday 33-gool waxaana ugu dambeeyey goolkii doraad uu ciyaartii Champions League ka dhaliyey kooxda Spartak Moscow ee horyaalka Russia. 1998-kii ilaa 2010 Qaranka France oo uu 70-Jeer u saftay waxaa uu u saxiixay 15-Gool oo eey ku jireen goolal aad muhiim u ahaa sida goolkii eey xulka Diiqa reer France ku soo garaaceen Qaranka Irland oo ku ciyaarayey gurigooda Magaalada Dublin una soo baxeen World Cup 2010. (Barta ugu Hooseeyso ka akhri Cadeenta in Nicolas Anelka uu yahay Laacibka Ebid dunida ugu qaalisan waxaana ku soo xiga C.Ronaldo. Arjen Robben oo isna isku soo maray kooxaha PsV Eindhofen, Fc Chelsea, Real Madrid & kooxda uu iminka u ciyaaro ee Fc Bayern München ayaa waxaa uu isku Aruursaday Lacag dhan 82,3-Milyan oo Euro halka Cristiano Ronaldo uu xaq u yeeshay isku dar 111,5-Milyan oo Euro ugu dambeentiina waxaa agtiisa la tagi waayey Laacibka Islaamay ee 3-da Jeer oo isku xigta Xajka tagay lana Baxay Magaca Bilal waa Nicolas Sebastian Bilal Anelka oo guud ahaan aruursaday Lacagtii ugu badneed dunida ee Ciyaaryahan Jeebka ku hubsado 128,86 Mio Euro. Waxaana Recorka uu heeysto jabin kara Mustaqbalka dhaw Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic , Robinho iyo Cristiano Ronaldo waa hadii eey sadexdaan ciyaaryahan sida Bilal Anelka guur guuraan ama kooxo badalashadooda sii badiyaan) Ugu dambeentii Geesiyaashii Sportiga, Ma Harayaashii Ciyaaraha, Khabiiradii diiday ineey Tartanka Tariinka ka haraan oo sida weeyn uga soo Jawaabay Hal Xiraalahaan oo ahaa kii Ebid ugu adkaa ee www.xiriiriye.com u soo bandhigo bahda ciyaaraha ayaa Magacyadooda waxa eey kala ahaayeen sidan. 1-Oradyahan C/Caziiz Axmed Geedi (Mataan Gureey) 2-C/Fitaax Cal Diriir (Nasri) 3-C/Risaaq Macalin Aadan. 4-Zakariye Cali Cusmaan (Amiir Zaki) 5-Nuurdeeq Muxyadiin C/kariin (Juve Boy) 6-Maxamed Cabdulle Maxamed (Aan Jabno) 7-Salmaan Bahdoon Faarax (Nani) 8-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba) 9-Maxamed Deeq Cali Cumar (Deeqsom) 10-Farxiyo Cabdi Liibaan (Pirlo) 11-Duraan Cali sheegoow (ManU) 12-Warsame Fiidoow Wardheere (Xavi) 13-C/rashiid Maxamed Shiikheey (Al.Faghi) 14-Dayax Cabaas Nuuroow. 15-Cali C/kariin Naaleeye. 16-Asmo Maxamed Awreeye (Ronaldo) 17-Shuceeyb Cali Xussen (Anelka) 18-Kaahin Aadan Diiriye (Real Boy) 19-Bilaal Xasan Xussen (Baari) 20-Liibaan Ereg Qalabxoor (Cr7) 21-Maxamed Amiin Iimaan Wardheere (Barcelona) 22-C/nuur Cali Xussen (Taayoow) 23-Cali Cabdi Barqadle (Messi) 24-Luul Yabaroow Wiish (Luuleey) 25-C/qani Isxaaq Fiidoow (Sneeijder) 26-Siciid Muuse Cabdi (Anas) 27-Haashim Cawaale Abdidoon (Haskey) 28-Yoonis Awaare Cali (yuu)
Waxaa Hal Xiraalaha Qaladay oo Tariinka iskaga Degtay markii eey ka daaleen Su´aasha Hal Xiraalaha Sportiga oo isbuucaan aad u kululeed 84-Qof waxaana leenahay aad ayaad ugu mahadsantiin kuwii guuleystay iyo kuwii laga guuleeystayba (Ninba waa maalintiis ciyaarna waa gelinka danbe ee kuwa guuleeystay yeeysan qoslin maanta maxaa yeelay Hal Xiraalaha Sportiga ee www.xiriiriye.com kow iyo labo ma joogo oo waxaa idiin harsan Boqolaal Hal Xiraale)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com Hoostaan ka aqri warkii Anelka inuu Dunida ugu qaalisan yahay ahaa ee laga qoray : (Waxaa Qoray Bild-Sport) Die höchste je bezahlte Ablösesumme legte Real Madrid für Cristiano Ronaldo (25) auf den Tisch: Die Königlichen überwiesen letztes Jahr 94 Mio Euro an Manchester United.
Aktuell: Eine irre Summe - trotzdem ist der Portugal-Star nicht der Fußballer, für den INSGESAMT am meisten Geld hingeblättert wurde. Rechnet man alle Ablösesummen zusammen, kommt Ronaldo auf 111,5 Millionen Euro (94 Mio + 17,5 Mio, die ManU 2003 an Lissabon zahlte) - nur Platz 2 im Allzeit-Ranking. Die überraschende Nummer 1: Frankreichs Skandal-Kicker Nicolas Anelka (31) mit 128,86 Mio Euro. Das zeigt die Geld-Rangliste des Fußball-Portals . Erklärung: Als der Stürmer 2008 von Bolton zu seinem aktuell Klub FC Chelsea wechselte, wurde bereits zum achten Mal eine Ablöse fällig. Aus der Bundesliga ist nur ein Spieler in den Top Ten: Der zur Zeit verletzte Bayern-Star Arjen Robben (26). Viermal zahlten Klubs (Bayern, Real, Chelsea und Eindhoven) für ihn Millionen-Ablösen - insgesamt 82,3 Mio. Hier finden Sie Top 20 der teuersten Spieler aller Zeiten.
|