Barnaamishka isbuuclaha ah ee (Maanta & Ciyaartooyda ) oo ka baxa Telefishinka caanka ah ee Canal Plus ayaa waxaa Isbuucaan lagu soo qaatay Qiso aad u xiiso badan oo dhex martay Laacibiinta kooxda Manchester United una ciyaara Qaramada dalalka France & South Korea Patrice Latyr Evra iyo Ji-Sung Park.
Patrice Latyr Evra oo ku dhashay 15- kii Maay 1981 Magaalada Dakar ee Caasimada dalka Senegal ayaa bishii Janaayo ee Sanadkii 2006 waxa uu kooxda Man Utd ugu yimid Adduun gaaraya 5,5 Milyan oo Pfund ah. Patrice Evra ayaa ilaa yaraantiisii waxa uu ku soo koray dalka Faransiiska wuxuuna ilaa hada ka mid yahay Xiddigaha Qaranka France dhanka Difaaca ugu cad cad.
Dhanka Park Ji-sung Waxa uu dhashay 25-kii bishii Febraayo Sanadkii 1981 wuxuuna ku dhashay Magaalada Goheung ee dalka South Korea. Ji-Sung Park oo xili kuleelihii 2005-tii ka yimid kooxda PSV ayaa waxaa uu kooxda Man Utd ugu fadhiyaa Qiimo lagu sheegay 4-Milyan oo Pfund ah.
Xiddigahaan oo mudada sidaas u dheer u ciyaarayey kooxda weeyn ee Manchester United ayaa Canal Plus waxa uu soo bandhigay Saaxiibtinimadooda baaxada weeyn iyo qaabkii eey isku fahmi jireen xiligii eey is barteen ilaa hada. Muuqaalo aad u Qosol badnaa oo Canal Plus uu soo bandhigay ayaa wexeey muujinaayeen ciyaartooydaan oo Gacmaha iskala hadlaayo ama sidii Dhagoolkii wax isku fahamsiinaayo maadaama la sheegay in labada Xiddigba eey aad ugu adkeed ku hadlista Luuqada English-ka.
Patrice Evra & Ji-Sung Park ayaa waxaa la sheegay ilaa hada ineey yihiin Saaxiibo qaali ah oo inta badan isku raaca meelaha muhiimka ah sida Dukaamada dharka, Xafladaha Parts-ka ah iyo Meelaha laga casumo ama lagu Caweeyo . Sidoo kale Ji-Sung Park ayaa 2-jeer Patrice Evra u raacay Magaalada Monaco ee dalka Faransiiska halka Patrice Evra uu qudhiisa marti qaad dhanka South Korea ah ka helay saaxiibkiisa Ji-Sung Park .
Xiddigahaan oo in mudo ah Gacmaha wax isku fahamsiin jiray ayaa Canal Plus waxa uu hada soo bandhigay iyaga oo iskula hadlaayo iskuna fahamsiinaayo Luuqada English-ka madaama labadoodaba eey English-ka Koorso u mareen xoogana saareen sidii eey ugu hadli lahaayeen waxaana taas ka sii caawisay iyaga oo jooga Dalka Ingiriiska oo ah halkii Luuqada English-ka soo maaxatay.