Garoonka kooxda Arsenal ee Emirates Stadium oo lagu kala cararay , Kulankii Chelsea Vs Man Utd oo la baajiyey kooxda Inter oo qaaday Koobkii International - Club World Cup iyo Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Garoonka weeyn ee kooxda Arsenal Emirates Stadium ayaa lagu kala cararay ka dib markii uu Baraf aad u tiro badan jiho kaste uga yimid.
Kooxda Arsenal oo la ciyaari leheed Naadiga Stoke City ayaa kulankaas waxaa si deg deg ah ku mabnuucay xiriirka kubada cagta ee dalka Ingiriiska ka dib Barafka oo si aan la fileeyn garoonka u buux dhaafiyey iyo Qaboowga oo gaaray halkii ugu sareeysay Sanadkaan waxaana war bixinta Telefishinada dalka England sheegayaan in Barafka ilaa beri uu gaari doono wax ka badan 25 cm.
Waxaa kaloo baaqday oo la diiday in la ciyaaro kulankii adkaa ee dhex mari lahaa Kooxaha Fc Liverpool Vs Fulham oo ku wada ciyaari lahaa Garoonka kooxda Liverpool eeAnfield Road. Kulankaan ayaa xiiso gooni ah lahaa maadaama Roy Hodgson oo ah Macalinkii hore ee kooxda Fulham geeyey Finaalaha Europa League Ex Jabhadii Uefa Cup-ka uu hada Tababare u yahay kooxda Liverpool. Waxaa kaloo isna baaqday kulankii dhex mari lahaa kooxaha Birmingham Vs Newcastle & Wigan Vs Aston Villa halka laga ciyaaray labo kulan oo kaliyah kuwaas oo kala ahaa Sunderland Vs Bolton 1-0 & Blackburn vs West Ham 1-1. Ciyaarta ugu adag ee Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa beri Cagaha iska Tumi lahaa kooxaha waa weeyn ee Horyaalkaas waa Fc Chelsea Vs Man Utd waxaa iyana sidoo kale banaday kulankaas xiisaha badan Jawiga iyo Barafka buuxiyey Garoomada Ingiriiska.
*** Kooxada Inter ee Horyaalka Talyaaniga ayaa waxa eey qaaday International Club World Cup oo loo dhigo kooxaha Qaaradaha Addunka ee Koobabka Qaaradahooda ku soo guuleeysta. Inter Milan wexeey Ciyaartii Finalka oo ka dhacday wadanka isku taga Imaaraadka carabta 3-0 ku tuntay kooxda TB Mazembe oo ka socotay Qaarada Africa gaar ahaa dalka Kongo. Goolasha Inter ayaa waxaa u kala saxiixay Samuel Eto´o, Goran Pandev iyo Biabiany. Halkaan ka Daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=6NUJ0W87ygE
*** Ka dib markii lagu dhawaaqay isku aadkii koobka Champions League iskuna dhaceen kooxaha Bayern Munchen Vs Inter Milan ayaa waxaa Iskoor cusub jabshay Taageerayaasha kooxda Fc Bayern Munchen oo 6-Saacdood ka dib xiligii Qori tuurkaas la sameeyey goostay Tikitkii lagu geli lahaa ciyaartaas oo lagu wado ineey dhacdo 15-ka Maarso 2011 kana dhacdo garoonka weeyn ee kooxda Bayern Munchen A.Arina.
66.000 oo Taageere ayaa Tikidhadaas ku yaacday wexeeyna inta badan ka goosteen Online-ka Qadka Internetka oo uu Diyaar ku ahaa Tkitkaas maadaama Taageerayaasha eey sugayeen mid uun Ac Milan ama Inter Milan. *** Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid iyo Qaranka Spain Raul Gonzalez ayaa ka yaabsaday galabta kooxda Fc Koln oo uu u Ciyaaro weeraryahanka Qaranka Germany Lukas Podolski. Raul ayaa 3-gool oo xiriir ah u dhaliyey kooxdiisa cusub ee Fc Schalke wuxuuna sidaas ku yeeshay Horyaalkaan guud ahaan 9-gool. Goolasha Raul ayaa labo ka mid ah waxa eey ahaayeen Madax uu ka dul kacay Difaacyo aad uga dhaadheer iyo goolka kale oo ahaa nuuca eey Soomaalida u taqaan Biriqda Usha ah (xiliyada eey kubada dhulka taaban ee la sii qabadsiiyo Shuutka). Halkaan ka Daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=pAF311c6F9E
FILO GOOW DHAW WARAR SPORT OO TOP NEWS AH IYO MUUQAALO KALA DUWAN.