Waxaanu halkaan idinkugu heeynaa war bixin dheer oo maqal iyo Muuqaal ah kuna saabsan kulamadii adkaa ee dhex maray inta badan wadamada waa weeyn ee looga dambeeyo ciyaaraha kubaa cagta. Hadaanu ku hor marno kulankii Caalamiga ahaa ee dhexmary Laacibiinta ka taliya mudooyinkaan dambe Maslaxa kubada cagta ee Caalamka waa Lionel AndreasMessi Cuccitini iyo Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro oo kala hogaaminaayey wadamada Argentina Vs Portugal oo mudo aad u fog aanan wax kulan ka fool ka fool ah iskaga hor imaan .
Ciyaarta Argentina Vs Portugaal oo Saxaafada Sportiga ee caalamka ugu magac dartay Yaa badin doona Leo Messi Vs C.Ronaldo oo xarash weeyn isku haayo maadaama labadaan xiddig meelo badan iskaga dhegan yihiin sida Gooldhalinta La Liga & Horyaalka Spain.
Ciyaartaan Xiisaha badneed ayaa waxaa afka ciida loo daray Ciidamadii uu hogaaminaayey Halyey Cristiano Ronaldo oo mudooyinkaan dambe Leo Messi Laf dhuun gashay ku noqday. kulankaan oo ka dhacay magaalada Geneva ayaa waxaa 2-1 ku badisay Argentina waxaana goolasha u kala dhaliyey Laacibiinta kala ah Angel di Maria oo u ciyaara kooxda Calaktikos Real Madrid daqiiqadii 14-aad waxaase bareejeeyey oo ka naxsaday Qaranka Argentina Laacib Cristiano Ronaldo oo goolka Bareejada ahaa dhaliyey Daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta. Dhamaadkii ciyaarta oo labada kooxood eey isku daaleen ayaa waxaa Rigoore Nasiib ah loo dhigay Argentina waxaana daqiiqadii 90-aad sidii la filaayey u gamay Leo Messi oo ka naxsaday Ciidamadiii eey hor kacayeen Luis Nani & Cristiano Ronaldo : Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=eC8kikH9s6E&feature=player_embedded.
*** Xulka Qaranka Diiqa Reer France ayaa wexeey iska barteen Laacibiinta Qaranka Brazil ineey markasta Jooga ka ridaan una diidaan ineey wax dhibco ah ka qaadaan Qaranka France. Brazil ayaa Guul eey ka gaarto Laacibiinta reer France waxaa ugu dambeeysay 1992-dii xiligaas oo Brazil France uga badisay 0-2 ciyaar ka dhacday Magaalada Paris ee xarunta dalka France waana mudo hada laga joogo 19-sano.
Wixii intaas ka dambeeyey Brazil waxaa laga reebi jiray kulamada caalamiga ah sida World Cup 1998-dii France Vs Brazil 3-0 Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=QZqp5m-NMaQ.
Ciyaartaan adag ee dhex martay labadaan kooxood ayaa wexeey ka dhacday Garoonka weeyn ee Stade de France waxaana 1-0 ku badisay France oo uu Goolka u saxiixay Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee asalkiisu ka soo jeedo dalka Aljeeriya Karim Benzema daqiiqadii 54-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=teE-Y0J_0d8.
Waxaa in la xuso mudan Qaranka France oo Laacibiintiisa Caalamka ama horyaalada ugu adag Qaarada Yurub Cel celis yihiin ayaa mudo aad u fog ilaa uu Qarankaas ka fadhiistay Laacib Zinadine Zidane waxaa heeysatay Tababare la´aan iyo Qilaaf baaxad weeyn oo kooxda dhexdeeda ah inkastoo hada eey heleen Macalin Qabiir ah oo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay dhamaan 5-tii kulan oo eey safteen wada badiyey waana Tababare Laurent Blanc.
*** Xulka Qaranka England oo dunida looga yaqaan Three Lions ayaa wexeey la soo baxeen Awood cusub iyo ciyaar aad loo jecleeystay qaabkeeda. England oo marti u eheed Qaranka Denmark ayaa waxaa gool uga naxsaday Xiddiga kooxda Fc Liverpool Daniel Agger daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta qeeybteeda hore. Ciyaartaan oo ka dhacday magaalada Kopenhagen ayaa waxaa 1-1 ka dhigay Weeraryahanka Sharta ah ee dhawaan eey soo iibsatay kooxda Aston Villa Laacib Darren Bent daqiiqadii 11-aad ee isla ciyaarta qeeybteedii hore.
Xiddiga Garoonka ayaa waxaa loo aqoonsaday Laacibka kooxda Arsenal Theo James Walcott oo Qaranka Denmark eey celin waayeen halka weeraryahan Wayne Mark Rooney eey si weeyn uga taalay waxaana yaraa dhaq dhaqaaqiisa ciyaareed taas oo sababtay inuu Siibo ama badalo Macalin Fabio Capello oo ciyaarta soo galiyey Ashley Young oo Akhiritaankii sababay inuu goolka guusha ka xareeyo Qaranka Denmark daqiiqadii 68-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarata >>> http://www.youtube.com/watch?v=DJbh17PMlto.
*** Xulka heeysta koobka Addunka iyo kan Qaramada Yurub ayaa 1-0 nasiib ah wexeey daqiiqadii 86-aad isaga reebeen Qaranka Kolombia waxaana Spain goolkaas u saxiixay Laacibka kooxda Man City David Silva : Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=qN8TZ7-uMbg.
*** Ciyaarta ugu Daawashada iyo xiisaha badneed ayaa eheed midii dhex martay dalalka Germany Vs Italy marka laga reebo Ciyaartii eey hilfaha isku qaadeen Messi Vs C.Ronaldo. Jarmalka oo u ciil qabay Qaranka Talyaaniga ee Azura Blues maadaama eey 2006-dii u aqoonsadeen ineey qaadaan koobkii Adduunka oo xiligaas lagu qabtay isla dalka Germany .
Halkaan ka Daawo Ciyaartii eey Talyaaniga Dhulka la jareen Qaranka Germany oo xiligaas isa siiyey ineey qaadi doonaan World Cup 2006 oo gurigooda lagu qabtay >>> http://www.youtube.com/watch?v=uypiQrVY2Iw.
Ciyaartaan oo ka dhacday isla Garoonka magaalada Dortmond oo ah halkii eey Talyaaniga ku saqiir suujiyeen 2006-kii Qaranka Germany ayaa markaan waxaa goolka la hormaray Qaranka Germany oo uu u saxiixay Weeraryahan kooxda Fc Bayern Munchen Miroslav Klose balse waxaa bareejeeyey Xiddiga da´da yar ee u ciyaara kooxda Villareall Giuseppe Rossi . Xiddiga eey celin waayeen Qaranka Talyaaniga ayaa ahaa Laacibka kooxda Real Madrid Mesut Ozil.
Macalinka Qaranka Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa amaan balaaran u soo jeediyey Ciyaartooyda kooxdiisa maadaama eey iska dhiciyeen Jarmalka oo doonayey ineey si weeyn uga aar gutaan Talyaaniga oo eey xarashkii 2006-ka u hayeen . Halkaan ka Daawo ciyaarta oo eey soo camireen 60.000 oo Daawadayaal ah >>> http://www.youtube.com/watch?v=3C2d996CW24.
*** Xulka Qaranka Holland ee Orange ayaa 3-1 iskaga reebay Qaranka Austria ciyaar ka dhacday garoonka magaalada Eindhoven. Goolasha Niederland waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Sneijder (28.), Huntelaar (48.), Kuyt (70./Rigoore) iyo Goolka Austria oo isna Rigoore ahaa ayaa waxaa u saxiixay Mark Arnautovic (84). Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=sNcVTyItijk .
*** Kulamadii kale ee dhacay ayaa waxaa ugu xiiso badanaa kuwaan :
Turkey Vs South Korea 0-0 Sweden Vs Ukraine 1-1 Norway Vs Poland 0-1 wexeey ka dhacday dalka Portugal. Iiran Vs Russia 1-0 wexeey ka dhacday Dubai (VAE). Belguim Vs Finland 1-1. Ghana vs Togo 4-1. Waxaa goolasha Ghana u kala saxiixay Adiyiah (7.), Mensah (62.), Inkoom (82. iyo goolka kale oo ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyey ciyaaryahan Akakpo . Ciyaarta labadaan dal ayaa wexeey isku balan sadeen oo eey ka dhacday Magaalada Antwerpen ee dalka Belguim-ka. Qaranka Ivory Coast wexeey 1-0 uga badiyeen laacibiinta Maali waxaana goolkaas u dhaliyey Xiddiga Hanover Ya Konan : Ciyaarta labadaan Qaran wexeey ka dhacday oo eey isku balansadeen Magaalada Valence ee dalka France.
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah +La Yaab iyo Ku biiri Aqoontaada Sport !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!