Amaanka Magaalada Muqdisho oo aad u soo wanaagsanaaday iyo Dhalinyaradii Xaafadaha oo bilaabay ineey si Nabad ah Ciyaaraha ugu daawadaan Goobaha lagu Caweeyo ilaa Saqdii dhexe ee Habeenka.
Magaalada Muqdisho Bilahaan dambe wexeey ku jirtaa Jawai aad u wanaagsan oo si weeyn uga badalan kii ay ku jiri jirtay Xiliyadii Duqeeynta iyo Madaafiicda la la dhici jiray Shacabka marasta ah.
Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaa seey tahay u Shiday Dhalinyarada Taageera Ciyaaraha Kubada cagta kuwaas oo Buuqooda ilaa Saqdii dhexe laga maqlo Gidaarada ama goobaha lagu Caweeyo ee inta badan marka ay Ciyaaraha soo dhamaadaan lagu Kaftamo.
Dhalinyaradaan waxaa horay uga inkaarsaday Ururka Al Shabaab oo Albaabada iskugu dhuftay Goobihii Ciyaaraha lagu daawan jiray intooda badan halka Qaar kale ay la beegsadeen Qaraxyo lagu haligay Dhalinyaro badan oo reero Sport ah kuwaas oo ku mashquulsanaa kala Taageerida kooxaha Caalamka ugu caansan.
Magaalada Muqdisho Bilihii ugu dambeeyey kama jiraan Madaaficdii sida indho la aanta ah la iskugu garaaci jiray waxaana Xaafadaha magaalada intooda badan laga xabaalay Godod dhaadheer oo ay goobahaas Maleeshiyaadkii Shabaab ka qoteen kuwaas oo kaga gaashaaman jiray Taangiyada Amisom.
Inta badan Shacabkii horay uga qaxay Magaalada Muqdisho ayaa dib Guryahooda ugu soo laabtay waxaana Furan oo dib boorka looga jafay Goobihii ganacsiga oo mudo dhoor sano ah ay Dhir keeyn/Jiq ah ka dhex baxday.(Alloow Nabada soo Daji).
Wadooyinka waxaad ku arkeeysaa Gawaari aad u qur qurxoon oo ay wataan Shacab dib uga soo laabtay Wadamada Qurbaha kuwaas oo Ganacsi kala duwan ka bilaabay Suuqyada magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.