Tan iyo ka bixitaankii ururka Al Shabaab ee magaalada Muqdisho waxaa yaraaday Dagaaladii sida tooska ah u dhici jiray waxaana sidoo kale dhagaha Shacabka magaalada Muqdisho ka sii dhamaanaya Duqeeymihii faraha badnaa iyo Madaafiicdii Saacad walba la isku duqeeyn jiray .
Arintaas waxaa sabab looga dhigay magaalada Muqdisho ma wada joogaan labo awood oo si toos ah iskugu duqeeysa marka laga reebo Qaraxyada ay geeystaan dadka naftood huryaasha ah ee ka yimaada dhanka xarakada Al Shabaab.
Shacabka Muqdisho oo dhagahooda aad moodid ineey ka daaleen Madaafiicda Pm-ka ah iyo kuwo Taangiyada ayaa Bilihii ugu dambeeyey wexeey Camireen ama dib boorka uga jafeen goobihii ganacsiga ee ku xirmay Duqeeymihii ahliga ahaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho maalin kasta.
Bishaan lagu jiro gudaheeda waxaa Waalidiinta Soomaaliyeed kuwooda ku nool magaalada Muqdisho ku soo kordhay wel wel cusub iyo cabsi ay ka qabaan in Caruurtooda si kama ah loo toogto maadaama Suuqyada magaalada Muqdisho lagu dhex beecinaayo Baaruud halis ah oo dhawaq dheer.
Inta badan Suuqyada magaalada Muqdisho waxaa la soo galiyey Baaruuda ridada dheer ee Sawaariiqda loo yaqaan taas oo loogu tala galay Dabaaldegyada Sanadka cusub ee ka dhaca badanaa dalalka Nabada ah (Happy New Year-ka).
Baaruudaan ama Sawaariiqdaan oo dhawaaq xoogan xambaarsan wexeey la socotay Alaabaha Bagaashka ah ee laga keeno Wadamada Carabta iyo qaar kale oo ku kala yaalada dalalka Asia sida Indonesia iyo China.
Caruurta oo biloowday ineey Baaruudaan Sawaariiqda u sameeysan ka tuuraan Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa Shaki ku jirin ineey halis weeyn tahay Xiliyada ay Wadooyinka marayaan gawaarida Ciidamada Amisom iyo kuwo Dawlada oo u qaata inta badan Qaraxyo la la beegsan rabo kuwaas oo ku sigta ineey Rasaas afarta jiho u furaan.
Baaruudaan cusub ayaa goobaha ama Suuqyada lagu kala iibsanaayo waxaa ka mid ah Suuqa weeyn ee Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Madina, Xamar Weyne,Kaaraan iyo kuwo kale oo aad u fara badan.