Al Shabaab waxaa qabsatay Cuqubada Dhalinyaradii eey u diideen ineey si Sharaf leh ku daawadaan Horyaalada Caalamka,* Dhalinyaradii laga hor istaagay Daawashada Ciyaaraha Caalamiga ah Maanta Magaalada Muqdisho Dabaal deg ayeey ku jiraan ,*La wareegida Ciidamada Dawlada ee Magaalada Muqdisho iyo Saadaasha Xaqiiqada xigi doonta Maalmaha soo socda !! (18-Qodob: Laba daran mid dooro, yuu markaan Dagaalka u daran yahay?) !!
Walee maanta waxaa Damaashaad balaaran ku jiro Dhalinyaradii Masaakiinta eheed ee loo diiday ama laga du dumiyey Bartii eey Ciyaaraha Caalamiga ah ka daawan jireen. Dhalinyaradaan qaarkood wexeey iloobeen halka la kala maraayo Horyaalada Caalamka.
Dunida oo idil ma jirto meel Daawashada Ciyaaraha laga mabnuucay xitaa Dalalka Sharciyada Islaamka ah eey ka jiraan sida Sacuudi Carabiya iyo Iiraan. Madax ka tirsan Xarakada Shabaab waxaa afkooda laga hayaa Ciyaaraha Caalamiga ah waa Xaaraan.
Bal waa yaabee Ciyaar la daawado maxaa laga mabnuucaa iyo Dhalinyaro si nabad ah isku abaabushay oo dhanka Sportiga u jeesatay. Dalalka hor maray ee Caalamka wexeey ubadkooda ku mashquuliyaan Sportiga si eey Nabad u helaan dadkana xiliyada Firaaqada u mashquulaan. Hadaba ugu dambeentii Bahda Sportiga ee Xiriiriye.com wexeey soo dhaweenayaan Nolasha Cusub ee la daristay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho: Waxaanu leenahay Farxad iyo Xoriyad ku Daawada Horyaalada Caalamka Rabina ha idinka dul qaado Dagaalada ahliga ah iyo Cid kastoo Sportiga cadaw ku ah !!
Dhanka kale Barnaamishka Mucjisooyinka Caamaka waxaanu maanta ku soo qaadaneeynaa Arimaha Soomaliya iyo 18 Qodob oo Xul ah weliba waxa laga yaabaa ineey dhacaan Xiliyada soo socda (Saadaal buuxda) : !!
La wareegida Ciidamada Dawlada ee Magaalada Muqdisho iyo Saadaasha Xaqiiqada xigi doonta Maalmaha soo socda !! (18-Qodob: Laba daran mid dooro, yuu markaan Dagaalka u daran yahay?) !!
Ka dib la wareegida Ciidamada Dawlada ee Magaalada Muqdisho ayaa durbadiiba Dad badan wexeey sawirteen arimo badan oo macquul ah weliba dhici doono maalmaha ama Saacadaha soo socda.
1-Xarakada Shabaab wexeey aaminsan yihiin in wixii ka baxsan Magaalada Muqdisho eey iska dhicin karaan Miinooyin-na u adeegsan karaan Taagiyada Tirada badan ee Ciidamada AMISOM.
2-Shabaabka wexeey kaloo Aaminsan yihiin Dagaal Duureedka ama wixii Muqdisha ka baxsan in Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM eeysan Dhimasho rabin Dagaal dambana ku soo deg degi doonin.
3-Ka bixitaanka Saraakiisha & Ciidamada Shabaab ee Magaalada Muqdisho wexeey fursad weeyn u noqon doontaa Ciidamada AMISOM oo Hub culus wata iyo Diyaaradaha Mareykanka oo kor ka hagi doona.
4-Horay waxaa loo yiri Dagaal Magaalo Guul weey adag tahay si loogu kala gaaro laakiin Xaalada hada waa Banaanka iyo Hub culus waxaana yaraan doona Qasaarihii soo gaari jiray maalin walba Shacabka Soomaaliyeed.
5-Shabaab wexeey sheegeen ineey badaleen Kaartadii Dagaal waxaana iska cad oo dhici doonta maalmaha soo socda ineey Xiliyada habeenka ah Dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah sameeyn doonaan.
6-Jabka Shabaab Ciidamada Dawlada kama hari doonaan oo waxaa iyana dhici doonta in Magaalooyinka eey ku harsan yihiin Shabaabka looga daba tago.
7-Gobolada dhexe waxaa ka bilaaban doona Dagaalo sidoo kale eey soo qaadi doonaan Culumada Ahlu Sunna Waljameeca oo Xarash u haayo Shabaabka maadaama eey Qabriyo la siyaarto horay uga Jajabiyeen.
8-Waxaa dhici doonta kooxo cusub oo iyagana hubka qaata maadaama xiligii hore eey aaminsanaayeen inaan Xarakada Shabaab la iska dhicin karin.
9-Shabaabka wexeey Miinooyinka meelaha fog fog laga hago u is ticmaali doonaan Ciidamada AMISOM sida Xiliyadii Ciidamada Itoobbiya.
10-Raadiyaashii heesaha laga joojiyey, Shineemooyinkii Ciyaaraha ee la xiray gebi ahaanba hawada ayeey ku soo laaban doonaan.
11-Shabaabka wexeey soo adeegsan doonaan Dadka is Qarxiya ee naftooda haliga kuwaas oo laga soo dhaadhiciyey in Awoodoodii la wiiqay.
12-Hay´adaha Caalamiga ah iyo Wariyaasha Caalamka wexeey Saacadaha ama Maalmaha soo socda ku soo badan doonaan Magaalada Muqdisho.
13-Shabaabka wexeey isku dayi doonaan ineey si hoose u Qaarajiyeen xilyada Habeenka ah dadka Magaca leh ee sida weeyn u Taageersan Dawlada kmg.
14-Dawlada wexeey Kaalmooyin balaaran ka heli Doontaa Caalamka gaar ahaan UN-ta iyo Eu-da maadaama Magaalada Muqdisho eey xoreeysay hal xukuna uu ka jiro.
15-Waxaa soo bixi doona Hogaamiyo Koxeedyo Dawlada soo hunguriyeeyo oo weliba dhib ka daba qaata iyo Qilaaf Dawlada dhexdeeda ah.
16-Waxaa magaalada muqdisho ku soo laaban doona Dad badan oo horay uga qaxay kuwaas oo hada ku sugan Nawaaxigeeda.
17-Waxaa badan doonta Halista Hubka Qarxa ee weli yaala Goobihii eey Shabaabka ka baxeen & Furumihii u dhaxeeyey Labada Ciidan
18- Ugu dambeentii sidoo kale waxaa dhici doonta Qilaaf iyo Shaki balaaran oo soo kala dhex gala madaxda ugu sareeysa Shabaabka maadaama eey qaar ka mid ah soo Faaruqiyeen Magaalada Muqdisho oo ah halkii ugu wanaagsaneed ee dhaqaalaha xoogan uu ka soo gali jiray.