Saadaal : Dalka Somalia oo Guud ahaan eey ka dhici doonto Nabad balaaran & Magaalada Muqdisho oo si Wacan u Camirmi doonto (Sababta,Qodobada & Rajada Sawirka Halkaan ka Akhri) !
Taariikh ahaan Dadka Soomaaliyeed ayaa 92% waxaa la isku raacay ineey yihiin Qoomiyad Jecel dhanka Shaqada ama wax soo saarista. Bal Akhristoow arag meelaha eey u Qaxeen Dadka Soomaaliyeed iyo sida La Yaabka ah ee uu u kala socdo Ganacsigooda.
Masiibada ebid ugu xumeeyd inta Taariikhda la ogyahay ee ku habstay Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay Dagaalada Ahliga ah ee aanan ujeedada laheeyn iyo kala dambeeyn la aanta la soo daristay Shacabka Soomaaliyeed.
Baahida ugu weeyn ee Dadka Soomaaliyeed eey qabaan ama rabaan ayaa ah Xarafka NABAD. Balaayada ugu balaaran ee ka dhamaan la Shacabka Soomaaliyeed dhibaato weeyna u geeystay ayaa waxa uu yahay Xarafka DAGAAL.
Caalamka wadan uusan Dagaal sokeeye iyo Duqeeyn ka dhicin weey yartahay balse Shacabka Soomaaliyeed waxaa midaas u sii dheer oo Marxalada sii adkeey ama waqti dheer ka dhigay waa Hubkii oo Shacabka gacanta u galay. Dalalka Somalia dariska la ah sida Itoobiya iyo Keenya wexeey ku sigteen dhoor jeer Dagaalo sokeeye oo Ahli ah balse ma jirin wax Hub ah oo Shacabka dalalkaas gacanta u galay (Xarafka Nasiib).
Dawladaha Maanta wadamada Yurub ugu Qanisan wexeey intooda badan soo mareen Dagaalo kulul waxaana maanta Taariikh ahaan lagu arkaa Buugaagtooda in xiliyadii eey ku jireen Dagaalkii Adduunka ama mid kaleba ineey Nafta tusi jirtay cunista Bisadaha iyo Eeyaha oo xiligaas loo arkay mida kaliyah ee looga bad baadi karay Gaajadii ka dilaacday Dagaaladii sokeeye ee soo maray Dalalkaas.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku jira qaar badan oo weli ka Niyad jabsan Marxaladaha iyo is daba yaaca Cooladaha aan dhamaadka laheeyn. Qabiirada dhanka Taariikhda Somalia sida weeyn ula socda wexeey qabaan hadii dalka Somalia Nabad oo kaliyah uu Rabi dul dhigo ineey noqon doonto Soomaliya meel Qani ah oo Dunida looga soo shaqo tago xag Ganacsi & xag Nololba.
1-Dadka Somaaliyeed Yar & Saqiirba ineey Shaqeeystaan ayeey jecel yihiin. 2-Dhanka Ganacsiga & Wax soo saarka aad ayeey ugu wanaagsan yihiin. 3-Waa Dad jecel hadeey Nidaam & kala dambeeyn helaan ineey Bixiyaan Caanshuuraha dalkooda. 4-Colaad Dhib & Qaxar badan ayeey soo arkeen balse markaan Nabad & wada Noolaansho ayeey xooga saari doonaan. 5-Waxaa jiro Soomaali badan oo Dibadaha u qaxay kuwaas oo Dalalkii eey degnaayeen Xirfado & Macluumaad fara badan ku soo bartay wexeeyna la yihiin Jaanis eey Dadkooda iyo Dalkooda wax ugu qabtaan maadaama Xabad iyo Colaad darteed eeysan dalkooda Hooyo tagi karin. 6-Waxaa dalka Dib ugu soo laaban doona Taajiriin iyo Maalqabeeno badan oo raba mar uun ineey arkaan dalkooda oo Nabad cirka la sabeenaayo. 7-Dadku Sharciga ayeey dhoori doonaan Qofkii qof dilana waa la Dili doonaa kii wax xadana Sharciga ayaa la marsiin doonaa. 8-Dadka wexeey u soo jeesan doonaan Dib u dhiska dalkooda iyo is Cafinta wixii horay u dhacay ama loo kala tabay. 9-Ajaanibta Caalamka Somalia Dalxiis ayeey u imaan doonaan waxaana sidoo kale ka marnaan doonin Jaaniskaas la helay ee Nabada Hay´adaha Caalamiga ah. 10-Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee ugu waa weeyn dalka Somalia waxaa Har & Habeenba shaqeeyn doona Leerka/Korantada, Biyaha iyo Adeegyada guud ee Dawliga ah. 11-Dalka waxaa dib ugu soo noqon doona dhamaan Shacabkii Soomaaliyeed ee u Qaxay wadamada Yurub-ta wexeey ku noolaan doonaan ama qaadan doonaan Mushaar aan ka yareeyn kii eey Barafka iyo Qaboowga saxariirta ugu mari jireen.
12-Ugu dambeentii waxaa Sanadka 2020 Dalkeena Soomaaliyeed u soo shaqo tagi doona Dad u dhashay dalka South Africa oo hada Qala ama Bireeya maalin kasta Dad Soomaaliyeed oo dalkooda Qaxooti ku ah waxaana dhici doonta Sanadka 2020 haduu alle raali ka noqdo in Shacabka Soomaaliyeed eeysan ka aarsan doonin South Africaan-ka maadaama wax kaste eey noqon doonaan Xalay dhalay & Nabad ku Nooloow.
FIIRO GAAR AH : Dadka Soomaaliyeed waa isku Luuqad, isku Laajad, isku Dhaqan iyo Isku Diin waxa ka maqan oo ka dhuuntay ama ka siibatay 1991 waa Xarafka muhiimka ah ee Dunidoo idil kala haga waana NABAD !!!. Waxaa la isku raacay Soomalidu hadeey Nabad iyo kala dambeeyn hesho ineey awoodan Caawinta wadamo badan oo African ah & kuwo Carbeed.
Ra´yi & Riyo Wacan wax kaste Rabi ayaa haya ee Niyadaada Kheyr u sheeg.