Magaalada Muqdisho Vs Dagaal oo markii ugu horeeysay si Live ah u kulmay, Xiriiriye.com oo Garsoore ka noqday, Dagaal oo Ciyaarta Qeeybteedii hore 3-1 ku badiyey. ( Halkaan ka Daawo kana dhageeyso Hanjabaad kulul oo la is dhaafsaday iyo Dagaal oo Kulanka Qosol iyo Jees Jees uga baxay)
Waxaa hadalo kulul is dhaafsaday markii ugu horeeysay Magaalada Muqdisho oo Dagaal uu faro ba´an ku haayo iyo Dagaal oo sheegay inuu ku saxsan yahy inuu Muqdisho labo cad ka dhigo dhibna ka deeyn doonin.
Hadalada labada dhinac eey is dhaafadeen ayaa aad u kululaa inkastoo Murtida hadalada Muqdisho eey u badnaayeen calaacal iyo Tacbaanimo eey ka qaaday dhibaatada uu ku haayo Dagaal. Ciyaarta iyo kulanka labadaan kooxood ayaa waxaad moodaa inuu ku gacan sareeyey Dagaal oo 4-ta Jiho Muqdisho Holac uga shiday dhanka difaaca iyo weerarkana si weeyn u adkeeyey si aan wax gool ah looga dhalin.
Dagaal ayaa ku dooday inuu isaga saxsan yahay oo dhinac kasta uu awood ku leeyahay maadaama uu Muqdisho ku eedeeyey mid iyada dhulka is dhigtay oo eey haboontahay in Dagaal uu Muqdisho ka dhigto meel Bahlo galeen ah oo har iyo Habeenka hadba Kooxo cusub isku duqeeyaan.
Murtida Codkaan iyo miraha ayaa waxaa sameeyey oo ku luuqeenayo Mualifka kooxda Walaalaha Sii Sii Somband ahna Tifaatiraha Xiriiriye.com Cumar Cali Cumar (Omar Sii Sii ) oo ayaan taan Heeso Cusub una badan Wadani ku soo jiitay dhegaha inta badan Bulshada Soomaaliyeed ee xiiseeysa Fanka iyo Wadaniyada.
Muusiga oo eey horay u tuman jirtay Kooxda Walaalaha Sii Sii Somaband ayaa sida qoraalka iyo war bixinta muuqaalka ku cad waxaa heestaan oo kaliyah la wareegay oo Calaacal iyo Tiiraanyo Murugo xambaarsan ka dhigay Clemens von Baeckmann oo garaaco Muusikada calaacalka wuxuuna ka so jeedaa Magaalada Stuttgart ee dalka Germany.
Ugu dambeentii hadalada iyo Kulanka Muqdisho Vs Dagaal qeeybtiisa 1-aad ayaa waxaa 1-3 ku badiyey Dagaal maadaama uu hadalkii Qosol iyo Jees Jees hawada uga baxay Dagaal.
Xiriiriye Sport waxaa ka go´an Nabad, Barwaaqo, Isku keenida umada Soomaaliyeed ee kala Yaacday iyo Kor u qaadista Kalsoonida Sportiga.