Xaafadaha eey dhibaatooyinka ka taagnaayeen ee Magaalada London ayaa markii ugu horeeysay waxaa lagu soo daadiyey Ciidamada Amniga qeeybta kuwa ka hor tago Banaanbaxyada iyo Rabshadaha.
Ciidamadaan ayaa tiradooda lagu sheegay 16.000 oo Qof waxaana sidaas war baahinta ka cadeeyey R/Wasaaraha dalka Ingiriiska Mr.David Cameron. Waxaa la helay Meydkii ugu dambeeyey oo noqday Nin 29-jir ah oo markii la baaray laga waayey cadeeymo muujinaya bal ineey Booliska toogteen iyo in kale. Baaritaan dheer ka dib Maasul u hadlay Booliiska laguna magacaabo Scotland Yard waxa uu cadeeyey in ninkaas uusan ku dhiman gacanta Ciidamada Booliska balse uu siyaabo kale ku geeriyooday.
Sidoo kale marka laga reebo ninkaan 29-jirka ah ee Booliisku heleen Maydkiisa waxaa iyana ka horeeyey oo Rabshadahaan ku geeriyooday Mark Duggan oo ah shaqsigii eey dhibaatadaan ka bilaabay iyo Wiil lagu sheegay 26 sano jir.
Musiibada ugu weeyn ayaa wexeey ka taagan tahay Dukaamo waa weeyn oo Qalab isku nuuc ah gadi jiray kuwaas oo markii eey qarbudaada bilaatay uu qalabkoodii isku darsamay.
Halkaan ka Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyey ee London iyo sida eey xaaladu tahay .
http://www.youtube.com/watch?v=Ndykr-qB8f8
Halkaan ka Daawo Ciidamada Amisom & Kuwa Dawlada oo Dagaal ahaan Nafisay halka Markii hore eey Fadhi ku dirir iyo Difaac oo kaliyah ku ekaayeen (Muqdisho oo gebi ahaanba Burburtay) Inta badan dadka la socda Arimaha Somalia ayaa wexeey weli is weey diinayaan halka eey Ciidamada Dawlada iyo kuwa Amisom Geesinimada iyo Dhul balaarsiga sababay ineey Maalin cad Muqdisho isaga hayaamaan Xoogagii Shabaab ka keeneen.
Sida la wada ogyahay mudo dhoor sano ah waxaa la isku soo kuusi jiray Ciidamada Dawlada iyo kuwa Amisom kuwaas oo ku ekaa kaliyah Duqeeynta Suuqa Bakaaraha iyo Halkii eey is yiraahdaan Madaafiic Hoobiye ayaa idinkaga soo dhacday.
Madaxda Dawlada ayaa wax badan wexeey Shabaab oo mar kasta weerar ku soo ahaa ku mashquulin jireen Nabada Qaata Dagaal Daawlada diyaar uma aha isla xiligaasna Daawlada Ciidamadeeda waxaa loo qaadi jiray Tababaro dhanka Ciidamada ah.
Xiliyadii hore ma jirin meel eey Dawlada ama Amisom weerareen in iyaga la iskugu keeno Villa Soomaalia mooyaane, Ciidanka kaliyah ee Shabaabka weerari jiray dhanka degmada Hodan wexeey ahaayeen Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.
Hadaba Shabaab oo Xabada xanuunkeeda tusay Dawlada iyo Amisom oo mudo diidanaa ineey weerar qaadaan ayaa ugu dambeentii wexeey sababtay ineey Shabaab ku yaacaan uguna tagaan meelihii ugu darnaa ee Hoobiyaasha eey ka soo tuuri jireen sida Stadium Muqdisho, Warshada Baastada ,Suuqa Xoolaha iyo qeeybo ka mid ah degmada Kaaraan .
Muuqaalka Dagaalka Video-gaan waxaan ku arki doontaan Ciidamada Amisom dhoor bil ka hor Dabaqyada dushooda rasaasta ka tuuri jiray iyaga oo Difaac ku ekaa mudo dhoor sano ah iyo hada oo eey fahmeen in Xabad Xabadu dhaamin oo meel kasta eey Dagaal ku tagi karaan. Waxaa sidoo kale daawan doontaa qaabka xabsiga yar loo galiya marka eey qaar ka tirsan Ciidamada Dawlada dhac ama dhib kale geeystaan.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa yaraaday Dhimashada Madaafiicdii tirada badneed ee Shacabka lagu aqseeyn jiray waxaana taas sabab looga dhigay halkii Madaafiicda BM-ka ah lagu tuuri jiray oo eey hada ku sugan yihiin Amisom & Ciidamada Dawlada oo in mudo ah Shabaabka u maleeyn jiray ineeysanba Xabada karin maadaama mar kasta uu weerarka ka imaan jiray Dagaal yahaniinta Shabaab oo hada Awoodoodii la wiiqay.
Halkaan ka Daawo Muqdisho oo gebi ahaanba bur burtay http://www.youtube.com/watch?v=TAi7AIZ4o9M&feature=relmfu