 |
Muntaari |
 |

La Yaab : Saxaafada dalka Mareykanka oo ku kacsan Xiddiga Qaranka Ghana & kooxda Inter Suleyman Ali Muntari . Waa maxay sababta eey ugu kacsan yihiin? (Halkaan ka Daawo Qisada & Dadweeynaha Mareykanka waxa eey iska dhaadhiciyeen) La Yaab waa Barnaamishka ugu kulul ee ka mid ah Barnaamishyada kala duwan ee www.xiriiriye.com aad kala socotaan maalin walba. La Yaab waxa uu daba dhigtaa wararka xasaasiga ah ee dhex mara ciyaartooyda iyo Bulshooyinka kale ee is qilaafa sida Saxaafada, Familka, garsoorayaasha, Tababarayaasha Iwm. Hadaba Tv-ga Sportiga ugu magaca weeyn dalka Mareykanka ee ESPN ayaa waxaa uu cod u qaaday Sawir & Muuqaal xayeesiin ah oo eey sameeyeen Laacibiinta kala ah Suleyman Ali Muntari , Ricardo Kaka, Alexandre Pato, Samuel Eto'o iyo London Donovan. Wariyihii dadka su´aalayey ayaa waxa uu leeyahay : Makula tahay in Qosolka uu afka la qabsaday Suleyman Muntaari uu ula jeeday labadii kulan ee Ghana reebtay xulka kubada cagta ee Mareykanka? Waxaa kaloo Su´aalaha ka mid ahaa : Waa maxay sababta uu Muntaari afka u qabsan waayey markii Kaka, Pato, iyo Eto'o dharka iska siibayeen?. Warkaan oo Jaraidka Sportiga ka faalooda ee dalka Mareykanka intiisa badan qoreen ayaa waxa eey iska dhaadhiciyeen in Suleyman Muntaari ku qoslay oo afka Ceeb la qabsaday markii Laacibka Qaranka Xulka Mareykanka London Donovan uu la soobaxay daba-gaab uu Calankooda ku sawirnaa. Akhristoow waxaa macquul ah dacaayada eey Muntaari ku hayaan Saxaafada Mareykanka maxaa yeelay waxa eey ku heestaan kuma uusan qoslin Markii Pato & Kaka Daba-gaabka qarankooda Brazil la soobaxeen sidoo kale Muntaari afka kama qabsan Daba-Gaabka Samuel Eto'o iyo qaranka Cameroon ee waa maxay sababta uu London Donovan iyo Qaranka Mareykanka u yasay ama afka uga qabsaday?. Su´aashaan waxaan u soo bandhignay Aqristayaasha iyo Bahda Ciyaaraha kubada cagta wax ka fahmi kara ama cod ka dhiiban kara. Sidee kula tahay Dacaayada eey Saxaafada Mareykanka ka Qoreen Suleymaan Muntaari? Ma iyaga ayaa qalad u fahmay? Mise waaba iska cadahay inuu Daba-Gaabkooda Qaranka ku qoslay iyo labadii mar ee Koobka Addunka eey ka reeben?. Lana soco in Jawaabahaan eey dadweynaha Mareykanka All- ESPN (Yes) haa ku codeeyeey iyaga oo ula jeeda Muntaari ula kac ayuu u sameeyey. Halkaan noogu soo dir Fikradaada hoosna ka Daawo labadii mar ee Xulka qaranka Ghana eey dalka Mareykanka ka reebeen Koobka Addunka .xiriiriyesports@hotmail.com. Halkaan ka Daawo Hamido Daramani oo inta World Cup 2006 Mareykanka Gool ka dhaliyo ka dibna ku sujuudaayo Garoonka dhexdiisa, waxaana goolka 2-aad raacsaday Laacib Stephan Abiah: http://www.youtube.com/watch?v=cB8CnbmAAuU&NR=1. Halkaan ka Daawo World Cup 2010 Ghana oo reebtay mar labaad Xulka Mareykanka: http://www.youtube.com/watch?v=ZpdikPhsKb8. NATIIJOOYINKII KULAMADII THE UEFA CHAMPIONS LEAUGUE AYAA KOOXAHA WAXA EEY ISKUGU AWOOD SHEEGTEEN SIDAN. Roma Vs Basel 1-3, Roma ha loo duceeyo. Bayern München Vs CFR Cluj 3-2. Spartak Moscow Vs Chelsea 0-2, Golasha Chelsea waxaa u kala dhaliyey Anelka & Zhirkov . Marseille vs Zilina 1-0. Ajax vs Auxerre 2-1. Real Madrid vs Milan 2-0, Goolsha Real waxaa u kala saxiixay Mesut Özil & Cristiano Ronaldo. Arsenal Vs Shakhtar Donetsk 5-1, Goolasha Arsenal waxaa ku dabaal degay ,Fabrigas, Nasri, Chamakh & Wilshere oo ahaa Ciyaaryahanka kaliyah ee Ingiriis ah oo garoonka ku jiray. Braga Vs Partizan Belgrade 2-0 Faaqidaada Champions League oo daawasho ah iyo weliba faahfaahin dheer filo markii la wada ciyaararo kulamadiisa. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|