Xiriiriye iyo Mucjisooyinka Caalamka :Aabe Dilay Dhamaan Carurtiisii iyo Xaaskiisii ka dibna sameeyey arin la la yaabay (Halkaan ka Daawo Dhibka dhacay)
Magaalada Nantes oo ku taal Koonfurta dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhacay dhib weeyn oo Argagax ku beeray dadka Deegaankaas. Aabe 50-sano Jir ah ayaa waxa uu Dilay 4 ilmood oo uu dhalay iyo Xaaskiisii.
Ilmaha uu Laayey Aabahaan oo Da´dooda lagu sheegay 13-Jir ilaa 21-Jir halka Xaaskiisa ama Hooyada dhashay Caruurtaan eey ka eheed 49-Jir.
Ciidamada Booliiska dalka Faransiiska wexeey xireen dhamaan Xuduudaha dalkaas uu la leeyahay Wadamada kale ee Qaarada Yurub waxaana Fakaday oo baadi goob loogu jiraa Ninkii Falkaan geeystay. Meeydka Caruurtaan & Hooyadood ayaa waxaa laga soo saaray Beer eey ku lahaayeen qeeybta dambe Gurigii eey Qooyskaan ka degnaayeen Magaaada Nantes.
Inta badan dhibaatooyinkaan oo ka dhaca Caalamka ayaa tani wexeey uga duwaneed Aabihii Falkaan geeystay oo aanan is dilin waxaana horay u dhici jirtay marka Fal la mid ah nuucaan uu Qof geeysto inuu isna is Dili jiray inta aan la qaban ama la Maxkamadeeyn. Qisada ka yaabisay Dadkii Daawanayey War baahinta caanka ah ee AFP ayaa wexeey eheed Aabaha geeystay Ficilkaan Foosha xun oo Waraaqado u diray Iskulkii Ilmihiisa eey dhiganayeen wuxuuna Qoraalkiisa ku sheegay in Caruurtiisa eeysan Iskuulka imaan karin oo eey wada Xanuunsanayaan.
2-Isbuuc ka dib ayaa Meeydka Qooyskaan waxaa laga soo saaray halkii uu Aabahaan Naxariista daran ku qariyey wuxuuna Dilkooda u is ticmaalay Hubka aan dhawaaqin marka wax lagu Tooganaayo.