Saqiir yar oo ku dhashay Isbitaalka Moinuddin Memorial Hospital ayaa dhoor jeer ku dhawaaqay Magaca Alle iyo arintaan oo dad badan ay ku waano qaateen (Daawo Mucjisadaan).
Wiil ayaa markii uu dhashay ka dib waxa uu ku dhawaaqy Magaca Alle isaga oo dhoor jeer ku Ciyey Allah Allah Allah wexeeyna arintaan ka dhacday Isbitaalka Moinuddin Memorial Hospital .
Mucjisadaan wexeey waano qaadasho u tahay Dad badan oo arintaan ka Aqristay Wargeeysyada qaarkood iyo kuwii warbaahinta ka daawadayba, waxaana sidoo kale qisadaan ka hadlay Hooyada iyo Aabaha dhalay Wiilkaan oo lagu kala magacaabo Rozena iyo Khoda.
Ma ahan marakii ugu horeeysay oo Mucjiso nuucaan la mid ay ka dhacdo Dunida balse waxaa horay Caalamka uga dhacay Qisooyin kala duwan oo aanu ka xusi karno tii ka dhacay dalka Masar xiligaas oo Nin Qaliin lagu sameenayey Xubnaha jirkiisa laga dhex helay magaca Alle waxaana sidoo kale dalka Jarmalka lagu arkay Dhir ama Geedo Hoowd ah oo qiray Magaca Alle iyaga oo u qormay qaabka Carabi ahaan uu u qoran yahay magaca Alle.