Acuudu Billahi, Qof kastoo Dunidaan ku Nool waa kii Mucjiso arkaa (Halkaan ka Daawo Eey Dadka dhexdooda Kushineeto iskala dhex mushaaxayo weliba laga fujin waayey, yuu Tartan la geli doonaa dhawaan) !
Dalka Mareykanka waxaa ka socda Mucjisooyin aan horay Dunidan loogu arag oo Xayawaanaadka loo is ticmaalaayo.
Maxaa ka mid ah Mucjisooyinkaas, maxaase sababay ineey waqtigaan soo bataan ? .
Waxaa soo baxay Telefishino ku yaal Gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka kuwaas oo dadka Eeyaha wato u qabto Tartamo kala duwan oo lagu helaayo Lacago caqli ka fooq ah oo dadka qaar kiis eey bilaabeen ineey Eeyahooda u fidiyaan Tababaro Cusub.
Hadaba Eeygaan lagu magacaabo Tillman waxaa loogu tagi waayey wadida ama kaxeeynta waxa Soomaali ahaanta loo yaqaan Kushineetada oo inta badan eey ku ciyaaraan Caruurta. Eeygaan Tillman ayaa waxa uu dadka kaga yaabsaday xiliga uu kaxeenaayo Kushineetada isaga oo xiliyada uu rabo inuu soo jiireeyo ama Wado kale ku leexdo waxa uu Afka ku soo qaataa Kushineetadiisa oo lagu tababaray ilaa Yaraantiisii. Tillman waxa uu caan ka noqday Magaalada uu ku nool yahan. Halkaan ka Daawo Wacdaraha Tillman : http://www.youtube.com/watch?v=CQzUsTFqtW0&feature=player_embedded .
Hadaba Tillman waxaa 29-ka Bisha Abril oo fooda inagu soo heeysa Tartan Final ah uu dhex mari doonaa Eey kale oo isna ka socda Magaalada Conton ee dalka Mareykanka kaas oo isna lagu magacaabo Briard.
Tartanka Fiinaalaha ah ee labadaan Eeey ayaa waxaa qaban doona David Letterman Show Tv oo soo daaya Mucjisooyinka iyo Tartamada aan macquulka aheeyn ee laga xiiseeyo dalka Mareykanka.
Eeyga 2-aad ee Briard oo isna Kushineeto nuuc kale ah ku orda ayaa waxa uu ku wadaa mararka qaar hal lug oo kaliyah : Halkaan ka Daawo Briard & Kushineetadiisa http://www.youtube.com/watch?v=C00cNNGbQWM .
Dhanka kale waxaa la Ogeeysiinayaa Bahda Xiriiriye ee ku xiran Barnaamishka Hal Xiraalaha & Aqoon is weeydaarsiga guud in Hal Xiraalihii ugu dambeeyey ee Xiddigii gadaal uga dheganaa Difaaca reer Brazil Mr Juan in Rag badan oo Barnaamishkaan hor boodi jiray eey Beerta ku galeen Su´aalihii. Qaar ka tirsan Aqiyaartaas ayaa waxaa la tagtay Seefta Xiriiriye.com.
Barnaamisha 2-aad ee Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weeydaariga Sportiga ayaa waxa uu soo bixi doonaa Isbuucaan gudihiisa wuxuuna ku saabsan yahay Ciyaaryahan uu Leo Meesi Laad iyo Haraanti Garoonka kaga saaray (Yacni Faol uu geeystay Laacib Messi) U sii Aala miitee Su´aashaas hadaad hadhoow Marmarsiiyo ku gamban doontit. !!
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN :
*** Xulka Qaranka England oo Dunida looga yaqaan (Three Lions) ayaa kulanka Maalinta Talaadada ah kula yeelan doonaan Qaranka Ghaana garoonka weeyn ee Wembley-Stadium oo ku yaal magaalada London waxaa ka maqnaan doona ciyaartooy badan oo muhiim ah sida uu sheegay Macalinkooda Fabio Capello oo Skysport wareeysi siiyey.
Fabio Capello ayaa shaaciyey ineey Ingiriiska ka maqnaan doonaan Kulanka Ghana ciyaartooyda kala ah Wayne Rooney (Manchester United), Michael Dawson (Tottenham Hotspur), Ashley Cole iyo Frank Lampard (labadaba Fc Chelsea) iyo Kyle Walker Aston Villa.
Fabio Capello ayaa la ogeeyn sababta uu Ciyaartooydaan muhiimka ah Kulanka Ghana Nasiinada ugu diray ama xulka uga reebay marka laga reebo iddiga Aston Villa Kyle Walker oo dhaawac ku maqan.
Fabio Capello oo ka yaabsaday Caalamka ayaa waxa uu leeyahay kulanka Ghana waxaa magacaabi doona Kaptan cusub oo uu sheegay ineey noqon doonaan Ciyaartooyda kala ah Steven Gerrard (Fc Liverpool) ama ( Rio Ferdinand) Man Utd.
Kaptanimada Qaranka England oo mudo dheer buuq uu ka taagnaa ayaa isbuucii la soo dhaafay waxa uu Mr. Capello farta ka saaray Difaaca Fc Chelsea John Terry wuxuuna hada doonayaa sida uu Skysport u sheegay inuu ka soo celiyo Terry maadaama uu la kulmay Cadaadis xoogan oo uga yimid Xiriirka iyo maamulka Qaranka Ingiriiska.
*** Kooxda Inter Milan ayaa Qandaraaska u kordhisay Difaaca Qaranka Brazil Mr. Lucio. Warkaan ka soo baxay Naadiga Inter Milan ayaa waxaa sidoo kale qoray Jaraaidka ugu caansan dalka Talyaaniga dhanka Sportiga waa Gazzetta dello Sport.
Lucio oo 32-jir ah ayaa waxa uu saxiixay Qandaraas cusub oo ku eg ilaa 2013-da waxaana iska cad in kooxda Inter eey ka baqday wararkii Isbuucii la soo dhaafay eey qoreen Jaraaidyada ka soo baxa dalka Jarmalka kaas oo ahaa hadii Macalinka Fc Bayern Munchen Mr.Luis Van Gaal uu ka tago kooxda Bayern in Lucio uu jeclaan lahaa inuu dib ugu soo laabto Ex-kooxdiisii hore ee Fc Bayern.
Filo Maanta Barnaamishka La yaab Sport oo xiligaan eey Tarjumis ku socoto iyo Warar kale oo Top News ah .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|