 |
|
 |
Mucjiso2 |
 |

Taageerihii Weeraray Leonel Messi oo Gurigiisa & Jeebkiisa laga helay Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Ciyaaryahan Wayne Rooney oo sheegay ineey qabsatay arin uusan weligiis Nolashiisa ku Riyoon ( Halkaan ka Daawo Labada Mucjiso ee Taariikhda mudan oo kala Qabsatay Messi & Rooney iyo Weliba kulamadii Champion-ka+Wargelin Muhiim ah) !! Ciyaarihii shalay dhacay ee Koobka The Uefa Champions League ayaa waxa eey Mucjiso lama ilaawaan ah ku reebeen inta Taageerta ama Daawato ciyaaraha caalamiga ah ee kubada Cagta gaar ahaan kuwa sida weyn u jecel koobka The Uefa Champions League. Mucjisooyinkaan shalay dhacay ayaa maanta waxa eey isku badaleen ama isku rogeen Wajiyo cusub waxaana ka mid ah Wajiyada cusub ee hada dib ka soo Shaac baxay sidan. Hadaanu ku hormarno Mucjisadii qabsatay Laacibka Qaranka Argentina iyo Kooxda Fc Barcelona Lionel Andres Messi ayaa eheed Taageere Garoonka xoog iyo orod ku soo galay Qeeybtii 2-aad ee Ciyaartii dhex mareeysay kooxaha Panathinaikos Vs FC Barcelona oo ku soo dhamaatay 0-3 inta uu ag yimaado Leonel Messi ka dibna Farta dhexe u taagaayo taas oo dunida ka ah caay inta badana la isku ganaaxo ama Mabnuuc ka ah wadamada Qaarada Yurub. Ninkaan Taageeraha ah oo Ciidamada Amniga ee Garoonka magaalada Athena ee caasimada dalka Giriiga gacanta ku dhigeen isla markiina u dhaadhiciyey Xabsiga dhexe ee magaaladaas ayaa maanta waxa eey soo bandhigeen 2-kiis oo eey la yaabeen Bahda ciyaaraha gaar ahaan Dad weeynihii xiligaas dunida ka daawanayey Tv-ga caanka ah ee Spain ETB SAT. Kiiska 1-aad ayaa waxaa lagu sheegay in Ninkaan uu doonaayey xiligii uu garoonka soo galay ee uu ag yimid Ciyaaryahan Lionel Messi inuu Buumihiisa iyo Funaanada inta u dhaxeeyso geliyo ama korka ka saaro Sawiro la sheegay ineey Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ahaayeen balse uu qal qalay markii dambe maadaama Ciidamo badan oo kuwa amniga ah eey ka soo daba ordeen ilaa uu si weeyn ugu soo dhawaaday ciyaaryahan Messi. Ninkaan oo sadexda dhinac ee Garoonlka laga soo bursaday ayaa fursad u waayey damiciisa ahaa inuu Sawirada Cristiano Ronaldo Funaanada Messi dhex geliyo wuxuuna qirtay dambigiisa iyo Damaciisa sida eey war bixinta sheegeyso. Spain ETB SAT oo ciyaaryahan Lionel Messi la xiriirtay waxna ka weeydiisay arintaan Mucjisada ah ayaa waxa uu Messi sheegay inuu cabsi dareemay xiligaas maadaama Taageere cabsan ama wareersan uu cid kasta Midi gelin karo marba hadii uu soo jiiray Ciidamada Amniga ee Garoonka mana fileen inuu Sawiro Shaqsi kale leeyahay uu Jeebka ii geliyo waxaana cabsi weeyn ka qabay ineey u qarsaneed Midi ama dhalo taas ayaana si weeyn argagax iigu beertay ayuu yiri ciyaaryahan Lionel Messi !! (Sawirka Boga Kore ka fiiri sida uu u cabsaday Messi oo Aaminay in la Dhaawici doono) . Halkaan ka Daawo qaabka iyo sida eey wax u dhaceen : >> http://www.youtube.com/watch?v=ibdOU64FX84&feature=related. Taageerahaan Jalbeeysan ee Jahwareeray una mooday Ciyaaraha kubada cagta mid Dagaal ah ayaa hadii uu taaban lahaa Korka Lionel Messi ama wax ku dhufan lahaa waxa uu muteeysan lahaa 20-sano oo xarig ah sida uu qoraayo Sharciga horyaalka Greece - Super Liga balse hada uu muteeystay 8-sano oo xarig ah iyo Sanooyin la sheegay in laga joojin doono Shaqada waa ruuxii amar la´aan ku soo galo garoon eey ka socoto ciyaar caalami ah. Qisadii iyo Mucjisadii 2-aad ee gashay Taariikhda ciyaaraha kubada cagta ah ayaa qabstay weeraryahanka Qaranka England iyo Kooxda Manchester Utd Wayne Mark Rooney. Weyne Rooney oo mudo dhaawac uga maqnaa kooxdiisa Man Utd ayaa ciyaartii xalay dhexmartay kooxdiisa Manchester Utd vs Glasgow Rangers badal uu ku soo galay waxa eey sababtay inuu Gool Rigoore ah u dhaliyo kooxdiisa Daqiiqadii 87-aad. Weyne Rooney oo caawa la hadlaayey Tv-ga dhanka soo tabinta ciyaaraha kubada cagta ah ku hormaray ee Skysport ayaa isaga oo Qoslaayo waxaa wax laga weey diiyey Xiligii uu Rigooradaas dhaliyey iyo Taageerihii garoonka soo galay ee korka uga seexday Weyne Rooney intii eeysan soo gaariin ciyaartooydii kale ee kooxda ManU oo Rooney soo bursatay iyaga oo doonayey ineey uga mahad celiyaan Guusha uu gaarsiiyey iyo goolka uu saxiixay. Xiligii uu caawa wareeysanaayey Tv-ga Skysport Ciyaaryahan Weyne Rooney ayaa run ahaantii inta badan wareeysiga Qosol uga baxay taas oo la yaab ku noqotay Dadka yaqaano Ciyaaryahan Rooney oo inta badan Laacibnimadiisa eey dhaafiso xanaaq fara badan iyo Seeflaboodnimo wax aan la hubsan ah. Wayne Mark Rooney oo afka gacanta ku heeysto isaga oo saaid u qoslaayey ayaa yiri sidan : " Nolasheeyda ma hilmaami doono arintii xalay aan kala soo kulmay Caasimada wadanka Scotland ee Glasgow maxaa yeelay goolkii aan kooxdeeyda u dhaliyey intii aan Dabaal degaayey waxaan si ilbiriqsi ah ku arkay Taageere korka iga saaran oo ka soo hor maray Ciyaartooydii kale ee Saaxiibadeeyda ahaa waxaana uu noo dhexeeyey aniga iyo Ciyaartooyda kale ilaa uu xitaa kor iila is taagay mana garan karo halka uu sidaas dhaqsiyaha iyo Mucjisada ah uga soo booday maadaama eey adag tahay in qof caadi ah uu deg deg ku soo dhaafo Ciidamada Security-ga garoonka oo inta badan la dagaalamo Taageerayaasha iyo Argagixisada ayuu yiri Weeraryahan Wayne Rooney oo hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey isaga oo aad u qoslaayo sidan : (This was a fantastic) Halkaan ka Daawo Qisada iyo Mucjisada uu sheegay inuusan Nolashiisa hilmaami doonin Ciyaaryahan Wayne Rooney : http://www.youtube.com/watch?v=OQldS9RfOW0&feature=related. War bixinta SkySport ayaa ugu dambeentii waxa eey sheegtay in wadamadii horay uga tirsanaan jiray Dalka England ee kala ah Ireland, Scotland, iyo Wales eey buuxaan Taageerayaasha kooxda Manchester Utd kuwooda ugu xooga badan marka laga reebo Wadamada South Korea, Mexico, Malaysia, Indonesia, Portugal Bulgaria iyo Japan. Taageerahaan ka yaabsaday Bahda ciyaaraha iyo Telefishinada caalamka ee ciyaartaan soo tabinaayey ayaa sida uu qoraayo Sharciga horyaalka Scotland ee (Scotland - Premier League) waxa uu muteeysan doonaa ama muteeystayba in ebid laga mamnuucay inuu si Live-ah u soo galo garoomada caalamiga ah ee ciyaaraha eey ka socdaan mana jirto wax ganaax ah oo la laqsiiyey maadaama uusan dambi kale gelin marka laga reebo isaga oo shumis ku soo salaamay Xiddigii iyo kooxdii uu ifka ugu jeclaa. HALKAAN KA DAAWO KULAMADII CHAMPIONS LEAGUE EE DHACAY XALAY KOWOODII UGU XIISAHA BADNAA (Hoos kala soco Wargelin Muhiim ah) Inter Vs FC Twente 1-0>> http://www.youtube.com/watch?v=XO9GnKziRzg Panathiniakos - Barcelona 0-3>> http://www.youtube.com/watch?v=d7gCV-C-ow0. Tottenham Vs Bremen 3-0 >> http://www.youtube.com/watch?v=pmVGLZF42NQ Schalke Vs Lyon 3-0 >> http://www.youtube.com/watch?v=pLXUEh5EsXY. Rangers Vs ManU -0-1 >> http://www.youtube.com/watch?v=OQldS9RfOW0&feature=related. Valencia Vs Bursa 6-1 >> http://www.youtube.com/watch?v=g-lk90XC2Yc. OGEEYSIIN BAHDA WWW.XIRIIRIYE.COM KU XIRAN : Jawaabtii Hal Xiraalaha Ciyaaryahankii eey Bidaarta Leeftay Shaqo ayaa ku socoto haduu alle raali ka noqdane deg deg ayeey ku soo baxeeysaa. Waxaa kaloo bahda Xiriiriye la Ogeeysiinayaa in Faalo dheer iyo Taariikh kooban aanu ka qori doono Kulanka sida weeyn looga sugaayo Caalamka Dacaladiisa waa El Clasico > Fc Barcelona Vs Real Madrid oo sanadkaan aan aheeyn kulan caadi ah maadaama labada kooxoodba eey si weeyn u adag yihiin tii dhibcaha laga tirsadane eey shaki geli doonto Qaadista Horyaalnimadeeda. Waxa uu Xiriiriye.com idinkugu bishaareeynayaa inaanu qabaneeyno Fikrad uu shaqsi iyo Qabiir kaste codkiisa ku dhiibanaayo cida badineeyso iyo Natiijada eey ku dhamaan doonto Ciyaartaan adag ee dunida laga wada sugi la´yahay ama war heeynteeda uu caalamka midka ugu badan noqday. Waxaa tartankaan tookadaan ka qeeyb qaadan doono dhamaan bahda Xiriiriye.com sida : Agaasimaha, Tifaatiraha, Qoraayaasha, iyo Farsamadaba... Magacaaga oo Sadexan iyo Natiijada eey ku dhamaaneyso ciyaarta noo soo dir hadaad Nasiibloow tahay maadaama Ciyaartaan adag aan la saadaalin karin oo eey aad u adag tahay (Shaqsi kasta oo Qabiir Sport ah waxa uu soo qori karaa 2-2, 5-1, 3-3, 4-0 , 0-2, iyo hadii uu doono 10-10 . Anaga waxaa naga go´an inaan soo gudbino magaca iyo Natiijada uu Aqriste kaste ku sheegay ineey ciyaartaan adag ku dhamaan dooto. Kulankaan Dunida looga yaqaan EL Clasico ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isniinta ah 29-11-10 Saacadu markeey tahay 21:00 waxaana magacyada iyo Natiijada Akhristeyaashii Nasiibkooda iyo Awoodooda Sport tijaabiyey soo bandhigeeynaa hal maalin ka hor inta uusan kulankaan dhicin oo ah Axad 28.11.10...Mar labaad aan idinkugu celiyaa ,Soo sheeg Ciyaarta Barcelona Vs Real Madrid ama Lionel Messi Vs Cristiano Ronaldo inta eey ku dhamaaneeyso waxaana Tartankaan si toos ah uga qeeyb qaadanaayo dhamaan Bahda www.xiriiriye.com Halkaan noogu soo dir Kartidaada iyo Nasiibkaaga Sport >> xiriiriyesports@hotmail.com Magacyada maalinta Axada ahayaan Liis dheer u sameeneynaa Shaqsi kastana waxa uu soo qori karaa sida eey la tahay in ciyaartaan lagu kala bixi doono (Mahadsanidiin) Natiijada aad u maleeyneyso in ciyaartaan eey ku dhamaneyso ugu dambeen waa inaad soo dirta maalinta Axada gelinkeeda si aan liiska Aqristayaasha ka qeeyb qaatay kor u soo saarno. Dhanka kale Barnaamishka La Yaab ayaa maanta ku saabsan Ciyaaryahan caan ah oo maaro looga la´yahay Dhuuqista Nac Naca eey Soomaalida u taqaan Nac Nac Qoriga ...Laacibkaan ayaa Qarankiisa Anshax xumadaan looga reebay xiligii World Cup 2010 wuxuuna hada u ciyaaraa kooxda weeyn ee Real Madrid ... Xiddigaan wexeey dhoor jeer isku dheceen Macalin Jose Morinho oo ah Tababare aad u ad adag oo runta u sheega ciyaartooyda wuxuuna Morinho qaar ka mid ah Tv-yada u sheegay in Xiddigaan hadii uu sii wado Dhuuqista Nac Nac Qoriga xiliga eey kooxda Tababarka leedahay inuu u diri doono guriga hooyadiis ama koox kale oo uu Nac Naca har iyo habeenba ku ag dhuuqi karo.. wuxuuna si caro leh u yiri meesha anaga Tartan ayaan u nimid ee Ciyaal ma nihin....War bixintaan oo Top News ah Filo goor dhaw iyada oo Muuqaalo cadeen ah wadato. Waxaa Diyaariyey oo Tarjumay: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|