|
Mucjisooyinka Ciyaaraha Kubada Cagta :> Weli ma aragtay Goolhaye caan ah oo inta uu Kooxdiisa Gool Rigoore ah u dhaliyey intii uu farxada & Damaashaadka ku jiray Goolkii laga soo aaray? >> Maxaad ka Taqaan Qaabka eey u dhalato Kubada loo yaqaan Kubad-Sheeydaanka (Devil-Ball) Halkaan ka Dawaa Labadaan Mucjiso !! |
Ku biiri Aqoontaada Sport >> Goolhayaha Qaranka Germany & kooxda Fc Bayern Munchen Hans Jörg Butt ayaa waxaa uu ku jiraa Liiska Ciyaartooyda Garoomada kala kulmay labo daran mid dooro.
Jorg Butt ayaa xiligii uu u ciyaraari jiray kooxdiisii hore ee Bayer Liverkusen waxa uu Ciyaar kulul oo dhex martay kooxaha waa weeyn ee Fc Schalke Vs Bayer Liverkusen uu gool Rigoore ah ka dhaliyey kooxda Schalke balse Nasiib daro intii uu deg deg gadaal ugu noqon lahaa ayaa waxa uu galay Farxad iyo Salaan uu Saf balaaran kala maray ciyaartooyda kooxda Liverkusen .
Salaanta iyo Damaashaadka Mr.Butt ayaa wexeey Fursad Qaali ah u noqotay Ciyaartooyda kooxda Fc Schalke oo ku boob siiyey Mr Butt kubadii wexeeyna ka Shuudeen Barta Qadka dhexe ee kala bara ciyaartooyda taas oo ka dhigtay Gool aad u qurux badan. Halkaan ka Daawo Mucjisadaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=PRopvRERXmI&feature=fvwrel.
Qeeybta 2-aad ee Mucjisooyinka Ciyaarta kubada cagta ee maanta Xiriiriye.com idiin diyaariyey ayaa ah Qaabka ama sida eey u dhalato Kubad-Jiniyeedka caalamka looga yaqaan Devil-Ball (Kubad Sheeydaan). Inta badan Banoonigaan ama Kubadan wexeey u dhalata si aan macquul aheeyn maxaa yeelay Laacibiin waa weeyn ayeey wexeey ka dhigtaa Boolo, Goolhayeyaal Qatar ahna wexeey ka dhigtaa Weershe halka Kubad Sheeydaanka eey ka dhigto ciyaartooy aan waligood dhanka gool dhalinta looga baran Laacibiin cel celis ah maadaama Kubad -Sheeydaanka eey Af Soomaali ahaan loola jeedo ama tahay Kubad sarmatay oo meel qalad ah aaday.
Halkaan ka Daawo Mucjisada 2-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=VhorGTP8Gx4
Filo goor dhaw war bixino kala duwan oo Sport News ah iyo Barnaamishka La Yaab oo maanta eey dhinac socdaan Barnaamishyo kale Sida kan Ku Biiri Aqoontaada Sport .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com