***
Dadka Maalintii Shaqeeya oo Bisadaha Guryaha Cidlada ah looga tago Shaqo Wanaagsan u helay & Bisadihii oo Shaqo iyo Raaxo aan horay loo arag galay (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan Cusub)
Dadweeynaha Caalamka ee Shaqeeya Maalintii kuwooda Xanaaneeya Bisadaha ama Mukulaalaha qofba sida uu u yaqaan ayaa wexeey heleen mudooyinkaan dambe Fursado qaali ah oo inta badan eey si wanaagsan uga faaideeysteen.
Dadka Jecel ineey Guryaha ku Xanaaneeystaan Bisadaha ayaa xiliyadii hore wexeey Guryaha oo cidla ah uga tagi jireen Bisadaha oo inta badan sameeya Qarbudaad Qalabka guriga dhex yaala ah.
Mudooyinkaan dambe waxaa Suuqyada Caalamka ku soo badanayey Qalab Casri ah oo Guryaha lagu nadiifiyo kaas oo ku shaqeeya Dhiiga Xayaawaanadka lagu kor fadhiiso sida Bisadaha ama Eeyaha wuxuuna Qalabkaan si wacan u nadiifiyaa dhamaan qeeybaha uu guriga ka kooban yahay.
Qalabkaan oo Batoon la taabto leh ayaa waxaa ku qoran Clean wexeeyna dadka soo iibsada baraan Bisadaha sida loo taabto Batoonka ka dibna waxaa dhaqaaqo Mashinka ama Nadiifiyaha Guryaha oo ku shaqeeya Dhiiga.
Muqaalkaan iyo Qalabkaan casriga ah ayaa waxaad ka daawan doontaa Bisadaha oo Raaxo u arka Shaqada cusub ee loo xilsaaray waxaana iyaga oo dusha sare ka saaran uu ula dhaqaaqaa Qalabkaan cusub dhan kasta oo Nadiifin u baahan.
Waxaa iska cad in eey halkaas ku dhamaatay Dhibaatooyinkii heeystay dadka maalintii Shaqeeya oo badanaa marka eey Galbihii guryahooda dib ugu soo laabtaan la kumi jiray Dhibaatooyin eey sameen jireen Bisadaha oo ku mashquuli jiray Alaabaha ama Qalabka yaala Guryaha.
Halkaan ka Daawo Shaqdaan Cusub ee Bisadaha loo xilsaaray iyo sida eey u raaxeeysanayaan http://www.youtube.com/watch?v=xE8kyQOwoGU&feature=related .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com