Dawlada Turkiga oo Albaabada iskugu dhufatay Safaaradii Israel ee dalkaas ka dibna ka ceeyrisay dalkeeda Safiirkii Isreal u fadhiyey Dalka Turkiga (Halkaan ka Daawo Cadeeynta Fadeexada Israel lagu heeysto)
Dawlada Israel ayaa meer meeris waqti dheer qaatay ka dib wexeey ku guul dareeysatay ineey qanciso mid ka mid ah Quwadaha xiligaan la joogo dhanka Milatariga ugu awooda badan Caalamka.
Isreal ayaa mudo aad u fog wexeey iska ilaalin jirtay ineey Dalka Turkiga isku dhacaan maadaama inta badan dalalka Islaamka ah ee Dunida magaca ku leh eey Xiriirka xili fog u jareen Wadanka Israel oo mar kasta lagu eedeeyo inuu Xasuuq ba´an oo aan geed loogu soo gaban u geeysto Shacabka Reer Falastiin.
Turkiga oo Caalamka intiisa kale garab kaga helay ineey Iseal Qalad weeyn ka gashay ayaa markii ugu horeeysay waxa uu u jaray dalka Isreal Xiriirkii Diplomaasi midkii Dhaqaale iwm. Nika lagu magacaabo Mavi Marmara oo ka socday Qaramada Midoobay (UN-ta) ayaa mudo aad u dheer waxa uu ku dhex jiray loona xilsaaray inuu dhex dhexaadiyo Turkiga & Israel balse hada waxa uu shaaciyey in Isreal eey ka meer meertay kiiskii laga doonayey ineey dhankeeda ka xaliso.
Dawlada Isreal ayaa waxaa lagu heeystaa Dilkii 9-Shaqaale gargaar oo Ciidamada Milatariga dalkeeda eey ku weerareen markab Dushiisa xili 9-kaan qof ee geeriyootay gargaar Beniaadanimo u sideen qaxooti Reer Falastiin ah wexeeyna dhamaantood u dhasheen dalka Turkiga.
Pro.Ahmed Davutoglu oo ah Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Turkiga isaga oo Careeysan waxa uu arinkaan maanta ka yiri sidan: " Fursad 5-bilood ah ayaanu siinay Dawlada Israel ineey jawaab cad oo aan raali galin oo kaliyah aheeyn ka soo bixiso Shaqaalihii eey sida Gardarada ah Ciidamadeeda Milatariga ugu dhex toogteen Markabka dushiisa waxaana hada dhamaaday dul qaadkii Shacabka Turkiga iyo Dawlada Turkiga mana sugi doona Dambiga Isreal gashay inaan ku sii fiirsano ama uga aamusno.
***Baaritaan balaaran oo lagu bilaabay qofkii looga shakiyo inuu Taageere Qaddafi yahay ama uu Qarinaayo Baxsadkii Madaxdii Xukuumada Qaddafi (Halkaan ka Daawo Mucaaradka oo iska dhigaaya Ciidamo Tababaran)
Mucaaradka dalka Liibya ee awooda xukunka uga tuuray Ex-Madaxweeyne Mucamar Al Qaddafi ayaa waxa eey bilaabeen Baaritaan Gawaarida looga Shakiyo ineey qarinayaan Madaxdii kala yaacday ee Xukuumadii Mucamar Al Qaddfi.
Arinta baaritaanka ayaa waxaa soo da dajisay Eedeeymo balaaran oo loo soo jeediyey Mucaaradka dalkaas ka dib markii lagu eedeeyey in inta badan Madaxdii la soo shaqeeysay Mr.Qaddafi eey si fudud ama sahlan uga baxsadeen Caasimada Liibiya ee Tripoli iyaga oo ka faaideeysanaya Mucaaradka oo Tababar ama aqoon Ciidan aan u laheeyn sida dhaq dhaqaaqa loo la socdo.
Dhanka kale weli waxaa socoto oo aan waqtigeeda dhamaan Xabad joojintii loogu baaqay Ciidamada u dagaalamaya weli Mucamar Al Qaddafi kuwaas oo loo qabtay ineey maalmo cayiman isku soo dhiibaan dhamaan hubka eey heeystaana ku soo wareejiyaan.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa hadii eey is dhiibi waayaan Xoogaga Qaddafi ee weli ku harsan Sirte iyo Ben Waalid inuu halkaas ka curto Dagaal lagu riiqmo oo ka darnaan doona kii ka dhacay Caasimada Tripoli maadaama meelaha la isku fara saari soono eey u badnaan doonaan dhul banaan ah oo aan laheeyn meel Xabadaha ama Madaafiicda looga gambado.