Agaasimaha Xiriiriye.com oo Su´aal ka Qoslisay weey diiyey Safiirka u fadhiya dawlada Mareeykanka dalka Norway ,* Muxuu ku Jawaabay Mr.Barry B. White ? (Halkaan ka Daawo oo Filo sidoo kale Warar Top News ah oo uu Xiriiriye .com idiin diyaariyey)
Agaasimaha Xiriiriye.com Hassan Ali Omar (Hassan Tall man) oo ku hadlayey magaca International Somalli Media (InterSom) ayaa wareeysi kula soo sheegay Xafiiskiisa Safiirka Dawlada Mareeykanka u fadhiya dalka Norway Mr.Barry .B Withe.
Wadamo badan oo ku yaal Qaarada Yurub iyo dalka Mareeykanka lagama yaqaan cunista Hilibka Geela bal is ka daa ineey Caanihiisa Cabaane.
Shacab badan oo ku nool Dalalkaas aanu soo sheegay wexeey aaminsan yihiin Geela in la Xanaaneeyo oo kaliyah balse Hilibkiisa aan la cunin.
Safiirka Dawlada Mareeynkanka u fadhiya dalka Norway Mr.Barry B. White ayaa waxaa la weeydiiyey meelaha eey ku kala duwan yihiin Cunto Soomaaliga iyo Cuntada laga cuno dalka Mareeykanka.
The U.S. Embassy In Norway Ambassador Mr.Barry B. White oo ah Shaqsi dalal badan ka soo shaqeeyey ayaa waxa uu ku jawaabay sidan " Dabcan Hilib Geel waan cunay laakiin inaan caano Geel cabay shaki ayaa iiga jira oo ma hubo,,
Siyaasiinta iyo Madaxda dalalka Yurub iyo Mareeykanka waxaa aad ugu yar shaqsiyaadka Cunay Hilibka Geela ama cabay Caanaha Geela marka laga reebo kuwa ka soo shaqeeyey dalalka Somalia iyo Wadamada Carabta.
Halkaan ka Daawo Su´aashaan adag oo ka Qoslisay Mr.Barry B. White http://www.youtube.com/watch?v=A5yEZRWqazc
*** Filo Wax yar ka dib Xiriiriye.com oo idiin diyaariyey Warar Sport oo xiiso gooni ah xambaarsan !