MO Farah oo wacdaro ka dhigay Tartanka Barcelona, 5000m-Gold . ( Halkaan ka Daawo isaga oo la qaban waayey)
Xidiga Soomaaliyeed ee u orda Dalka England Mo Farah ayaa wacdaro ka dhigay Tartanka ka socda Magaalada Barcelona ee wadanka Spain.
Mo farah oo la qaban waayey ayaa waxa uu ku guuleeystay Bilada dahabka ka dib markii uu Rekord ku orday 5000m.
Mo Farah ayaa ah Wiil Soomaaliyeed oo 27-Jir ah waxaana uu Shacbiyad aan horay loo arag iyo Taageero weeyn ku yeeshay Dalka England.
Sawirada Mo Farah ayaa waxaa lagu soo dhajiyey inta badan meelaha Sportiga ama eey iskugu yimaadaan dadka xiiseya oradka.
Halkaan ka daawo Mo Farah oo si xarago leh u badiyey , waana Guushiisii Labaad : http://www.youtube.com/watch?v=cgYUVI4B-fQ
BY: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarjuva9@hotmail.com