La Yaab : Dhicis waan ahay oo 7-Bilood ayaan ku dhashay laakiin waxaan si caadi ah kubada uga qaataa Ciyaartooyda kale ee 9-ka Bilood ku Dhalatay : Sidaas waxaa yiri Luka Modric oo u waramayey Bild Sport* Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa ee Luca Modric iyo Sawir lagu sheegay ineey aad iskugu eg yihiin xiddigii hore Johan Cruyff xiligii uu u ciyaari jiray kooxda Fc Barcelona (Halkaan ka Daawo )
Barnaamishka La Yaab ee ka baxa maalin kasta bogaan xiriiriye.com ayaa maanta waxa uu soo gaba gabeeyey Tarjumistii aan Qalinka u qaadanay ee Qisadii uu ka qoray Luca Modric Jaraidka caanka ah ee Bild Sport oo mar kasta soo bandhiga Mucjisooyinka kala duwan ee Ciyaartooyda.
(War Bixin Tarjuman) Jaraaidka caanka ah ee Bild Sport oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa waxa uu wareeysi Xasaasiyad xambaarsan la yeeshay Xiddiga Qaranka Croatia & Kooxda Tottenham Luca Modric. Jaraaidka ayaa waxa uu war bixinta ku bilaabay sidan :
Luca Modric waxa uu dhashay 9-kii Septembr 1985 wuxuuna ku dhashay magaalada Zadar ee dalka Croatia oo ka mid ahaan jiray wadamadii la isku oran jiray Yugoslavia. Ciyaaryahan Luca Modric waxa uu laf dhabar u yahay oo Qadka dhexe uga ciyaaraa Qaranka Croatia/Karoweeshiya & Kooxda Tottenham oo ka dhisan Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Luca Modric waa ciyaaryahan qaab ahaan markii aad fiiriso ama indhahaaga eey qabtaan kuula ekaanaayo sidii wiil yar oo 16 Jir ama 17-Jir ah.
Luca Modric waa ciyaaryahan aad u Gambis badan waxa uu jecel yahay inuu ugu yaraan 3-Ciyaaryahan Gambis uga taqluuso balse waxa uu sheegay 3 ciyaaryahan oo caan ah ineey inta badan kubada ka dhigtaan ama eey adagtahay sida uu ku dhaafo. : Yaa ka mid ah Ciyaartooydaas sadexda ah Mr Modric ??
" Ciyaartooyda aan Nasiibka u waayey inaan dhaafo waa Alexandre Dimitri Song-Billong oo u ciyaara kooxda Fc Arsenal , Patrice Latyr Evra oo u ciyaara kooxda Man Utd & Ashley Cole oo isna u safta kooxda Fc Chelsea "
: Mr Modric mala socotaa inaad si aad ah ugu egtahay Laacibkii hore ee kooxda Fc Barcelona Mr:Johan Cruyff ?? (Fiiri Sawirka kore oo Bild Sport uu soo bandhigay)
" Haa Dad badan ayaa sidaas igu yiri laakiin hada iskuma ekin oo Johan Cruyff waxa uu wataa waji kale oo ka duwan xiligii uu yaraa !! "
Bild Sport : " War bixino badan waxaan ku maqalnay sida eey qoreen Jaraaidka dalka Croatia inaad tahay Shaqsi ku dhashay 7-Biilood maxaa ka jira Arinkaas ??
Luca Modrid : " Haa waa run 7-Bilood ayaan ku dhashay laakiin waxaan si caadi ah kubada uga qaataa Ciyaartooyda kale ee 9-ka Bilood ku Dhalatay !!!
Akhristoow waxaa iska cad in Ciyaaryahan Luca Modric uu ka xanaaqay Su´aashaas maadaama inta badan Erayga Dhicis ama qofka ku dhasha 7-Bilood uu Qaarada Yurub ka yahay eray ama qof muteeysta inta badan caay la mid ah Qafiif ama qof Dhiman halka dalka somaaliya Erayga Dhicis ama qofka ku dhasha 7-Bilood uusan wax caay ah muteeysan marka laga reebo Dhicis oo kaliyah oo hadaad dib u sii raacdo noqoneeyso qof Dhicisoobay oo Dhashay xiligii uu ilaaheey ugu tala galay ka hor. La Yaab .