La Yaab : Ciyaaryahan Mesut Ozil oo ka yaabsaday dhamaan Ciyaartooyda kooxda Real Madrid iyo Macalin Jose Morinho, Liiska Quraacda & Qadada oo Magaciisa laga waayey markii ugu horeeysay iyo isaga xoojiyey Balantii Aabihiis (Halkaan ka Daawo Balanta Qisadaan sida uu u fuliyey)
Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda Real Madrid Mesut Ozil oo asalkiisa dalka Turkiga u dhashay ayaa si weeyn uga yaabsaday Ciyaartooyda kale ee kooxda Real Madrid sida Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Habi Alonso, Gonzalo Gerardo Higuain, Ricardo Carvalho iyo Macalin Jose Morinho.
Tv-ga caanka ah ee Spain ETB Sat ayaa waxa uu soo daayey Wareeysiyo goos goos ah oo laga soo qaaday Ciyaaryahan Mesut Ozil iyo Macalin Jose Morinho. Ciyaaryahan Ozil ayaa waxa uu ka cudur daartay in Maanta oo Isiniin ah 29-11.10 uusan ku jirin Liiska doorashada cuntada kooxda Real Madrid. Ciyaartooyda ayaa inta badan doorta maalin ka hor Qadada eey doonayaan si loogu sii diyaariyo maalinta xigta.
Ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa sheegay inuu Sooman yahay una soomay Ilaahiisa maadaama ilaa yaraantiisii uu Soomi jiray kulamada adag marka uu leeyahay wuxuuna sheegay in dhankiisa eeysan ku cusbeen inuu hal maalin u soomo Allihiisa isaga oo Guul iyo dambi dhaaf warsanaayo.
Maamulka Kooxda Real Madrid oo arintaan cusub dhagaha la qabsaday ayaa waxaa ugu yaab badneed markii uu Tababare Morinho si kaftan ah u yiri inta uu u soo dhawaaday ciyaaryahan Mesut Ozil sidan : " Ma soo wada badisay kulamadii adkaa ee aad soo soomi jirtay, Amaa guuldaro noo horseedaa? Ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa si Live ah waxa uu ugu Jawaabay (!! Allah weiss am besten, Und Allah weiss es !!) Waxaa uu yiri wax kaste ilaah ayaa og sida eey xaalada noqon doonto, isaga ayaana uga dambeenaa.
Mesut Ozil oo Kulanka EL Clasico ilaahiisa u Soomay Guulna ku weeydiistay ayaa xiliga eey ciyaarta dhaceeyso uusan Soomanaan doonin maadaama eey ciyaarta bilaabaneyso saacadu markeey tahay 21:00 Habeenimo wuxuuna sheegay in xitaa uu ka jeclaan lahaa ineey ciyaarta dhacdo iyada oo galab ah iyo isaga oo Sooman.
Qeeyb ka mid ah Wareeysiga Spain ETB Sat oo lagu soo qaatay Aabaha dhalay Mesut Ozil oo lagu magacaabo Mustafa Ozil ayaa sheegay in wiilkiisa isaga oo intaan ka sii yar uu reero Cibaado ahaa wuxuuna inuu Soomo bilaabay isaga oo 11-sano jir ah ayuu yiri Aabaha dhalay Mesut Ozil Mustafa Ozil. (Qeeybta 2-aad ee Wareysigaan oo aad u dheeraa Filo goor dhaw haduu alle idmo+Sawiro )
Kulamada uu Tv-ga soo qaatay ee lagu sheegay inuu soomanaa (Alla Tuug ) Mesut Ozil ayaa waxaa ka mid ahaa Muuqaaladaan >>